Selected
Original Text
Mahmud Muhammad Abduh
Abdullah Yusuf Ali
Abdul Majid Daryabadi
Abul Ala Maududi
Ahmed Ali
Ahmed Raza Khan
A. J. Arberry
Ali Quli Qarai
Hasan al-Fatih Qaribullah and Ahmad Darwish
Mohammad Habib Shakir
Mohammed Marmaduke William Pickthall
Muhammad Sarwar
Muhammad Taqi-ud-Din al-Hilali and Muhammad Muhsin Khan
Safi-ur-Rahman al-Mubarakpuri
Saheeh International
Talal Itani
Transliteration
Wahiduddin Khan
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.
31:1
الٓمٓ
31:1
waxay ku tusin mucjisada Quraanka (sida soo hormartay). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:2
تِلْكَ ءَايَـٰتُ ٱلْكِتَـٰبِ ٱلْحَكِيمِ
31:2
tan waa aayaadka Kitaabka (Quraanka) xigmada leh. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:3
هُدًى وَرَحْمَةً لِّلْمُحْسِنِينَ
31:3
waana hanuunka iyo naxariista samalfalayaasha. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:4
ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤْتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلْـَٔاخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ
31:4
kuwa salaadda ooga, Zakadana bixiya, iyagoo aakhiro yaqiinsan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:5
أُو۟لَـٰٓئِكَ عَلَىٰ هُدًى مِّن رَّبِّهِمْ ۖ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ
31:5
kuwaasi waxay ku suganyihiin hanuun Eebe, kuwaasina waa kuwa liibaanay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:6
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَشْتَرِى لَهْوَ ٱلْحَدِيثِ لِيُضِلَّ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَيَتَّخِذَهَا هُزُوًا ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ مُّهِينٌ
31:6
Dadka waxaa ka mid ah kuwo gadan hadal wax shuqliya si uu uga dhumiyo (Dadka) Jidka Eebe iyagoon wax ogayn, Jidka Eebene ku Jees jeesa, kuwaasi waxay mudan Cadaab Dulleeya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:7
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَـٰتُنَا وَلَّىٰ مُسْتَكْبِرًا كَأَن لَّمْ يَسْمَعْهَا كَأَنَّ فِىٓ أُذُنَيْهِ وَقْرًا ۖ فَبَشِّرْهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ
31:7
marka lagu akhriyo aayadkanaga wuu jeedsadaa isagoo iskibrin, sidii isagoon maqal, oo dhagihiisu culusyihiin, ugu bishaaree Cadaab daran. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:8
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ لَهُمْ جَنَّـٰتُ ٱلنَّعِيمِ
31:8
kuwa rumeeyey (xaqa) camal wanaagsanna falay waxay mudan Janatu Naciima. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:9
خَـٰلِدِينَ فِيهَا ۖ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقًّا ۚ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
31:9
iyagoo ku waari dhexdeeda waana yabooh Eebe oo xaq ah, Eebana waa adkaade falsan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:10
خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ بِغَيْرِ عَمَدٍ تَرَوْنَهَا ۖ وَأَلْقَىٰ فِى ٱلْأَرْضِ رَوَٰسِىَ أَن تَمِيدَ بِكُمْ وَبَثَّ فِيهَا مِن كُلِّ دَآبَّةٍ ۚ وَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَنۢبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍ كَرِيمٍ
31:10
isaga abuuray Samooyinka Tiir aad aragtaan la'aantiis, dhulkana wuxuu ku tuuray Buuro (suga) inayan dhaqdhaqaaqin, wuxuuna ku fidiyey dhexdiisa daabad kasta, Samadana waxaan ka soo dejinay Biyo, waxaana ku soo bixiney nooc kasta oo quruxsan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:11
هَـٰذَا خَلْقُ ٱللَّهِ فَأَرُونِى مَاذَا خَلَقَ ٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦ ۚ بَلِ ٱلظَّـٰلِمُونَ فِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ
31:11
kaasi waa abuurkii Eebe, ee i tusiya waxay abuureen kuwa ka soo hadhay Eebe, saas ma aha, ee dulmi falayaashu waxay ku suganyihiin baadi Cad. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:12
وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا لُقْمَـٰنَ ٱلْحِكْمَةَ أَنِ ٱشْكُرْ لِلَّهِ ۚ وَمَن يَشْكُرْ فَإِنَّمَا يَشْكُرُ لِنَفْسِهِۦ ۖ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِىٌّ حَمِيدٌ
31:12
dhab dhaan ayaan luqmaan u siinay Xigmad iyo inuu Eebe ku mahdiyo, ruuxii mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa, ruuxii Gaaloobana Eebe waa ka kaaftoonyahay waana amaananyahay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:13
وَإِذْ قَالَ لُقْمَـٰنُ لِٱبْنِهِۦ وَهُوَ يَعِظُهُۥ يَـٰبُنَىَّ لَا تُشْرِكْ بِٱللَّهِ ۖ إِنَّ ٱلشِّرْكَ لَظُلْمٌ عَظِيمٌ
31:13
(xusuuso) markuu ku yidhi Luqmaan Wiilkiisa isagoo waanin Wiilkayow Eebe hawshariigyeelin, shirkigu waa dulmi weyne. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:14
وَوَصَّيْنَا ٱلْإِنسَـٰنَ بِوَٰلِدَيْهِ حَمَلَتْهُ أُمُّهُۥ وَهْنًا عَلَىٰ وَهْنٍ وَفِصَـٰلُهُۥ فِى عَامَيْنِ أَنِ ٱشْكُرْ لِى وَلِوَٰلِدَيْكَ إِلَىَّ ٱلْمَصِيرُ
31:14
waxaan u dardaaranay dadka labadiisii Waalid, way sidday Hooyadis iyadoo tabaryar tabar yari kalana ku sugan, Gudhidiisuna waa Labo sano ee ku mahadi ani iyo Labadaadii Waalid, xagaygaana loo ahaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:15
وَإِن جَـٰهَدَاكَ عَلَىٰٓ أَن تُشْرِكَ بِى مَا لَيْسَ لَكَ بِهِۦ عِلْمٌ فَلَا تُطِعْهُمَا ۖ وَصَاحِبْهُمَا فِى ٱلدُّنْيَا مَعْرُوفًا ۖ وَٱتَّبِعْ سَبِيلَ مَنْ أَنَابَ إِلَىَّ ۚ ثُمَّ إِلَىَّ مَرْجِعُكُمْ فَأُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
31:15
hadday kugula dadaalaan (Labada waalid) inaad ii shariig yeesho (ila wadaajiso) waxaadan aqoon u lahayn ha ku adeecin kulana noolow adduunka si fiican, raacna Jidka kuwa ii noqda, xagayga yaa laydiin soo celin waxaana idiinka warami waxaad camalfali jirteen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:16
يَـٰبُنَىَّ إِنَّهَآ إِن تَكُ مِثْقَالَ حَبَّةٍ مِّنْ خَرْدَلٍ فَتَكُن فِى صَخْرَةٍ أَوْ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ أَوْ فِى ٱلْأَرْضِ يَأْتِ بِهَا ٱللَّهُ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَطِيفٌ خَبِيرٌ
31:16
Wiilkayow hadday xumaantu tahay Xabbad Khardal ah oo kale (wax yar) oo sallax dhexdii ku sugnaato ama samooyinka dhexdooda ama Dhulka dhexdiisa wuu keeni Eebe, Eebana waa oge xeeldheer. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:17
يَـٰبُنَىَّ أَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ وَأْمُرْ بِٱلْمَعْرُوفِ وَٱنْهَ عَنِ ٱلْمُنكَرِ وَٱصْبِرْ عَلَىٰ مَآ أَصَابَكَ ۖ إِنَّ ذَٰلِكَ مِنْ عَزْمِ ٱلْأُمُورِ
31:17
Wiilkayow oog Salaadda, oo far waanaagga oo reeb waxa lanaco kuna Samir waxa ku gaadha, arrintaasu waxay ka midtahay umuuraha wanaagsane. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:18
وَلَا تُصَعِّرْ خَدَّكَ لِلنَّاسِ وَلَا تَمْشِ فِى ٱلْأَرْضِ مَرَحًا ۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتَالٍ فَخُورٍ
31:18
hana ka jeedin Wajiga dadka hana ugu socon dhulka kibir, Eebana ma jeela mid kastoo isla weyn oo faanbadane. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:19
وَٱقْصِدْ فِى مَشْيِكَ وَٱغْضُضْ مِن صَوْتِكَ ۚ إِنَّ أَنكَرَ ٱلْأَصْوَٰتِ لَصَوْتُ ٱلْحَمِيرِ
31:19
socodkaagana ku dhexdhexayso, hoosna u dhig Codkaaga, Cod waxaa ugu xun Codka Dameerahee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:20
أَلَمْ تَرَوْا۟ أَنَّ ٱللَّهَ سَخَّرَ لَكُم مَّا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَأَسْبَغَ عَلَيْكُمْ نِعَمَهُۥ ظَـٰهِرَةً وَبَاطِنَةً ۗ وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يُجَـٰدِلُ فِى ٱللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَلَا هُدًى وَلَا كِتَـٰبٍ مُّنِيرٍ
31:20
miyeydaan arkayn in Eebe idiin sakhiray waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan oo idin mid qarsoonba, Dadkana waxaa ka mid ah kuwo Eebe ku murmi Cilmi iyo hanuun iyo Kitaab nuuriya la'aantiis. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:21
وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱتَّبِعُوا۟ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ قَالُوا۟ بَلْ نَتَّبِعُ مَا وَجَدْنَا عَلَيْهِ ءَابَآءَنَآ ۚ أَوَلَوْ كَانَ ٱلشَّيْطَـٰنُ يَدْعُوهُمْ إِلَىٰ عَذَابِ ٱلسَّعِيرِ
31:21
marka loodhaho raaca waxa Eebe soo dajiyeyna waxay dhahaan waxaannu raaci waxaan ka helay Aabayaalkanno, haduu Shaydaan ugu yeedho Cadaabka Saciirana (miyey raaci). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:22
۞ وَمَن يُسْلِمْ وَجْهَهُۥٓ إِلَى ٱللَّهِ وَهُوَ مُحْسِنٌ فَقَدِ ٱسْتَمْسَكَ بِٱلْعُرْوَةِ ٱلْوُثْقَىٰ ۗ وَإِلَى ٱللَّهِ عَـٰقِبَةُ ٱلْأُمُورِ
31:22
ruuxii u jeediya Wajigiisa xagga Eebe isagoo samo fali wuxuu qabsaday guntin (Ballan adag), xagga Eebaana Cihdhibta arrimuhu u noqon. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:23
وَمَن كَفَرَ فَلَا يَحْزُنكَ كُفْرُهُۥٓ ۚ إِلَيْنَا مَرْجِعُهُمْ فَنُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوٓا۟ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
31:23
Ciddiise Gaalowda yuuna ku walbahaar galin Gaalimadiisu, xagganagay u soo noqon waxaana uga warramaynaa waxay camalfali jireen, illeen Eebaa og waxa laabta ku sugane. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:24
نُمَتِّعُهُمْ قَلِيلًا ثُمَّ نَضْطَرُّهُمْ إِلَىٰ عَذَابٍ غَلِيظٍ
31:24
waanu u raaxayn wax yar, markaasaannu u dhibaatayn (u iili) Cadaab adag. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:25
وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّنْ خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُ ۚ قُلِ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ۚ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ
31:25
haddaad waydiisid yaa abuuray samooyinka iyo dhulka waay odhan ilaahay, waxaad dhahdaa mahad Eebaa iska leh, hadankoodse ma oga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:26
لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْغَنِىُّ ٱلْحَمِيدُ
31:26
Eebaa iska leh waxa samooyinka iyo Dhulka ku sugan, Eebana waa hodan amaanan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:27
وَلَوْ أَنَّمَا فِى ٱلْأَرْضِ مِن شَجَرَةٍ أَقْلَـٰمٌ وَٱلْبَحْرُ يَمُدُّهُۥ مِنۢ بَعْدِهِۦ سَبْعَةُ أَبْحُرٍ مَّا نَفِدَتْ كَلِمَـٰتُ ٱللَّهِ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
31:27
hadday waxa dhulka ku sugan oo geeda ah Qalimo noqdaan Badduna khadayso oo gadaasheeda Todobo badood yihiin madhamaateen Kalimooyinka Eebe, Eebana waa adkaade falsan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:28
مَّا خَلْقُكُمْ وَلَا بَعْثُكُمْ إِلَّا كَنَفْسٍ وَٰحِدَةٍ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌۢ بَصِيرٌ
31:28
abuurkiinna iyo soobixintiinu ma aha sida Nafkaliya mooyee (Fudaydka), Eebana waa maqle arke ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:29
أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ يُولِجُ ٱلَّيْلَ فِى ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِى ٱلَّيْلِ وَسَخَّرَ ٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ كُلٌّ يَجْرِىٓ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى وَأَنَّ ٱللَّهَ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ
31:29
miyeydaan ogayn in Eebe Habeenka dhex galiyo Maalinta, Maalintana dhexgaliyo Habeenka sakhirayna Qoraxda iyo Dayaxa mid, kastana uu u socdo muddo magacaaban, Eebana waxaad Camalfalaysaan waa ogyahay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:30
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْحَقُّ وَأَنَّ مَا يَدْعُونَ مِن دُونِهِ ٱلْبَـٰطِلُ وَأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْعَلِىُّ ٱلْكَبِيرُ
31:30
Taasna wa in Eebe xaq yahay waxay caabudi ee ka soohadhayna baadil yahay iyo in Eebe yahay Sareeye wayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:31
أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱلْفُلْكَ تَجْرِى فِى ٱلْبَحْرِ بِنِعْمَتِ ٱللَّهِ لِيُرِيَكُم مِّنْ ءَايَـٰتِهِۦٓ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّكُلِّ صَبَّارٍ شَكُورٍ
31:31
miyeydaan ogayn in Doontu dhexsocoto Badda Nicmada Eebe darteed si uu idiin tusiyo aayaadkiisa, arrintaasna aayaadbaa ugu sugan Samirbadane shugri badan oo dhan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:32
وَإِذَا غَشِيَهُم مَّوْجٌ كَٱلظُّلَلِ دَعَوُا۟ ٱللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ فَلَمَّا نَجَّىٰهُمْ إِلَى ٱلْبَرِّ فَمِنْهُم مُّقْتَصِدٌ ۚ وَمَا يَجْحَدُ بِـَٔايَـٰتِنَآ إِلَّا كُلُّ خَتَّارٍ كَفُورٍ
31:32
marka hirku daboolo dadka oo Hoos la moodo waxay baryaan Eebe iyagoo u kali yeeli Diinta (Cibaadada) markuu u koriyo xagga Barrigana waxaa ka mid noqon Dadka mid dhexdexeysan, mana diido aayadkanaga mid khaa'in ah oo gaalimo badan mooyee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:33
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱتَّقُوا۟ رَبَّكُمْ وَٱخْشَوْا۟ يَوْمًا لَّا يَجْزِى وَالِدٌ عَن وَلَدِهِۦ وَلَا مَوْلُودٌ هُوَ جَازٍ عَن وَالِدِهِۦ شَيْـًٔا ۚ إِنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ ۖ فَلَا تَغُرَّنَّكُمُ ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَا وَلَا يَغُرَّنَّكُم بِٱللَّهِ ٱلْغَرُورُ
31:33
Dadow ka dhawrsada Eebihiin oo ka Cabsada Maalin uusan ka abaalmarinayn Waalid Ilmihiisa, Ilmuhuna Waalidka waxba, yabooha Eebana waa Xaq, ee yeyna idinku dhagrin nolosha adduunyo, yuuna idinku dhagrin Eebe dhagar badane (shaydaan). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
31:34
إِنَّ ٱللَّهَ عِندَهُۥ عِلْمُ ٱلسَّاعَةِ وَيُنَزِّلُ ٱلْغَيْثَ وَيَعْلَمُ مَا فِى ٱلْأَرْحَامِ ۖ وَمَا تَدْرِى نَفْسٌ مَّاذَا تَكْسِبُ غَدًا ۖ وَمَا تَدْرِى نَفْسٌۢ بِأَىِّ أَرْضٍ تَمُوتُ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌۢ
31:34
Eebe agtiisuu yahay ogaanshaha Saacadda (Qiyaame) iyo Roob di'iddu, wuxuuna ogyahay waxa makaanka (Ilma galeenka) ku sugan, nafna ma oga waxay mudan Barri, Nafna ma oga Dhulkay ku dhiman, Eebaa og xeelna dheer. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)