Selected

Original Text
Mahmud Muhammad Abduh

Available Translations

10 Yūnus يُونُس

< Previous   109 Āyah   Jonah      Next >  

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.

10:1 الٓر ۚ تِلْكَ ءَايَـٰتُ ٱلْكِتَـٰبِ ٱلْحَكِيمِ
10:1
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Kalimada hore waxay ku tusin Mucjisada Quraanka, Taasin waa Aayaadka Kitaabka falkasan.

10:2 أَكَانَ لِلنَّاسِ عَجَبًا أَنْ أَوْحَيْنَآ إِلَىٰ رَجُلٍ مِّنْهُمْ أَنْ أَنذِرِ ٱلنَّاسَ وَبَشِّرِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَنَّ لَهُمْ قَدَمَ صِدْقٍ عِندَ رَبِّهِمْ ۗ قَالَ ٱلْكَـٰفِرُونَ إِنَّ هَـٰذَا لَسَـٰحِرٌ مُّبِينٌ
10:2
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Dadka ma waxaa la yaab ku Noqotay inaan u waxyoon Nin ka mida u Dig Dadka, uguna Bishaaree kuwa Rumeeyey inay ku leeyihiin Camal fiican Eebahood agtiisa, waxay Dheheen Gaaladiina kani waa Sixirrow Cad.

10:3 إِنَّ رَبَّكُمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ ٱسْتَوَىٰ عَلَى ٱلْعَرْشِ ۖ يُدَبِّرُ ٱلْأَمْرَ ۖ مَا مِن شَفِيعٍ إِلَّا مِنۢ بَعْدِ إِذْنِهِۦ ۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمْ فَٱعْبُدُوهُ ۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
10:3
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Eebihiin waa kan ku Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Lix Maalmood markaas ku istiwooday Carshiga Isagaana maamula Amarka wax Shafeecina Idinkiisa la'aantiisa ma jiro, Kaasi waa Eebihiinna idin Barbaariya ee Caabuda, Miyeydaan wax Xusuusanayn.

10:4 إِلَيْهِ مَرْجِعُكُمْ جَمِيعًا ۖ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقًّا ۚ إِنَّهُۥ يَبْدَؤُا۟ ٱلْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ لِيَجْزِىَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ بِٱلْقِسْطِ ۚ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَهُمْ شَرَابٌ مِّنْ حَمِيمٍ وَعَذَابٌ أَلِيمٌۢ بِمَا كَانُوا۟ يَكْفُرُونَ
10:4
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Xaggiisaa laydiin Celin Dhammaan Yabooha Eebena waa Xaq, Eebaa Billaaba Abuurka Haddana soo Celin inuu ku Abaal mariyo kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican, si Caddaalada, kuwa Gaaloobayna waxaa u Sugnaaday Cabbid kulul iyo Cadaab Daran Gaalnimadoodai Darteed.

10:5 هُوَ ٱلَّذِى جَعَلَ ٱلشَّمْسَ ضِيَآءً وَٱلْقَمَرَ نُورًا وَقَدَّرَهُۥ مَنَازِلَ لِتَعْلَمُوا۟ عَدَدَ ٱلسِّنِينَ وَٱلْحِسَابَ ۚ مَا خَلَقَ ٱللَّهُ ذَٰلِكَ إِلَّا بِٱلْحَقِّ ۚ يُفَصِّلُ ٱلْـَٔايَـٰتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ
10:5
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Eebe waa kan ka yeelay Qorraxda Ifid Dayaxana Nuur una Qaddaray Meelo ay Socdaan, inaad Ogaataan Tirada Sanooyinka iyo Xisaabta wuxuu u Ahuuray Eebe Arrintaas Xaq Wuxuuna u Caddayn Aayaadka Ciddii wax Og.

10:6 إِنَّ فِى ٱخْتِلَـٰفِ ٱلَّيْلِ وَٱلنَّهَارِ وَمَا خَلَقَ ٱللَّهُ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ لَـَٔايَـٰتٍ لِّقَوْمٍ يَتَّقُونَ
10:6
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Ishadalka Habeenka iyo Maalinta iyo Abuurka Eebe ee Samooyinka iyo Dhulka aayadbaa ugu sugan Ciddii Dhawrsan.

10:7 إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يَرْجُونَ لِقَآءَنَا وَرَضُوا۟ بِٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَٱطْمَأَنُّوا۟ بِهَا وَٱلَّذِينَ هُمْ عَنْ ءَايَـٰتِنَا غَـٰفِلُونَ
10:7
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Kuwaan Rajaynayn la Kulankanaga kuna Raalli Noqday Nolosha Dhaw kuna Xasilay iyo kuwa Halmaansan Aayaadkannaga.

10:8 أُو۟لَـٰٓئِكَ مَأْوَىٰهُمُ ٱلنَّارُ بِمَا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ
10:8
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Kuwaas Hooygoodu waa Naar waxay Kasbanayeen Darteed.

10:9 إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ يَهْدِيهِمْ رَبُّهُم بِإِيمَـٰنِهِمْ ۖ تَجْرِى مِن تَحْتِهِمُ ٱلْأَنْهَـٰرُ فِى جَنَّـٰتِ ٱلنَّعِيمِ
10:9
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Kuwa Rumeeyey Xaqa oo falay Camal wanaagsan wuxuu ku Hanuunin Eebahood Iimaankooda waxaana socon Dhexdooda Wabiyadii Jannooyinka Naciimo Dhexdeeda iyagoo ku Sugan.

10:10 دَعْوَىٰهُمْ فِيهَا سُبْحَـٰنَكَ ٱللَّهُمَّ وَتَحِيَّتُهُمْ فِيهَا سَلَـٰمٌ ۚ وَءَاخِرُ دَعْوَىٰهُمْ أَنِ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
10:10
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Yeedhidooduna dhexdeeda waa Eebow waad Nasahantahay, Bariidadooduna waa (Nabadgalyo) Salaan, Ducadooduna waxaa ugu Dambayn Mahad Ilaahbaa leh Eebaha Caalamka ah.

10:11 ۞ وَلَوْ يُعَجِّلُ ٱللَّهُ لِلنَّاسِ ٱلشَّرَّ ٱسْتِعْجَالَهُم بِٱلْخَيْرِ لَقُضِىَ إِلَيْهِمْ أَجَلُهُمْ ۖ فَنَذَرُ ٱلَّذِينَ لَا يَرْجُونَ لِقَآءَنَا فِى طُغْيَـٰنِهِمْ يَعْمَهُونَ
10:11
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Haddu Eebe u Dedejiyo Dadka Xumaanta siday khayrka u Dedejistaan waxaa loo Dhamayn lahaa Ajashooda, Waanuse ku Dayn Kuwaan Rajaynayn la kulank nanaga Fasaadkooda iyagoo ku Wareersan.

10:12 وَإِذَا مَسَّ ٱلْإِنسَـٰنَ ٱلضُّرُّ دَعَانَا لِجَنۢبِهِۦٓ أَوْ قَاعِدًا أَوْ قَآئِمًا فَلَمَّا كَشَفْنَا عَنْهُ ضُرَّهُۥ مَرَّ كَأَن لَّمْ يَدْعُنَآ إِلَىٰ ضُرٍّ مَّسَّهُۥ ۚ كَذَٰلِكَ زُيِّنَ لِلْمُسْرِفِينَ مَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
10:12
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Markuu Taabto Dadka dhib wuu Na baryayaa isagoo Jiifa, ama Fadhiya ama Taagan, markaan ka faydno Dhibkana wuu iska Socdaa sidii isagoon Nabaryinba Dhibkii Taabtay, Saasaa loogu Qorxiyey Xadgudbayaasha waxay Falayeen.

10:13 وَلَقَدْ أَهْلَكْنَا ٱلْقُرُونَ مِن قَبْلِكُمْ لَمَّا ظَلَمُوا۟ ۙ وَجَآءَتْهُمْ رُسُلُهُم بِٱلْبَيِّنَـٰتِ وَمَا كَانُوا۟ لِيُؤْمِنُوا۟ ۚ كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْقَوْمَ ٱلْمُجْرِمِينَ
10:13
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Waxaan Halaagnay Quruumo idinka horreeyey markay Dulmi faleen, waxayna ula Timid Rasuuladoodii Xujooyin, mana ay an Rumeynayn, Saasaana ku abaal marinaa Qoomka Dambiilayaasha ah.

10:14 ثُمَّ جَعَلْنَـٰكُمْ خَلَـٰٓئِفَ فِى ٱلْأَرْضِ مِنۢ بَعْدِهِمْ لِنَنظُرَ كَيْفَ تَعْمَلُونَ
10:14
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Markaasaan idinka yeelay kuwo u hadha Dhulka Gadaashood inaan Eegno sidaad Fashaan.

10:15 وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ءَايَاتُنَا بَيِّنَـٰتٍ ۙ قَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَرْجُونَ لِقَآءَنَا ٱئْتِ بِقُرْءَانٍ غَيْرِ هَـٰذَآ أَوْ بَدِّلْهُ ۚ قُلْ مَا يَكُونُ لِىٓ أَنْ أُبَدِّلَهُۥ مِن تِلْقَآئِ نَفْسِىٓ ۖ إِنْ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰٓ إِلَىَّ ۖ إِنِّىٓ أَخَافُ إِنْ عَصَيْتُ رَبِّى عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ
10:15
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Marka lagu Akhriyo Korkooda Aayaadkanaga oo Cad Cad waxay Dhahaan kuwaan Rajaynayn la kulankanaga noo keen Quraan aan kan ahayn ama badal, waxaad dhahdaa igama suurowdo inaan ka baddalo agtayda, waxaan nun Raaci waxa lay waxyoodo, waxaan ka cabsan Haddaao Eebe Caasiyo Cadaab Maalin wayn.

10:16 قُل لَّوْ شَآءَ ٱللَّهُ مَا تَلَوْتُهُۥ عَلَيْكُمْ وَلَآ أَدْرَىٰكُم بِهِۦ ۖ فَقَدْ لَبِثْتُ فِيكُمْ عُمُرًا مِّن قَبْلِهِۦٓ ۚ أَفَلَا تَعْقِلُونَ
10:16
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Waxaad Dhahdaa Hadduu doono Eebe idnikiima Akhriycen idinmana Ogaysiiyeen isaga, waxaan ku Nagaaday Dhexdiinna ka hor Cimri ee Meyeydaan wax kasayn.

10:17 فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ ٱفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَوْ كَذَّبَ بِـَٔايَـٰتِهِۦٓ ۚ إِنَّهُۥ لَا يُفْلِحُ ٱلْمُجْرِمُونَ
10:17
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Yaa ka Dulmi Badan Cid ku Been Abuuratay Eebe ama Beeniyey Aayaadkiisa, Illeen ma Lubaano Dambiilayaal.

10:18 وَيَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَضُرُّهُمْ وَلَا يَنفَعُهُمْ وَيَقُولُونَ هَـٰٓؤُلَآءِ شُفَعَـٰٓؤُنَا عِندَ ٱللَّهِ ۚ قُلْ أَتُنَبِّـُٔونَ ٱللَّهَ بِمَا لَا يَعْلَمُ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَلَا فِى ٱلْأَرْضِ ۚ سُبْحَـٰنَهُۥ وَتَعَـٰلَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ
10:18
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Waxay Caabudayaan Eebe ka sokow waxaan Dhibayn Anfaceyna waxayna Odhan kuwana waa Shafeecayaalkanaga Eebe Agtiisa, waxaad Dhahdaa ma waxaad uga warramaysaan Eebe wuxuusan ku Ogayn Samooyinja iyo Dhulka, wuxuu ka Nasahanyahay oo ka Sarreeyaa waxay la Wadaajiyeen Eebe.

10:19 وَمَا كَانَ ٱلنَّاسُ إِلَّآ أُمَّةً وَٰحِدَةً فَٱخْتَلَفُوا۟ ۚ وَلَوْلَا كَلِمَةٌ سَبَقَتْ مِن رَّبِّكَ لَقُضِىَ بَيْنَهُمْ فِيمَا فِيهِ يَخْتَلِفُونَ
10:19
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Dadka wuxuu ahaa Ummad Kaliya Markaasay Iskhilaafeen, haddayan Jirin Kalimad Eebahaa u horraysay waa la kala Xukmin lahaa Dexdooda waxay isku diidanyihiin.

10:20 وَيَقُولُونَ لَوْلَآ أُنزِلَ عَلَيْهِ ءَايَةٌ مِّن رَّبِّهِۦ ۖ فَقُلْ إِنَّمَا ٱلْغَيْبُ لِلَّهِ فَٱنتَظِرُوٓا۟ إِنِّى مَعَكُم مِّنَ ٱلْمُنتَظِرِينَ
10:20
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Waxay Odhan Gaaladu maa lagaga soo Dejiyo Xagga Eebahaa Aayad, waxaad dhahdaa waxa Maqan Eebe umbaa iska leh, ee Suga Anuguna waan idinka Sugiye.

10:21 وَإِذَآ أَذَقْنَا ٱلنَّاسَ رَحْمَةً مِّنۢ بَعْدِ ضَرَّآءَ مَسَّتْهُمْ إِذَا لَهُم مَّكْرٌ فِىٓ ءَايَاتِنَا ۚ قُلِ ٱللَّهُ أَسْرَعُ مَكْرًا ۚ إِنَّ رُسُلَنَا يَكْتُبُونَ مَا تَمْكُرُونَ
10:21
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Markaan Dhadhansiinno Dadka Naxariis Dhibaato ka dib Taabatay waxaa soo Baxa iyagoo dhagri Aayaadkanaga, waxaa Deg-Deg badan Ciqaabta Eebe Malaa'igtanaduna way Qori waxaad Dhagraysaan.

10:22 هُوَ ٱلَّذِى يُسَيِّرُكُمْ فِى ٱلْبَرِّ وَٱلْبَحْرِ ۖ حَتَّىٰٓ إِذَا كُنتُمْ فِى ٱلْفُلْكِ وَجَرَيْنَ بِهِم بِرِيحٍ طَيِّبَةٍ وَفَرِحُوا۟ بِهَا جَآءَتْهَا رِيحٌ عَاصِفٌ وَجَآءَهُمُ ٱلْمَوْجُ مِن كُلِّ مَكَانٍ وَظَنُّوٓا۟ أَنَّهُمْ أُحِيطَ بِهِمْ ۙ دَعَوُا۟ ٱللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ لَئِنْ أَنجَيْتَنَا مِنْ هَـٰذِهِۦ لَنَكُونَنَّ مِنَ ٱلشَّـٰكِرِينَ
10:22
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Eebe waa Kan Idinku Wada Barriga iyo Baddaba markay ahaadaan Doonta oo ay ku socdaan Dabayl Fiican oo ay Markaas ku Farxaan oy u Timaaddo Dabayl Daran ugana yimaaddo hirku Dhan kasta oy una Maleeyaan in la koobay (la Halaagay) waxay Baryaan Eebe iyagoo u kaliyeeli Diinta Iyagoo (Dhihi) Haddaad naga koriso tan waannu kugu Mahdin.

10:23 فَلَمَّآ أَنجَىٰهُمْ إِذَا هُمْ يَبْغُونَ فِى ٱلْأَرْضِ بِغَيْرِ ٱلْحَقِّ ۗ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّمَا بَغْيُكُمْ عَلَىٰٓ أَنفُسِكُم ۖ مَّتَـٰعَ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ۖ ثُمَّ إِلَيْنَا مَرْجِعُكُمْ فَنُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
10:23
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Markuu koriyeyna Markaas ku xad gudbaan Dhulka Xaq Darro Dadoow waxaad uun ku Xad Gudbaysaan Naftinna, waa uun Nolosha Dhaw Markaas Xagganagaa laydiin soo Celin waxaana idiinka warramaynaa waxaad Camal Falayseen.

10:24 إِنَّمَا مَثَلُ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا كَمَآءٍ أَنزَلْنَـٰهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ فَٱخْتَلَطَ بِهِۦ نَبَاتُ ٱلْأَرْضِ مِمَّا يَأْكُلُ ٱلنَّاسُ وَٱلْأَنْعَـٰمُ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَخَذَتِ ٱلْأَرْضُ زُخْرُفَهَا وَٱزَّيَّنَتْ وَظَنَّ أَهْلُهَآ أَنَّهُمْ قَـٰدِرُونَ عَلَيْهَآ أَتَىٰهَآ أَمْرُنَا لَيْلًا أَوْ نَهَارًا فَجَعَلْنَـٰهَا حَصِيدًا كَأَن لَّمْ تَغْنَ بِٱلْأَمْسِ ۚ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ ٱلْـَٔايَـٰتِ لِقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ
10:24
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Nolosha Adduunyo waa uun Biyo oo kale oon ka soo Dejinay Samada oo ku Dheehnay waxa ka so baxa Dhulka oo ah wuxuu Dadku Cuno iyo Xooluhu markuu dhulku Qurux ka Buuxsamo oy isqurxhiso oo Dadkeedu u Maleeyo inay Karaan (Goosashadeeda) yaa waxaa u Yimaadda Amarkannagii Habeen ama Dharaar waxaana ka yeelaa wax la Shafay sidii iyadoon Shalay Jirin, Saasaana ugu Caddaynay Aayaadka Qoomkii Firkiri.

10:25 وَٱللَّهُ يَدْعُوٓا۟ إِلَىٰ دَارِ ٱلسَّلَـٰمِ وَيَهْدِى مَن يَشَآءُ إِلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ
10:25
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Eebe wuxuu ugu yeedhi (Dadka) Guriga Nabadgalyada (Jannada) wuxuuna ku Hanuuniyaa Cidduu Doono Jid Toosan (Xaqa).

10:26 ۞ لِّلَّذِينَ أَحْسَنُوا۟ ٱلْحُسْنَىٰ وَزِيَادَةٌ ۖ وَلَا يَرْهَقُ وُجُوهَهُمْ قَتَرٌ وَلَا ذِلَّةٌ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ أَصْحَـٰبُ ٱلْجَنَّةِ ۖ هُمْ فِيهَا خَـٰلِدُونَ
10:26
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Kuwa Wanaagga Falayna waxaa u Sugnaaday Wanaag (Janno) (Aakhiro) iyo Siyaado (Aragga Eebe) mana haleelo Wajigooda Boodh iyo Dulli midna kuwaasuna waa Asaxaabta (Ehelka) Jannada wayna ku waari Dhexdeeda.

10:27 وَٱلَّذِينَ كَسَبُوا۟ ٱلسَّيِّـَٔاتِ جَزَآءُ سَيِّئَةٍۭ بِمِثْلِهَا وَتَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌ ۖ مَّا لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ مِنْ عَاصِمٍ ۖ كَأَنَّمَآ أُغْشِيَتْ وُجُوهُهُمْ قِطَعًا مِّنَ ٱلَّيْلِ مُظْلِمًا ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ أَصْحَـٰبُ ٱلنَّارِ ۖ هُمْ فِيهَا خَـٰلِدُونَ
10:27
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
kuwa kasbaday xumaan Abaalkood waa Xumaan la mida, waxaana haleeli dulli wax Eebe ka ilaalinna ma jiro, waxaadna moodaa in lagu daboolay wajigooda goosin habeen oo mugdi ah, kuwaasu waa Asaxaabta (Ehelka) Naarta wayna ku waari dhexdeeda,

10:28 وَيَوْمَ نَحْشُرُهُمْ جَمِيعًا ثُمَّ نَقُولُ لِلَّذِينَ أَشْرَكُوا۟ مَكَانَكُمْ أَنتُمْ وَشُرَكَآؤُكُمْ ۚ فَزَيَّلْنَا بَيْنَهُمْ ۖ وَقَالَ شُرَكَآؤُهُم مَّا كُنتُمْ إِيَّانَا تَعْبُدُونَ
10:28
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
ka warran maalintaan kulminaynno Dhammaan markaas aan ku dhahaynno kuwii la wadaajiyey (Gaaloobay) Meejiinna ahaada idinka iyo kuwaad la wadaajiseen markaasaan kala gaynay dhexdooda, waxayna dheheen kuway la wadaajiyeen (Eebe) an naga nama aydaan Caabudayn.

10:29 فَكَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدًۢا بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ إِن كُنَّا عَنْ عِبَادَتِكُمْ لَغَـٰفِلِينَ
10:29
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxaa markhaati dhexdeenna ugu filan Eebe inaan Cibaadadiinna Moogayn.

10:30 هُنَالِكَ تَبْلُوا۟ كُلُّ نَفْسٍ مَّآ أَسْلَفَتْ ۚ وَرُدُّوٓا۟ إِلَى ٱللَّهِ مَوْلَىٰهُمُ ٱلْحَقِّ ۖ وَضَلَّ عَنْهُم مَّا كَانُوا۟ يَفْتَرُونَ
10:30
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
halkaasaa lagu imtixaami naf kasta waxay hor marsatay, waxanna loo eeliyaa Ilaaha Sayidkooda xaqa ah waxaana ka dhumay wa.xay been abuuranayeen.

10:31 قُلْ مَن يَرْزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ أَمَّن يَمْلِكُ ٱلسَّمْعَ وَٱلْأَبْصَـٰرَ وَمَن يُخْرِجُ ٱلْحَىَّ مِنَ ٱلْمَيِّتِ وَيُخْرِجُ ٱلْمَيِّتَ مِنَ ٱلْحَىِّ وَمَن يُدَبِّرُ ٱلْأَمْرَ ۚ فَسَيَقُولُونَ ٱللَّهُ ۚ فَقُلْ أَفَلَا تَتَّقُونَ
10:31
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxaad dhahdaa yaa idinka Arsaaqa Samada iyo dhulka, yaana hanta maqalka, Aragyada, yaana ka soo bixiya wax Nool wax dhintay, kana soo bixiya was Dhintay wax Nool, yaana Maamula Amarka waxay ku odhan Eebe, waxaad dhahdaa miyeydaan Dhawrsanayn.

10:32 فَذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمُ ٱلْحَقُّ ۖ فَمَاذَا بَعْدَ ٱلْحَقِّ إِلَّا ٱلضَّلَـٰلُ ۖ فَأَنَّىٰ تُصْرَفُونَ
10:32
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
kaasi waa Ilaahiin Eebihiinna xaqa ah, maxaase xaqa ka dambeeya (Ka duway) oon baadi ahayn, ee xaggee laydiin Leexin.

10:33 كَذَٰلِكَ حَقَّتْ كَلِمَتُ رَبِّكَ عَلَى ٱلَّذِينَ فَسَقُوٓا۟ أَنَّهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ
10:33
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Saasay ugu Waajibtay Kalimadii Eebahaa kuwa faasiqoobay oo ah inayan rumeeynin (Xaqa).

10:34 قُلْ هَلْ مِن شُرَكَآئِكُم مَّن يَبْدَؤُا۟ ٱلْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ ۚ قُلِ ٱللَّهُ يَبْدَؤُا۟ ٱلْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ ۖ فَأَنَّىٰ تُؤْفَكُونَ
10:34
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxaad dhahdaa ma ka midyihiin Shurakadiinna cid billowda Abuurka Soona celiya, waxaad dhadaa Eebaa Bilaaba khalqiga soona eeliya ee xaggee loo iili.

10:35 قُلْ هَلْ مِن شُرَكَآئِكُم مَّن يَهْدِىٓ إِلَى ٱلْحَقِّ ۚ قُلِ ٱللَّهُ يَهْدِى لِلْحَقِّ ۗ أَفَمَن يَهْدِىٓ إِلَى ٱلْحَقِّ أَحَقُّ أَن يُتَّبَعَ أَمَّن لَّا يَهِدِّىٓ إِلَّآ أَن يُهْدَىٰ ۖ فَمَا لَكُمْ كَيْفَ تَحْكُمُونَ
10:35
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxaad dhahdaa ma ka midyahay shurakadiinna cid ku hanuunin xaqa, waxaad dhadaa Eebaa ku hanuunin Xaqa, mase mid ku hanuunin Xaqa yaa mudan in la raaco mise midaan hanuuninayn in la hanuuniyo mooyee, maxaad leedihiin sideed xukumaysaan.

10:36 وَمَا يَتَّبِعُ أَكْثَرُهُمْ إِلَّا ظَنًّا ۚ إِنَّ ٱلظَّنَّ لَا يُغْنِى مِنَ ٱلْحَقِّ شَيْـًٔا ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌۢ بِمَا يَفْعَلُونَ
10:36
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
mana raaco badankoodu waxaan malo ahayn, malana waxba kama taro xaqa, Eebana waa ogyahay waxay falayaan.

10:37 وَمَا كَانَ هَـٰذَا ٱلْقُرْءَانُ أَن يُفْتَرَىٰ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلَـٰكِن تَصْدِيقَ ٱلَّذِى بَيْنَ يَدَيْهِ وَتَفْصِيلَ ٱلْكِتَـٰبِ لَا رَيْبَ فِيهِ مِن رَّبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
10:37
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
ma aha Quraankanu mid laga been abuurtay Eebe ka sokow, waase u rumeeyaha wixii ka horreeyey iyo caddaynta Kitaabka (Xukunka) shakina kuma jiro wuxuuna ka ahaaday Eebaha Caalamka.

10:38 أَمْ يَقُولُونَ ٱفْتَرَىٰهُ ۖ قُلْ فَأْتُوا۟ بِسُورَةٍ مِّثْلِهِۦ وَٱدْعُوا۟ مَنِ ٱسْتَطَعْتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ
10:38
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
mise waxay odhan wuu Been abuurtay, waxaad dhahdaa la imaadda suurad la mida una yeedha ciddaad kartaan oo Eebe ka soo hadhay haddaad run sheegaysaan.

10:39 بَلْ كَذَّبُوا۟ بِمَا لَمْ يُحِيطُوا۟ بِعِلْمِهِۦ وَلَمَّا يَأْتِهِمْ تَأْوِيلُهُۥ ۚ كَذَٰلِكَ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۖ فَٱنظُرْ كَيْفَ كَانَ عَـٰقِبَةُ ٱلظَّـٰلِمِينَ
10:39
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxayse beeniyeen waxayna cilmigiisa koobin (Quraanka) uusanna wali u imaanin aayahiisu saasayna u beeniyeen kuwii ka horreeyey ee bal day siday noqotay Cidhibtii Daalimiinta.

10:40 وَمِنْهُم مَّن يُؤْمِنُ بِهِۦ وَمِنْهُم مَّن لَّا يُؤْمِنُ بِهِۦ ۚ وَرَبُّكَ أَعْلَمُ بِٱلْمُفْسِدِينَ
10:40
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxaa ka mida Dadka mid rumeyn Quraanka iyo midaan rumaynayn Eebana waa ogyahay Mufsidiinta.

10:41 وَإِن كَذَّبُوكَ فَقُل لِّى عَمَلِى وَلَكُمْ عَمَلُكُمْ ۖ أَنتُم بَرِيٓـُٔونَ مِمَّآ أَعْمَلُ وَأَنَا۠ بَرِىٓءٌ مِّمَّا تَعْمَلُونَ
10:41
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
hadday ku Beeniyaan waxaad dhahdaa anuugu waxaan leeyahay Camalkayga idinkuna camalkiinna idinku bari baad ka tihiin waxaan fali anna bari baan ka ahay waxaad falaysaan.

10:42 وَمِنْهُم مَّن يَسْتَمِعُونَ إِلَيْكَ ۚ أَفَأَنتَ تُسْمِعُ ٱلصُّمَّ وَلَوْ كَانُوا۟ لَا يَعْقِلُونَ
10:42
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxaa ka mida gaalada kuwo ku dhagaysan ma adaa wax maqashiin kara mid dhaga la' oon wax kasayn.

10:43 وَمِنْهُم مَّن يَنظُرُ إِلَيْكَ ۚ أَفَأَنتَ تَهْدِى ٱلْعُمْىَ وَلَوْ كَانُوا۟ لَا يُبْصِرُونَ
10:43
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxaana ka mida mid ku soo dhawri ma adaa toosin kara mid indha la' oon wax arkayn.

10:44 إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَظْلِمُ ٱلنَّاسَ شَيْـًٔا وَلَـٰكِنَّ ٱلنَّاسَ أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ
10:44
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Eebe kama dulmiyo Dadka waxba, hasayeeshee Dadka Naftiisa Dulmiya.

10:45 وَيَوْمَ يَحْشُرُهُمْ كَأَن لَّمْ يَلْبَثُوٓا۟ إِلَّا سَاعَةً مِّنَ ٱلنَّهَارِ يَتَعَارَفُونَ بَيْنَهُمْ ۚ قَدْ خَسِرَ ٱلَّذِينَ كَذَّبُوا۟ بِلِقَآءِ ٱللَّهِ وَمَا كَانُوا۟ مُهْتَدِينَ
10:45
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Maalinta la kulminna waxay la mid noqon iyagoon nagaanin Saacad Maalin mooyee, wayna is aqoonsan dhexdooda, waxaana khasaaray kuwa beeniyey la kulanka Eebe mana hanuunsanayn.

10:46 وَإِمَّا نُرِيَنَّكَ بَعْضَ ٱلَّذِى نَعِدُهُمْ أَوْ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِلَيْنَا مَرْجِعُهُمْ ثُمَّ ٱللَّهُ شَهِيدٌ عَلَىٰ مَا يَفْعَلُونَ
10:46
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
haddaan ku tusinno waxaannu ugu goodin qaarkiis ama aan ku oofsanno xagganaga umbaa loo soo celin, markaasna Eebaa ka maraga waxay falayaan.

10:47 وَلِكُلِّ أُمَّةٍ رَّسُولٌ ۖ فَإِذَا جَآءَ رَسُولُهُمْ قُضِىَ بَيْنَهُم بِٱلْقِسْطِ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ
10:47
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Ummad kasa Rasuulbay leedahay, markuu u yimaaddo Rasuulkooduna waxaa lagu kala xukmin caddaalad lamana dulmiyo.

10:48 وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَـٰذَا ٱلْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ
10:48
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxayna odhan gaaladu waa goorma yaboohaas (Gooddiga) haddaad runsheegaysaan.

10:49 قُل لَّآ أَمْلِكُ لِنَفْسِى ضَرًّا وَلَا نَفْعًا إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُ ۗ لِكُلِّ أُمَّةٍ أَجَلٌ ۚ إِذَا جَآءَ أَجَلُهُمْ فَلَا يَسْتَـْٔخِرُونَ سَاعَةً ۖ وَلَا يَسْتَقْدِمُونَ
10:49
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxaad dhahdaa uma hanto naftayda Dhib iyo nacfi midna wuxuu Eebe doono mooyee, Ummaad kastana waxay leedahay Ajal (Muddo) markay Ajashoodu timaadana lagama dib mariyo Saacad lagamana hor mariyo.

10:50 قُلْ أَرَءَيْتُمْ إِنْ أَتَىٰكُمْ عَذَابُهُۥ بَيَـٰتًا أَوْ نَهَارًا مَّاذَا يَسْتَعْجِلُ مِنْهُ ٱلْمُجْرِمُونَ
10:50
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxaad dhahdaa bal ka warrama hadduu idiinku yimaaddo Cadaabkiisu (Eebe) Mir ama Maalin maxay ka dedejisan xaggiisa Dambiilayaashu.

10:51 أَثُمَّ إِذَا مَا وَقَعَ ءَامَنتُم بِهِۦٓ ۚ ءَآلْـَٔـٰنَ وَقَدْ كُنتُم بِهِۦ تَسْتَعْجِلُونَ
10:51
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Mise markuu dhaeaad rumaynaysaan hadda idinkoo Dedejisanayey.

10:52 ثُمَّ قِيلَ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ ذُوقُوا۟ عَذَابَ ٱلْخُلْدِ هَلْ تُجْزَوْنَ إِلَّا بِمَا كُنتُمْ تَكْسِبُونَ
10:52
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
markaasa lagu odhan kuwii dulmi falay dhadhamiya cadaabka waaridda, miyaana laydinka abaal marinin waxaad kasbanayseen mooyee.

10:53 ۞ وَيَسْتَنۢبِـُٔونَكَ أَحَقٌّ هُوَ ۖ قُلْ إِى وَرَبِّىٓ إِنَّهُۥ لَحَقٌّ ۖ وَمَآ أَنتُم بِمُعْجِزِينَ
10:53
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxay ku warsan ma xaqbaa isagu, dheh haa Eebahaybaan ku dhaartaye isagaa Xaqa, idinkuna ma tihidiin kuwo (Eebe) daalin.

10:54 وَلَوْ أَنَّ لِكُلِّ نَفْسٍ ظَلَمَتْ مَا فِى ٱلْأَرْضِ لَٱفْتَدَتْ بِهِۦ ۗ وَأَسَرُّوا۟ ٱلنَّدَامَةَ لَمَّا رَأَوُا۟ ٱلْعَذَابَ ۖ وَقُضِىَ بَيْنَهُم بِٱلْقِسْطِ ۚ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ
10:54
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
hadday naf kasta oo dulmi fashay leedahay waxa dhulka ku sugan way isku furan lahayd, waxayna qarsan gaaladu shalayto markay Arkaan Cadaabka, waxaana lagu kala xukmin Dhexdooda Xaq lamana dulminayo.

10:55 أَلَآ إِنَّ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۗ أَلَآ إِنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ
10:55
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Eebana waxaa u sugnaaday waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulka, yabooha Eebana waa Xaq Dadka badankiisuse ma oga.

10:56 هُوَ يُحْىِۦ وَيُمِيتُ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
10:56
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Eebaa wax nooleeyn waxna dila xaggiisaana laydiin soo celin.

10:57 يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ قَدْ جَآءَتْكُم مَّوْعِظَةٌ مِّن رَّبِّكُمْ وَشِفَآءٌ لِّمَا فِى ٱلصُّدُورِ وَهُدًى وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ
10:57
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Dadow waxaa idiin timid Waano Eebihiin iyo Caafimaadka waxa Laabta ku sugan iyo Hanuun iyo naxariista Mu'miniinta.

10:58 قُلْ بِفَضْلِ ٱللَّهِ وَبِرَحْمَتِهِۦ فَبِذَٰلِكَ فَلْيَفْرَحُوا۟ هُوَ خَيْرٌ مِّمَّا يَجْمَعُونَ
10:58
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Waxaad dhahdaa Fadliga Eebe iyo Naxariisiisa arintaas ha ku farxeen (Mu'miniintu) iyadaa ugu Khayrroon waxay kulmine.

10:59 قُلْ أَرَءَيْتُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ لَكُم مِّن رِّزْقٍ فَجَعَلْتُم مِّنْهُ حَرَامًا وَحَلَـٰلًا قُلْ ءَآللَّهُ أَذِنَ لَكُمْ ۖ أَمْ عَلَى ٱللَّهِ تَفْتَرُونَ
10:59
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxaad dhahdaa ka warrama waxa Eebe idiin soo dejiyo oo Risqi ah ood ka yeesheen Qaar ka mida Xaaraan (qaarna) Xalaal, waxaad dhahdaa ma Eebaa idiin idmay mise Eebaad ku Beenabuuranaysaan.

10:60 وَمَا ظَنُّ ٱلَّذِينَ يَفْتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلْكَذِبَ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَذُو فَضْلٍ عَلَى ٱلنَّاسِ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَشْكُرُونَ
10:60
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Maxay u malayn kuwa ku been abuuran Eebe (inuu ku fali) Maalinta Qiyaame, Eebe waa kan Fadliga ku leh Dadka badankooduse kuma mahadiyaan.

10:61 وَمَا تَكُونُ فِى شَأْنٍ وَمَا تَتْلُوا۟ مِنْهُ مِن قُرْءَانٍ وَلَا تَعْمَلُونَ مِنْ عَمَلٍ إِلَّا كُنَّا عَلَيْكُمْ شُهُودًا إِذْ تُفِيضُونَ فِيهِ ۚ وَمَا يَعْزُبُ عَن رَّبِّكَ مِن مِّثْقَالِ ذَرَّةٍ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَا فِى ٱلسَّمَآءِ وَلَآ أَصْغَرَ مِن ذَٰلِكَ وَلَآ أَكْبَرَ إِلَّا فِى كِتَـٰبٍ مُّبِينٍ
10:61
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Wixii Xaala ood ku Sugan tahay wixii quraana ood Akhrin, wixii camala ood falaysaan waan idin la joognaana (ognahay) narkaad dhex galaysaan, kagama Qarsoona Eebahaa waxa u yar Dhulka dhexdiisa iyo Samada, wixii ka yar iyo wixii ka wanyna Kitaab cad bay ku sugnayihiin.

10:62 أَلَآ إِنَّ أَوْلِيَآءَ ٱللَّهِ لَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ
10:62
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Awliyada Eebana cabsi masaarra mana murugoodaan.

10:63 ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَكَانُوا۟ يَتَّقُونَ
10:63
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waana kuwa rumeeyay (xaqa) dhawrsadana.

10:64 لَهُمُ ٱلْبُشْرَىٰ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَفِى ٱلْـَٔاخِرَةِ ۚ لَا تَبْدِيلَ لِكَلِمَـٰتِ ٱللَّهِ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ
10:64
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Waxaana u sugnaaday Bishaaro nolosha adduunyo iyo Aakhiraba, wax badali Kalimada Eebana ma jiro, taasina waa uuu Liibaanta wayn.

10:65 وَلَا يَحْزُنكَ قَوْلُهُمْ ۘ إِنَّ ٱلْعِزَّةَ لِلَّهِ جَمِيعًا ۚ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ
10:65
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
yuuna ku walbahaarin hadalkoodu cisi dhamaantiis Eebaa iska leh, waana Maqle oge.

10:66 أَلَآ إِنَّ لِلَّهِ مَن فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ ۗ وَمَا يَتَّبِعُ ٱلَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ شُرَكَآءَ ۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَإِنْ هُمْ إِلَّا يَخْرُصُونَ
10:66
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Eebaa iska leh waxa samooyinka iyo Dhulka ku sugan, waxay raacayaan oy Caabudi Eebe ka sokow wa Shurako (Sanamyo) waxaan mala ahayna ma raacayaan, waxaan heenaalayaal ahaynna ma aha.

10:67 هُوَ ٱلَّذِى جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيْلَ لِتَسْكُنُوا۟ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبْصِرًا ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّقَوْمٍ يَسْمَعُونَ
10:67
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Eebe waa kan idiin yeelay Habeenka inaad xasishaan, Maalintana Arag (Ka yeelay) arrintaasna waxaa ugu sugan calaamooyin qoomkii wax maqli.

10:68 قَالُوا۟ ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ وَلَدًا ۗ سُبْحَـٰنَهُۥ ۖ هُوَ ٱلْغَنِىُّ ۖ لَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۚ إِنْ عِندَكُم مِّن سُلْطَـٰنٍۭ بِهَـٰذَآ ۚ أَتَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ
10:68
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxay dheheen wuxuu yeeshay Eebe Ilmo, waa nasahanyahay, Eebana waa uun Hodan, wuxuuna leeyahay waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, agtiinna xujo uma taal waxaas (Beenta) mise Eebaad ku sheegaysaan waxaydaan ogayn.

10:69 قُلْ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَفْتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلْكَذِبَ لَا يُفْلِحُونَ
10:69
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxaad dhahdaa kuwa Eebe ku abuurta beenta ma libaanaan.

10:70 مَتَـٰعٌ فِى ٱلدُّنْيَا ثُمَّ إِلَيْنَا مَرْجِعُهُمْ ثُمَّ نُذِيقُهُمُ ٱلْعَذَابَ ٱلشَّدِيدَ بِمَا كَانُوا۟ يَكْفُرُونَ
10:70
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waa uun waaxada adduunyo markaas xagganagaa noqoshadoodu noqon, markaasaan Dhadhansiinaynaa cadaab daran gaalnimadooda darteed.

10:71 ۞ وَٱتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ نُوحٍ إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِۦ يَـٰقَوْمِ إِن كَانَ كَبُرَ عَلَيْكُم مَّقَامِى وَتَذْكِيرِى بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ فَعَلَى ٱللَّهِ تَوَكَّلْتُ فَأَجْمِعُوٓا۟ أَمْرَكُمْ وَشُرَكَآءَكُمْ ثُمَّ لَا يَكُنْ أَمْرُكُمْ عَلَيْكُمْ غُمَّةً ثُمَّ ٱقْضُوٓا۟ إِلَىَّ وَلَا تُنظِرُونِ
10:71
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
ku akhri korkooda warkii Nabi Nuux markuu ku yidhi qoomkiisii qoomkayow hadday idin la waynaatay Nagaadigayga iyo ku waanintayada aayaadka Eebe waxaan tala saartay Eebe ee kulmiya amarkiinna iyo shurakadinnaa yuuna ahaan amarkiinna wax qarsoon (oo dhiba) markaas i xukuma hana i sugina.

10:72 فَإِن تَوَلَّيْتُمْ فَمَا سَأَلْتُكُم مِّنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِ ۖ وَأُمِرْتُ أَنْ أَكُونَ مِنَ ٱلْمُسْلِمِينَ
10:72
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
haddaad jeedsataan idin warsanmaayo ujuuro, ujuuradayda waxaa idiin Eebe, waxaana lay faray inaan ka mid ahaado Muslimiinta.

10:73 فَكَذَّبُوهُ فَنَجَّيْنَـٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِى ٱلْفُلْكِ وَجَعَلْنَـٰهُمْ خَلَـٰٓئِفَ وَأَغْرَقْنَا ٱلَّذِينَ كَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَا ۖ فَٱنظُرْ كَيْفَ كَانَ عَـٰقِبَةُ ٱلْمُنذَرِينَ
10:73
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Wayna beeniyeen waxaana ku korinnay Nabi Nuux iyo intii la jirtay Doontii, waxaana ka yeelay kuwo u hadha dhulka, waxaana maanshaynay kuwii beeniyey Aayaadkannaga ee day siday noqotay cidhibtii kuwii loo digay.

10:74 ثُمَّ بَعَثْنَا مِنۢ بَعْدِهِۦ رُسُلًا إِلَىٰ قَوْمِهِمْ فَجَآءُوهُم بِٱلْبَيِّنَـٰتِ فَمَا كَانُوا۟ لِيُؤْمِنُوا۟ بِمَا كَذَّبُوا۟ بِهِۦ مِن قَبْلُ ۚ كَذَٰلِكَ نَطْبَعُ عَلَىٰ قُلُوبِ ٱلْمُعْتَدِينَ
10:74
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
markaas kadib waxaan u Bixinnay Rasuullo Qoomkoodii Waxayna ula yimaadeen xujooyin, mana Rumayn beenintoodii darteed ee horraysay Saasaan u Daabacnaa «daboollaa» Quluubta xadgudbayaasha.

10:75 ثُمَّ بَعَثْنَا مِنۢ بَعْدِهِم مُّوسَىٰ وَهَـٰرُونَ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَمَلَإِي۟هِۦ بِـَٔايَـٰتِنَا فَٱسْتَكْبَرُوا۟ وَكَانُوا۟ قَوْمًا مُّجْرِمِينَ
10:75
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
markaasaan u Bixinay gadaashood (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun fircoon iyo colkiisii iyagoo Wata aayaadkannagii, wayna Isla waynaadeen waxayna Noqdeen Qoom dambiilayaal ah.

10:76 فَلَمَّا جَآءَهُمُ ٱلْحَقُّ مِنْ عِندِنَا قَالُوٓا۟ إِنَّ هَـٰذَا لَسِحْرٌ مُّبِينٌ
10:76
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
markuu uga yimid Xaqu Caggannaga waxay Dhaheen kani waa sixir cad.

10:77 قَالَ مُوسَىٰٓ أَتَقُولُونَ لِلْحَقِّ لَمَّا جَآءَكُمْ ۖ أَسِحْرٌ هَـٰذَا وَلَا يُفْلِحُ ٱلسَّـٰحِرُونَ
10:77
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Wuxuuna yidhi (Nabi) Muuse ma waxaad ku Dhahaysaan Xaqa markuu idiin yimid ma Sixirbaa kani? isagoosan Liibaanin saaxiriintu.

10:78 قَالُوٓا۟ أَجِئْتَنَا لِتَلْفِتَنَا عَمَّا وَجَدْنَا عَلَيْهِ ءَابَآءَنَا وَتَكُونَ لَكُمَا ٱلْكِبْرِيَآءُ فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا نَحْنُ لَكُمَا بِمُؤْمِنِينَ
10:78
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Waxayna dhaheen ma waxaad noogu timid inaad naga leexisid waxaan ka hellay Aabayaalkanni oy idiin Ahaato waynaanta Dhulka (xukunka) annagu idinka idin Rumaynnaynno.

10:79 وَقَالَ فِرْعَوْنُ ٱئْتُونِى بِكُلِّ سَـٰحِرٍ عَلِيمٍ
10:79
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
wuxuu yidhi fircoon ii keena saaxir cilmi badan oo dhan.

10:80 فَلَمَّا جَآءَ ٱلسَّحَرَةُ قَالَ لَهُم مُّوسَىٰٓ أَلْقُوا۟ مَآ أَنتُم مُّلْقُونَ
10:80
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
markay yimaadeen saaxiriintiina wuxuu ku yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan.

10:81 فَلَمَّآ أَلْقَوْا۟ قَالَ مُوسَىٰ مَا جِئْتُم بِهِ ٱلسِّحْرُ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ سَيُبْطِلُهُۥٓ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُصْلِحُ عَمَلَ ٱلْمُفْسِدِينَ
10:81
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
markay tuureenna wuxuu yidhi (Nabi) Muuse sixir baad la timaadeen Eebaana Burin, Eebana ma hagaajiyo camalka fasaadiyayaasha.

10:82 وَيُحِقُّ ٱللَّهُ ٱلْحَقَّ بِكَلِمَـٰتِهِۦ وَلَوْ كَرِهَ ٱلْمُجْرِمُونَ
10:82
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
wuxuuna ku sugaa Eebe xaqa kalimadiisa haba naceen Dambiilayaashuye.

10:83 فَمَآ ءَامَنَ لِمُوسَىٰٓ إِلَّا ذُرِّيَّةٌ مِّن قَوْمِهِۦ عَلَىٰ خَوْفٍ مِّن فِرْعَوْنَ وَمَلَإِي۟هِمْ أَن يَفْتِنَهُمْ ۚ وَإِنَّ فِرْعَوْنَ لَعَالٍ فِى ٱلْأَرْضِ وَإِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلْمُسْرِفِينَ
10:83
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
ma rumaymn Nabi Muuse Farac yar oo Qoomkiisii ka mida mooyee iyagoo ka Cabsan fircoon fyo Kooxdiisii inay fidmeeyaan, fircoonna wuu isku kibriyey dhulka wuxuuna ka mid ahaa xadgudbayaaaha.

10:84 وَقَالَ مُوسَىٰ يَـٰقَوْمِ إِن كُنتُمْ ءَامَنتُم بِٱللَّهِ فَعَلَيْهِ تَوَكَّلُوٓا۟ إِن كُنتُم مُّسْلِمِينَ
10:84
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
wuxuu yidhi (Nabi) Muuse Qoomkayow haddaad tihiin kuwa rumeeyey Eebe isaga uun tala saarta haddaad MusIimiin Tihiin.

10:85 فَقَالُوا۟ عَلَى ٱللَّهِ تَوَكَّلْنَا رَبَّنَا لَا تَجْعَلْنَا فِتْنَةً لِّلْقَوْمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ
10:85
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxayna dheheen Ilaahay yaan lalo saarannay, Eebahannow hanooga yeelina fidmo Qoomka Daalimiinta ah.

10:86 وَنَجِّنَا بِرَحْمَتِكَ مِنَ ٱلْقَوْمِ ٱلْكَـٰفِرِينَ
10:86
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
nagana kori naxariistaada darteed qoomka gaalada ah.

10:87 وَأَوْحَيْنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰ وَأَخِيهِ أَن تَبَوَّءَا لِقَوْمِكُمَا بِمِصْرَ بُيُوتًا وَٱجْعَلُوا۟ بُيُوتَكُمْ قِبْلَةً وَأَقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ ۗ وَبَشِّرِ ٱلْمُؤْمِنِينَ
10:87
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxaana u waxyoonay (Nabi) Muuse iyo walaalkiis inaad uga yeeshaan Qoomkiina Masar Guryo kana yeesha guryihiinna Qiblada (Ku tukada) ooga salaadda Lina bishaaree Mu'miniinta.

10:88 وَقَالَ مُوسَىٰ رَبَّنَآ إِنَّكَ ءَاتَيْتَ فِرْعَوْنَ وَمَلَأَهُۥ زِينَةً وَأَمْوَٰلًا فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا رَبَّنَا لِيُضِلُّوا۟ عَن سَبِيلِكَ ۖ رَبَّنَا ٱطْمِسْ عَلَىٰٓ أَمْوَٰلِهِمْ وَٱشْدُدْ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ فَلَا يُؤْمِنُوا۟ حَتَّىٰ يَرَوُا۟ ٱلْعَذَابَ ٱلْأَلِيمَ
10:88
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
wuxuuna yidhi (Nabi) Muuse Eebahannow adaa siiyey Fircoon iyo Kooxdiisa Qurux iyo Xoolo Nolosha Adduunka Eebow inay ka dhumiyaan Jidkaaga Eebow halaag (Tirtir) Xoolahooda Adkeena Quluubtooda oo yeyna rumeynin intay ka arkaan Cadaab daran.

10:89 قَالَ قَدْ أُجِيبَت دَّعْوَتُكُمَا فَٱسْتَقِيمَا وَلَا تَتَّبِعَآنِّ سَبِيلَ ٱلَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ
10:89
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Eebe wuxuu yidhi waa la ajiibay Baryadiinna ee toosnaada hana raacina Jidka kuwaan wax ogayn.

10:90 ۞ وَجَـٰوَزْنَا بِبَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ ٱلْبَحْرَ فَأَتْبَعَهُمْ فِرْعَوْنُ وَجُنُودُهُۥ بَغْيًا وَعَدْوًا ۖ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَدْرَكَهُ ٱلْغَرَقُ قَالَ ءَامَنتُ أَنَّهُۥ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا ٱلَّذِىٓ ءَامَنَتْ بِهِۦ بَنُوٓا۟ إِسْرَٰٓءِيلَ وَأَنَا۠ مِنَ ٱلْمُسْلِمِينَ
10:90
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxaan tallaabinay Banii Israa'iil Badda waxayna u raaceen Fircoon iyo Qoomkiisii kibir iyo cadaawanimo, markay haleeshay maansheyntiina wuxuu yidhi (Fircoon) waxaan rumeeyey inaan Eebahay rumeeyeen Bani Israa'iil mooyee Ilaah kale jirin waxaana ka mid ahay Muslimiinta.

10:91 ءَآلْـَٔـٰنَ وَقَدْ عَصَيْتَ قَبْلُ وَكُنتَ مِنَ ٱلْمُفْسِدِينَ
10:91
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
(Eebe wuxuu yidhi) hadda (Miyaad rumeyn) adoo horay u caasiyey oodna ka mid ahayd kuwa wax fasaadiya.

10:92 فَٱلْيَوْمَ نُنَجِّيكَ بِبَدَنِكَ لِتَكُونَ لِمَنْ خَلْفَكَ ءَايَةً ۚ وَإِنَّ كَثِيرًا مِّنَ ٱلنَّاسِ عَنْ ءَايَـٰتِنَا لَغَـٰفِلُونَ
10:92
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Maanta waxaannu korin badankaaga inaad u noqotid Cidda kaa dambaysa Calaamo wax badan oo Dadka ka mida Aayaadkannaga waa halmaansanyihiin.

10:93 وَلَقَدْ بَوَّأْنَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ مُبَوَّأَ صِدْقٍ وَرَزَقْنَـٰهُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَـٰتِ فَمَا ٱخْتَلَفُوا۟ حَتَّىٰ جَآءَهُمُ ٱلْعِلْمُ ۚ إِنَّ رَبَّكَ يَقْضِى بَيْنَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ فِيمَا كَانُوا۟ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ
10:93
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxaan dejinay Bani Israa'iil Dejin runa (meel fiican) waxaana ku arsaaqnay wanaag, waxayna is khilaafeen markuu cilmigi u yimid, Eebahaana wuu kala xukumi maalinia Qiyaame waxay isku khilaafeen.

10:94 فَإِن كُنتَ فِى شَكٍّ مِّمَّآ أَنزَلْنَآ إِلَيْكَ فَسْـَٔلِ ٱلَّذِينَ يَقْرَءُونَ ٱلْكِتَـٰبَ مِن قَبْلِكَ ۚ لَقَدْ جَآءَكَ ٱلْحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلْمُمْتَرِينَ
10:94
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
haddaad Shakisantahay waxaan kugu soo Dejinay warso kuwa Akhriya Kitaabka hortaa, waxaa kaaga yimid xagga Eebe Xaq, ee ha Noqonin kuwa Shakiya.

10:95 وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلَّذِينَ كَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ فَتَكُونَ مِنَ ٱلْخَـٰسِرِينَ
10:95
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
hana ka mid noqon kuwa beeniya Aayaadka Eebe ood ka mid noqoto kuwa Khasaaray.

10:96 إِنَّ ٱلَّذِينَ حَقَّتْ عَلَيْهِمْ كَلِمَتُ رَبِّكَ لَا يُؤْمِنُونَ
10:96
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
kuwa ku waajibtay Kalimadii Eebahaa (Ciqaab) rumeynmaayaan.

10:97 وَلَوْ جَآءَتْهُمْ كُلُّ ءَايَةٍ حَتَّىٰ يَرَوُا۟ ٱلْعَذَابَ ٱلْأَلِيمَ
10:97
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
xataa huddaad ula timaaddid Aayad kasta, inlay ka arkaan Cadaab Daran.

10:98 فَلَوْلَا كَانَتْ قَرْيَةٌ ءَامَنَتْ فَنَفَعَهَآ إِيمَـٰنُهَآ إِلَّا قَوْمَ يُونُسَ لَمَّآ ءَامَنُوا۟ كَشَفْنَا عَنْهُمْ عَذَابَ ٱلْخِزْىِ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَمَتَّعْنَـٰهُمْ إِلَىٰ حِينٍ
10:98
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
maxay u jiriwayday Magaalo rumeysa (Xaqa) oo uu anfaco Iimaankeedu, laakiin Qoomkii (Nabi) Yuunus markay nimeeyeen waxaan ka faydnay Cadaabkii dulliga ee Adduunka, waxaana u raaxaynay tan iyo Muddo.

10:99 وَلَوْ شَآءَ رَبُّكَ لَـَٔامَنَ مَن فِى ٱلْأَرْضِ كُلُّهُمْ جَمِيعًا ۚ أَفَأَنتَ تُكْرِهُ ٱلنَّاسَ حَتَّىٰ يَكُونُوا۟ مُؤْمِنِينَ
10:99
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
haddwi doono Eebabaa waxaa rumayn tahaa waxa Dhulka ku sugan oo dhan, ee ma adaa Dad ku qasbi inlay ka rumeeyaan (Xaqa).

10:100 وَمَا كَانَ لِنَفْسٍ أَن تُؤْمِنَ إِلَّا بِإِذْنِ ٱللَّهِ ۚ وَيَجْعَلُ ٱلرِّجْسَ عَلَى ٱلَّذِينَ لَا يَعْقِلُونَ
10:100
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
nafuna ma rumeyso idanka Eebe ka dib mooyee, wuxuuna Eebe yeelaa xumaanta kuwaan wax kasayn korkooda.

10:101 قُلِ ٱنظُرُوا۟ مَاذَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَمَا تُغْنِى ٱلْـَٔايَـٰتُ وَٱلنُّذُرُ عَن قَوْمٍ لَّا يُؤْمِنُونَ
10:101
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxaad dhahdaa daya waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulka waxna kama deeqaan Aayado (Calaamooyin) iyo Digid qoom aan rumeyn (Xaqa).

10:102 فَهَلْ يَنتَظِرُونَ إِلَّا مِثْلَ أَيَّامِ ٱلَّذِينَ خَلَوْا۟ مِن قَبْلِهِمْ ۚ قُلْ فَٱنتَظِرُوٓا۟ إِنِّى مَعَكُم مِّنَ ٱلْمُنتَظِرِينَ
10:102
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
ma waxay sugi waxaan ahayn Ayaamihii kuwii tagay hortood oo kale, waxaad dhahdaa suga anna waan idinla sugiye.

10:103 ثُمَّ نُنَجِّى رُسُلَنَا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ۚ كَذَٰلِكَ حَقًّا عَلَيْنَا نُنجِ ٱلْمُؤْمِنِينَ
10:103
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
markaasaan korinnaa Rasuulada iyo kuwa rumeeyey saasaana Xaq nagu ah, inaan u korinno Mu'miniinta.

10:104 قُلْ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِن كُنتُمْ فِى شَكٍّ مِّن دِينِى فَلَآ أَعْبُدُ ٱلَّذِينَ تَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلَـٰكِنْ أَعْبُدُ ٱللَّهَ ٱلَّذِى يَتَوَفَّىٰكُمْ ۖ وَأُمِرْتُ أَنْ أَكُونَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ
10:104
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
waxaad dhahdaa Dadow hadaad tihiin kuwo shakisan diintayda Caabudi maayo waxaad caabudaysaan oo Eebe ka soo hadhay waxaanse Caabudi Eebaha idin Dili, waxaana lay faray inaan ka mid noqdo Mu'iniinta.

10:105 وَأَنْ أَقِمْ وَجْهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفًا وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلْمُشْرِكِينَ
10:105
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
iyo inaan u jeediyo wajiga Diinta anoo Toosan hana ka mid noqonin Mushrikiinta.

10:106 وَلَا تَدْعُ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَنفَعُكَ وَلَا يَضُرُّكَ ۖ فَإِن فَعَلْتَ فَإِنَّكَ إِذًا مِّنَ ٱلظَّـٰلِمِينَ
10:106
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Hana caabudin Eebe ka Sokow waxaan wax ku Tarayn kuna dhibayn, Haddaad fasho waxaad ka mid Noqon Daalimiinta.

10:107 وَإِن يَمْسَسْكَ ٱللَّهُ بِضُرٍّ فَلَا كَاشِفَ لَهُۥٓ إِلَّا هُوَ ۖ وَإِن يُرِدْكَ بِخَيْرٍ فَلَا رَآدَّ لِفَضْلِهِۦ ۚ يُصِيبُ بِهِۦ مَن يَشَآءُ مِنْ عِبَادِهِۦ ۚ وَهُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ
10:107
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Hadduu ku taabsiiyo Eebe dhib wax faydi oon isaga Ahayn ma jiro, Hadduu kula doono Khayra wax celin kara fadligiisa ma jiro, Wuxuuna gaadhsiiyaa cidduu doono oo Addoomadiisa ka mida, waana Dambi dhaafe Naxariista.

10:108 قُلْ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ قَدْ جَآءَكُمُ ٱلْحَقُّ مِن رَّبِّكُمْ ۖ فَمَنِ ٱهْتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهْتَدِى لِنَفْسِهِۦ ۖ وَمَن ضَلَّ فَإِنَّمَا يَضِلُّ عَلَيْهَا ۖ وَمَآ أَنَا۠ عَلَيْكُم بِوَكِيلٍ
10:108
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Waxaad dhahdaa Dadow waxaa idiinka yimid xagga Eebe Xaqii, ciddii Hanuuntana wuxuu uun u Hanuunay Naftiisa, cidii dhuntana wuxuu uun u Dhumay Naftiisa (Dhibkeeda) Anna korkiinna Wakiil uma ihi.

10:109 وَٱتَّبِعْ مَا يُوحَىٰٓ إِلَيْكَ وَٱصْبِرْ حَتَّىٰ يَحْكُمَ ٱللَّهُ ۚ وَهُوَ خَيْرُ ٱلْحَـٰكِمِينَ
10:109
Mahmud Muhammad Abduh (Somali) :
Ee raac waxa laguu waxyooday Samirna inta Eebe ka kala Xukmin (Dadka) isagaa u Wanaagson Xaakime.