Selected

Original Text
Mahmud Muhammad Abduh

Available Translations

39 Az-Zumar ٱلزُّمَر

< Previous   75 Āyah   The Troop      Next >  

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.

39:1 تَنزِيلُ ٱلْكِتَـٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَكِيمِ
39:1 Soo dajinta Kitaabka (Quraanka) wuxuu ka ahaaday xagga Eebaha adkaada ee falka san. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:2 إِنَّآ أَنزَلْنَآ إِلَيْكَ ٱلْكِتَـٰبَ بِٱلْحَقِّ فَٱعْبُدِ ٱللَّهَ مُخْلِصًا لَّهُ ٱلدِّينَ
39:2 Annagaana kuugu soo dajinay Nabiyow Kitaabka si xaq ah, ee caabud Eebe adoo kali yeeli Diinta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:3 أَلَا لِلَّهِ ٱلدِّينُ ٱلْخَالِصُ ۚ وَٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ أَوْلِيَآءَ مَا نَعْبُدُهُمْ إِلَّا لِيُقَرِّبُونَآ إِلَى ٱللَّهِ زُلْفَىٰٓ إِنَّ ٱللَّهَ يَحْكُمُ بَيْنَهُمْ فِى مَا هُمْ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهْدِى مَنْ هُوَ كَـٰذِبٌ كَفَّارٌ
39:3 Diinta khaaliska ahna waxay u sugnaatey Eebe, kuwa ka yeesha Eebe ka sokow awliyo waxay odhan uma caabudno inay Eebe noo dhaweeyaan mooyee dhawaansho, Eebaana kala xukumi dadka dhexdooda waxay isku diidaan, Eebana ma hanuuniyo Been badane gaalnimobadan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:4 لَّوْ أَرَادَ ٱللَّهُ أَن يَتَّخِذَ وَلَدًا لَّٱصْطَفَىٰ مِمَّا يَخْلُقُ مَا يَشَآءُ ۚ سُبْحَـٰنَهُۥ ۖ هُوَ ٱللَّهُ ٱلْوَٰحِدُ ٱلْقَهَّارُ
39:4 Hadduu doono Eebe inuu yeesho ilmo wuxuu ka dooran lahaa wuxuu abuuro wuxuu doono, waa naxahanyahey, waana Eebaha kalida ah ee awoodda badan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:5 خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِٱلْحَقِّ ۖ يُكَوِّرُ ٱلَّيْلَ عَلَى ٱلنَّهَارِ وَيُكَوِّرُ ٱلنَّهَارَ عَلَى ٱلَّيْلِ ۖ وَسَخَّرَ ٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ ۖ كُلٌّ يَجْرِى لِأَجَلٍ مُّسَمًّى ۗ أَلَا هُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْغَفَّـٰرُ
39:5 Isagaa abuuray samooyinka iyo dhulkaba si dhab ah, wuxuuna Habeenka ku daboolaa Maalinta, Maalintana ku daboolaa Habeenka, wuxuuuna sakhiray Qorraxda iyo Dayaxa, mid walbana wuxuu ku socdaa muddo magacaaban, Eebana waa adkaade dambi dhaafbadan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:6 خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَٰحِدَةٍ ثُمَّ جَعَلَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَأَنزَلَ لَكُم مِّنَ ٱلْأَنْعَـٰمِ ثَمَـٰنِيَةَ أَزْوَٰجٍ ۚ يَخْلُقُكُمْ فِى بُطُونِ أُمَّهَـٰتِكُمْ خَلْقًا مِّنۢ بَعْدِ خَلْقٍ فِى ظُلُمَـٰتٍ ثَلَـٰثٍ ۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمْ لَهُ ٱلْمُلْكُ ۖ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ فَأَنَّىٰ تُصْرَفُونَ
39:6 Wuxuu idinka abuurey naf kaliya (Nabi aadam) markaasuu Eebe ka yeeley (ka abuurey) xagga aadam haweeneydiisi (Xaawo) wuxuuna Eebe idiin soo dajiyey xoolaha siddeed nooc oo ka mid ah, wuxuuna idinku abuurey uurka hooyadin abuurid ka dambeyso abuurid saddex mugdi dhexdooda saasna waxaa yeela Eebaha idin barbaariya, isagaana iska leh xukunka, Eebe mooyee ilaah kale majiro, ee xaggee laydiinka iili (Xaqa). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:7 إِن تَكْفُرُوا۟ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِىٌّ عَنكُمْ ۖ وَلَا يَرْضَىٰ لِعِبَادِهِ ٱلْكُفْرَ ۖ وَإِن تَشْكُرُوا۟ يَرْضَهُ لَكُمْ ۗ وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ ۗ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُم مَّرْجِعُكُمْ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ ۚ إِنَّهُۥ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
39:7 Haddaad gaalowdaan dadow Eebe waa idinka kaaftoomey, ugamana raalli aha addoomadiisa gaalnimo, hadaad ku mahdisaanna wuu idin ka raalli noqon, nafna naf kale danbigeeda ma qaaddo, waxaana leydiin celin Eebihiin xaggiisa, wuxuuna idiin ka warrami waxaad camal fasheen, wuuna ogyahey wax laabta (qalbiga) ku sugan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:8 ۞ وَإِذَا مَسَّ ٱلْإِنسَـٰنَ ضُرٌّ دَعَا رَبَّهُۥ مُنِيبًا إِلَيْهِ ثُمَّ إِذَا خَوَّلَهُۥ نِعْمَةً مِّنْهُ نَسِىَ مَا كَانَ يَدْعُوٓا۟ إِلَيْهِ مِن قَبْلُ وَجَعَلَ لِلَّهِ أَندَادًا لِّيُضِلَّ عَن سَبِيلِهِۦ ۚ قُلْ تَمَتَّعْ بِكُفْرِكَ قَلِيلًا ۖ إِنَّكَ مِنْ أَصْحَـٰبِ ٱلنَّارِ
39:8 Markuu dadka taabto dhib wuxuu baryaa Eebihiis isagoo u noqon, markuuse Nicmo siiyo wuu illoobaa wuxuu baryey horey, wuxuuna u yeelaa Eebe shariigyo si uu uga baadiyeeyo (kaasi) jidka Eebe, waxaad dhahdaa ku raaxaysogaalnimadaada wax yar waxaad ka mid tahay chelu naarke. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:9 أَمَّنْ هُوَ قَـٰنِتٌ ءَانَآءَ ٱلَّيْلِ سَاجِدًا وَقَآئِمًا يَحْذَرُ ٱلْـَٔاخِرَةَ وَيَرْجُوا۟ رَحْمَةَ رَبِّهِۦ ۗ قُلْ هَلْ يَسْتَوِى ٱلَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَٱلَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ ۗ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُو۟لُوا۟ ٱلْأَلْبَـٰبِ
39:9 Ruux tukan oo Eebe adeece saacadaha habeenka isagoo sujuudsan oo taagan kana digtoon aakhiro quudarreynayana naxariista Eebihiis (Ma la midbaa cidaan saas faleynin). waxaad dhahdaa Nabiyow ma egyihiin kuwa wax yaqaanna iyo kuwaan wax aqoonin, waxaa uun waantoomi kuwa caqliga leh. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:10 قُلْ يَـٰعِبَادِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱتَّقُوا۟ رَبَّكُمْ ۚ لِلَّذِينَ أَحْسَنُوا۟ فِى هَـٰذِهِ ٱلدُّنْيَا حَسَنَةٌ ۗ وَأَرْضُ ٱللَّهِ وَٰسِعَةٌ ۗ إِنَّمَا يُوَفَّى ٱلصَّـٰبِرُونَ أَجْرَهُم بِغَيْرِ حِسَابٍ
39:10 Waxaad dhahdaa Nabiyow addoomadeyda xaqa rumeeyow ka dhowrsada Eebihiin, ciddii wanaag fashana addooomadeyda waxaa usugnaadey wanaag, dhulka Eebena waa waasac (ee ku caabuda) waxaa uun loo oofiyaa (dhameyaa) kuwa samra ajrigooda xisaab la'aan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:11 قُلْ إِنِّىٓ أُمِرْتُ أَنْ أَعْبُدَ ٱللَّهَ مُخْلِصًا لَّهُ ٱلدِّينَ
39:11 Waxaad dhahdaa Nabiyow waxaa lay faray inaan caabudo Eebe anoo u kali yeeli diinta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:12 وَأُمِرْتُ لِأَنْ أَكُونَ أَوَّلَ ٱلْمُسْلِمِينَ
39:12 Waxaana ley faray inaan noqdo kan ugu horreeya muslimiinta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:13 قُلْ إِنِّىٓ أَخَافُ إِنْ عَصَيْتُ رَبِّى عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ
39:13 waxaad dhahdaa Nabiyoow anigu waxaan ka cabsan hadaan caasiyo Eebahay cadaab maalin weyn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:14 قُلِ ٱللَّهَ أَعْبُدُ مُخْلِصًا لَّهُۥ دِينِى
39:14 Waxaad dhahdaa Eebe uun baan caabudi anoo ukaliyeeli Diintayda. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:15 فَٱعْبُدُوا۟ مَا شِئْتُم مِّن دُونِهِۦ ۗ قُلْ إِنَّ ٱلْخَـٰسِرِينَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ وَأَهْلِيهِمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۗ أَلَا ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْخُسْرَانُ ٱلْمُبِينُ
39:15 Ee caabuda Gaaloy waxaad doontaan Eebe ka sokow, waxaadna dhahdaa kuwa khasaaray waa kuwa khasaariyey Naftooda iyo Ehelkoodii Maalinta Qiyaame, taasina waa khasaaraha cad. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:16 لَهُم مِّن فَوْقِهِمْ ظُلَلٌ مِّنَ ٱلنَّارِ وَمِن تَحْتِهِمْ ظُلَلٌ ۚ ذَٰلِكَ يُخَوِّفُ ٱللَّهُ بِهِۦ عِبَادَهُۥ ۚ يَـٰعِبَادِ فَٱتَّقُونِ
39:16 Korkooda waxaa ah lakabyo Naar ah, hoostoodana waxaa ah lakabyo Naar ah, kaasina waa waxa Eebe ku cabsi galiyo (ugu digo) addoomadiisa ee addoomadeydoow iga dhawrsada. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:17 وَٱلَّذِينَ ٱجْتَنَبُوا۟ ٱلطَّـٰغُوتَ أَن يَعْبُدُوهَا وَأَنَابُوٓا۟ إِلَى ٱللَّهِ لَهُمُ ٱلْبُشْرَىٰ ۚ فَبَشِّرْ عِبَادِ
39:17 Kuwa ka fogaaday inay caabudaan shaydaan (iyo xima fare) oo Eebe u noqday waxaa usugnaaday Bishaaro ee u bishaaree addoomadayda. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:18 ٱلَّذِينَ يَسْتَمِعُونَ ٱلْقَوْلَ فَيَتَّبِعُونَ أَحْسَنَهُۥٓ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ هَدَىٰهُمُ ٱللَّهُ ۖ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمْ أُو۟لُوا۟ ٱلْأَلْبَـٰبِ
39:18 Ee ah kuwa dhageysta hadalka oo raaca kiisa fiican, kuwaasna waa kuwa Eebe hanuuniyey, kuwaasna iyaga uunbaa ah kuwa caqliga leh. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:19 أَفَمَنْ حَقَّ عَلَيْهِ كَلِمَةُ ٱلْعَذَابِ أَفَأَنتَ تُنقِذُ مَن فِى ٱلنَّارِ
39:19 Ruuxay u waajibtay ereyga cadaab ma adaa Nabiyoow ka korin cid Naar gali. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:20 لَـٰكِنِ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوْا۟ رَبَّهُمْ لَهُمْ غُرَفٌ مِّن فَوْقِهَا غُرَفٌ مَّبْنِيَّةٌ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ ۖ وَعْدَ ٱللَّهِ ۖ لَا يُخْلِفُ ٱللَّهُ ٱلْمِيعَادَ
39:20 kuwa ka dhawrsaday Eebahoodse waxay mudan Qawlado (Janno) oo qawlada kale ka korreeyaan sifiicanna (udhisan), waxaana dhexsocda Wabiyaalkii, waana yabooh Eebe, mana baajiyo Eebe yaboohissa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:21 أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَسَلَكَهُۥ يَنَـٰبِيعَ فِى ٱلْأَرْضِ ثُمَّ يُخْرِجُ بِهِۦ زَرْعًا مُّخْتَلِفًا أَلْوَٰنُهُۥ ثُمَّ يَهِيجُ فَتَرَىٰهُ مُصْفَرًّا ثُمَّ يَجْعَلُهُۥ حُطَـٰمًا ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَذِكْرَىٰ لِأُو۟لِى ٱلْأَلْبَـٰبِ
39:21 Miyaadan arkeyn in Eebe ka soodajiyey samada biyo oo markaas uu galin dhulka iyagoo ka soo burqan dhulka, markaasna Eebe ku soo bixin Beer midabkeedu kala duwanyahay markaas ka dibna uu ingagi ood arki isagoo cawlan, kadibna kayeeli bur bur, arrintaasna waxay xusuus u tahay kuw caqliga leh. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:22 أَفَمَن شَرَحَ ٱللَّهُ صَدْرَهُۥ لِلْإِسْلَـٰمِ فَهُوَ عَلَىٰ نُورٍ مِّن رَّبِّهِۦ ۚ فَوَيْلٌ لِّلْقَـٰسِيَةِ قُلُوبُهُم مِّن ذِكْرِ ٱللَّهِ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ فِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ
39:22 Ruux Eebe uwaasiciyey Laabtiisa Islaamka oo nuurka Eebe ku sugan ma lamidbaa (mid la daboolay) halaag wuxuu u sugnaaday kuwey ka ingagtay quluubtoodu xuska Eebe (Quraanka) kuwaasina waa kuwa baadi cad kusugan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:23 ٱللَّهُ نَزَّلَ أَحْسَنَ ٱلْحَدِيثِ كِتَـٰبًا مُّتَشَـٰبِهًا مَّثَانِىَ تَقْشَعِرُّ مِنْهُ جُلُودُ ٱلَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُمْ ثُمَّ تَلِينُ جُلُودُهُمْ وَقُلُوبُهُمْ إِلَىٰ ذِكْرِ ٱللَّهِ ۚ ذَٰلِكَ هُدَى ٱللَّهِ يَهْدِى بِهِۦ مَن يَشَآءُ ۚ وَمَن يُضْلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنْ هَادٍ
39:23 Eebaa soo dejiyey kan ugu fiican hadal, kitaabuu soo dajiyey isu eg, oo soo noqnoqda, ay lana qamandhacyooto Jidhka kuwa ka yaaba Eebahood, markaasay la jilci jidhkoodu iyo quluubtoodu xusuusta Eebe, arrintaasuna waa hanuunka Eebe uu ku hanuuniyo cidduu doono, ruuxuu Eebe dhumiyana ma jiro cid hanuunin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:24 أَفَمَن يَتَّقِى بِوَجْهِهِۦ سُوٓءَ ٱلْعَذَابِ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۚ وَقِيلَ لِلظَّـٰلِمِينَ ذُوقُوا۟ مَا كُنتُمْ تَكْسِبُونَ
39:24 Ma ruux wajigiis kaga gabada cadaab xun maalinta qiyaame mala midbaa mid aan saas ahayn, waxaana loo yidhaa daalimiinta dhadhamiya waxaad kasban Jirteen, (abaalkiisii). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:25 كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَأَتَىٰهُمُ ٱلْعَذَابُ مِنْ حَيْثُ لَا يَشْعُرُونَ
39:25 Waxaa beeniyey (xaqa) kuwii ka horreeyey (gaaladan) wuxuuna uga yimid cadaabku meelayn kasayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:26 فَأَذَاقَهُمُ ٱللَّهُ ٱلْخِزْىَ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ۖ وَلَعَذَابُ ٱلْـَٔاخِرَةِ أَكْبَرُ ۚ لَوْ كَانُوا۟ يَعْلَمُونَ
39:26 Markaasuu Eebe dhadhansiiyay dulli nolasha adduunyo, cadaabka aakhiraana weyn hadday wax garan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:27 وَلَقَدْ ضَرَبْنَا لِلنَّاسِ فِى هَـٰذَا ٱلْقُرْءَانِ مِن كُلِّ مَثَلٍ لَّعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ
39:27 Dhabbaan ugu caddayney dadka Quraanka tusaale kasta inay waantoobaan, - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:28 قُرْءَانًا عَرَبِيًّا غَيْرَ ذِى عِوَجٍ لَّعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ
39:28 Waana Quraan carabi ku (qoran) oon qalloclahayn may dhawrsadaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:29 ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًا رَّجُلًا فِيهِ شُرَكَآءُ مُتَشَـٰكِسُونَ وَرَجُلًا سَلَمًا لِّرَجُلٍ هَلْ يَسْتَوِيَانِ مَثَلًا ۚ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ۚ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ
39:29 Eebe wuxuu qadaray tusaale nin dad wadaagaan iskuna khilaafsan iyo mid usugnaada ruux si gaar ah ma egyihiin tusaale ahaan. mahad Eebaa iska lch dadka badidiisna ma oga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:30 إِنَّكَ مَيِّتٌ وَإِنَّهُم مَّيِّتُونَ
39:30 Adigu waad dhiman iyaguna (Gaaladu) way dhiman. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:31 ثُمَّ إِنَّكُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ عِندَ رَبِّكُمْ تَخْتَصِمُونَ
39:31 Markaas maalinta qiyaame waxaad ku doodaysaan Eebihiin agtiisa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:32 ۞ فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّن كَذَبَ عَلَى ٱللَّهِ وَكَذَّبَ بِٱلصِّدْقِ إِذْ جَآءَهُۥٓ ۚ أَلَيْسَ فِى جَهَنَّمَ مَثْوًى لِّلْكَـٰفِرِينَ
39:32 Yaa ka dulmi badan Ruux ku been abuurtey Eebe korkiisa oo beeniyey runta (Xaqa) markuu uyimid, miyeyna ahayn Jahannamo Guriga Gaalada. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:33 وَٱلَّذِى جَآءَ بِٱلصِّدْقِ وَصَدَّقَ بِهِۦٓ ۙ أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُتَّقُونَ
39:33 Kii la yimid Runta iyo kii rumeeyey waa dhawrsadeen/ - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:34 لَهُم مَّا يَشَآءُونَ عِندَ رَبِّهِمْ ۚ ذَٰلِكَ جَزَآءُ ٱلْمُحْسِنِينَ
39:34 Waxayna ku leeyihiin Eebe agtiisa waxay doonaan taasina waa abaalmarinta kuwa wanaagga fala. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:35 لِيُكَفِّرَ ٱللَّهُ عَنْهُمْ أَسْوَأَ ٱلَّذِى عَمِلُوا۟ وَيَجْزِيَهُمْ أَجْرَهُم بِأَحْسَنِ ٱلَّذِى كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
39:35 Si Eebe ugu asturo wixii xumaa oy camal faleen, kuna abaal mariyo ajirkii ufu fiicnaa waxay falayeen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:36 أَلَيْسَ ٱللَّهُ بِكَافٍ عَبْدَهُۥ ۖ وَيُخَوِّفُونَكَ بِٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦ ۚ وَمَن يُضْلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنْ هَادٍ
39:36 Miyuusan ahayn Eebe kufillaha addoonkiisa waxay kugu cabsi galin waxa Eebe ka soo hadhay (ay caabudi) ruux Eebe dhumiyeyna ma laha cid hanuunin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:37 وَمَن يَهْدِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن مُّضِلٍّ ۗ أَلَيْسَ ٱللَّهُ بِعَزِيزٍ ذِى ٱنتِقَامٍ
39:37 Cid Eebe hanuuniyeyna ma jiro wax dhumin, Eebana miyuusan ahayn adkaade aarsada. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:38 وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّنْ خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُ ۚ قُلْ أَفَرَءَيْتُم مَّا تَدْعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ إِنْ أَرَادَنِىَ ٱللَّهُ بِضُرٍّ هَلْ هُنَّ كَـٰشِفَـٰتُ ضُرِّهِۦٓ أَوْ أَرَادَنِى بِرَحْمَةٍ هَلْ هُنَّ مُمْسِكَـٰتُ رَحْمَتِهِۦ ۚ قُلْ حَسْبِىَ ٱللَّهُ ۖ عَلَيْهِ يَتَوَكَّلُ ٱلْمُتَوَكِّلُونَ
39:38 Hadaad warsato Gaalada yaa abuuray Cirka iyo Dhulka waxay odhan Eebe, waxaad dhahdaa bal ka warrama waxaad caabudaysaan Eebe ka sokow hadduu ila doono Eebe dhib miyey yihiin kuwa fayda dhibka ama hadduu ila doono naxariis ma joojin karaan naxariistiisa, waxaad dhahdaa waxaa i kaafiya Eebe ee korkiisa ha tala saarteen kuwa tala saaran. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:39 قُلْ يَـٰقَوْمِ ٱعْمَلُوا۟ عَلَىٰ مَكَانَتِكُمْ إِنِّى عَـٰمِلٌ ۖ فَسَوْفَ تَعْلَمُونَ
39:39 Waxaad dhahdaa qoomkayoow sidaadtihiin u camalfala anna waan camal faliye waadna ogaandoontaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:40 مَن يَأْتِيهِ عَذَابٌ يُخْزِيهِ وَيَحِلُّ عَلَيْهِ عَذَابٌ مُّقِيمٌ
39:40 Ruuxu yimaado cadaab dulleeya oo ku dago korkiisa cadaab joogta ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:41 إِنَّآ أَنزَلْنَا عَلَيْكَ ٱلْكِتَـٰبَ لِلنَّاسِ بِٱلْحَقِّ ۖ فَمَنِ ٱهْتَدَىٰ فَلِنَفْسِهِۦ ۖ وَمَن ضَلَّ فَإِنَّمَا يَضِلُّ عَلَيْهَا ۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيْهِم بِوَكِيلٍ
39:41 Annagaa kugu soodajinay Kitaabka (Quraanka) Dadka dartiis si dhab ah, ruuxii hanuunana wuxuu anfici naftiisa, kii dhumana wuxuu dhibi naftiisa, adiguna Nabiyow kama tihid wakiil. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:42 ٱللَّهُ يَتَوَفَّى ٱلْأَنفُسَ حِينَ مَوْتِهَا وَٱلَّتِى لَمْ تَمُتْ فِى مَنَامِهَا ۖ فَيُمْسِكُ ٱلَّتِى قَضَىٰ عَلَيْهَا ٱلْمَوْتَ وَيُرْسِلُ ٱلْأُخْرَىٰٓ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ
39:42 Eebaa oofsada nafta markay dhiman iyo tii aan dhimanin ee hurudday, wuxuna hayn tuu geerida ku xukumay wuxuuna siideyn tii kale tan iyo muddo magacaaban, arrigtaasna aayaad (Calaamooyin) yaa ugu sugan ciddii fikireysa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:43 أَمِ ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ شُفَعَآءَ ۚ قُلْ أَوَلَوْ كَانُوا۟ لَا يَمْلِكُونَ شَيْـًٔا وَلَا يَعْقِلُونَ
39:43 Mise waxay ka yeesheen Eebe wax ka soohadhay shafeecayaal, waxaad dhahdaa (oo ma kayeelanyesaan) xaataa haddayna wax hananayn waxna kasayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:44 قُل لِّلَّهِ ٱلشَّفَـٰعَةُ جَمِيعًا ۖ لَّهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ ثُمَّ إِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
39:44 Waxaad dhahdaa Eebaa iska leh shafeeco oo dhan, waxaana u sugnaaday xukunka Cirka iyo Dhulka xaggiisaana leydiin celin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:45 وَإِذَا ذُكِرَ ٱللَّهُ وَحْدَهُ ٱشْمَأَزَّتْ قُلُوبُ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ ۖ وَإِذَا ذُكِرَ ٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦٓ إِذَا هُمْ يَسْتَبْشِرُونَ
39:45 Marka la xuso Eebe kaliya waxaa diida qalbiyada kuwaan rumeynin aakhiro markii la xuso waxa Eebe ka soo hadhayna markaasay bishaareystaan farxaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:46 قُلِ ٱللَّهُمَّ فَاطِرَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ عَـٰلِمَ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَـٰدَةِ أَنتَ تَحْكُمُ بَيْنَ عِبَادِكَ فِى مَا كَانُوا۟ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ
39:46 Waxaad dhahdaa Nabiyow Eebow adaa abuuray Cirka iyo dhulka ogna waxa maqan iyo waxa jooga, adaase kala bixin addoomadaada dhexdooda waxay isku Khilaafsanyihiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:47 وَلَوْ أَنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ مَا فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا وَمِثْلَهُۥ مَعَهُۥ لَٱفْتَدَوْا۟ بِهِۦ مِن سُوٓءِ ٱلْعَذَابِ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۚ وَبَدَا لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ مَا لَمْ يَكُونُوا۟ يَحْتَسِبُونَ
39:47 Hadday kuwii dulmiga falay waxa dhulka ku sugan shamaantii iyo wax la mid ah leeyihiin way iskaga furan lahaayeen Cadaabka Maalinta Qiyaamaha, waxaana uga muuqday xagga Eebe Waxayn maleeysanaynin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:48 وَبَدَا لَهُمْ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُوا۟ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ
39:48 Waxaana u muuqday xumaantay kasbadeen, waxaana ku dhacay waxay ku jees jeesi jireen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:49 فَإِذَا مَسَّ ٱلْإِنسَـٰنَ ضُرٌّ دَعَانَا ثُمَّ إِذَا خَوَّلْنَـٰهُ نِعْمَةً مِّنَّا قَالَ إِنَّمَآ أُوتِيتُهُۥ عَلَىٰ عِلْمٍۭ ۚ بَلْ هِىَ فِتْنَةٌ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ
39:49 Markuu dhibtaabto dadku wuu na baryayaa, markaanse siino Nicmo wuxuu dhahaa waxaa la i siiyey waan mutaa, saas ma aha ee waannu imtixaami mase oga badankood. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:50 قَدْ قَالَهَا ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَمَآ أَغْنَىٰ عَنْهُم مَّا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ
39:50 Waxaa saas yidhi kuwii ka horeeyey waxna uma tarin waxay kasbadeen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:51 فَأَصَابَهُمْ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُوا۟ ۚ وَٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ مِنْ هَـٰٓؤُلَآءِ سَيُصِيبُهُمْ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُوا۟ وَمَا هُم بِمُعْجِزِينَ
39:51 Waxaana ku dhacay xumaantay kasbadeen, kuwii dulmifalay oo ka mid ahaa kuwaas waxaa ku dhici xumaantey kasbadeen, namana daaliyaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:52 أَوَلَمْ يَعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ يَبْسُطُ ٱلرِّزْقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقْدِرُ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ
39:52 Miyeyna ogayn inuu Eebe u waasiciyo Rizqiga cidduu doono kuna cidhiidhyo (cidduu doono) arrintaasna waxaa ugu sugan aayad cidii wax rumeyn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:53 ۞ قُلْ يَـٰعِبَادِىَ ٱلَّذِينَ أَسْرَفُوا۟ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمْ لَا تَقْنَطُوا۟ مِن رَّحْمَةِ ٱللَّهِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَغْفِرُ ٱلذُّنُوبَ جَمِيعًا ۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ
39:53 Waxaad dhahdaa Nabiyow addoomadayda ku xad gudbay Naftoodow ha ka quusanina naxariista Eebe, Eeba dhaafa danbiyada dhamaantoode, waana dambi dhaafbadane naxariis badane. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:54 وَأَنِيبُوٓا۟ إِلَىٰ رَبِّكُمْ وَأَسْلِمُوا۟ لَهُۥ مِن قَبْلِ أَن يَأْتِيَكُمُ ٱلْعَذَابُ ثُمَّ لَا تُنصَرُونَ
39:54 U noqda Eebihiin una hogaansama ka hor cadaab idiin ku yimaaddoon laydiinkana gargaarayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:55 وَٱتَّبِعُوٓا۟ أَحْسَنَ مَآ أُنزِلَ إِلَيْكُم مِّن رَّبِّكُم مِّن قَبْلِ أَن يَأْتِيَكُمُ ٱلْعَذَابُ بَغْتَةً وَأَنتُمْ لَا تَشْعُرُونَ
39:55 Raaca kan wanaagsan e laydiinka soo dajiyey Eebe xaggiisa, ka hor cadaab idinku yimaadda kado, idinkoon ogayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:56 أَن تَقُولَ نَفْسٌ يَـٰحَسْرَتَىٰ عَلَىٰ مَا فَرَّطتُ فِى جَنۢبِ ٱللَّهِ وَإِن كُنتُ لَمِنَ ٱلسَّـٰخِرِينَ
39:56 Ama odhan nafu shaleyte waxaan ku gaboodfalay cibaadada Eebe waxaana ahaa kuwa jees jeesa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:57 أَوْ تَقُولَ لَوْ أَنَّ ٱللَّهَ هَدَىٰنِى لَكُنتُ مِنَ ٱلْمُتَّقِينَ
39:57 Ama ayan odhan haddii Eebe ihanuuniyo waxaan noqon lahaa kuwa dhawrsada. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:58 أَوْ تَقُولَ حِينَ تَرَى ٱلْعَذَابَ لَوْ أَنَّ لِى كَرَّةً فَأَكُونَ مِنَ ٱلْمُحْسِنِينَ
39:58 Ama ayan odhan markay aragto cadaabka hadday noqosho iisugnaan laheyd waxaan ahaan lahaa kuwa samo fala. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:59 بَلَىٰ قَدْ جَآءَتْكَ ءَايَـٰتِى فَكَذَّبْتَ بِهَا وَٱسْتَكْبَرْتَ وَكُنتَ مِنَ ٱلْكَـٰفِرِينَ
39:59 Saas ma ah ee waxaa kuu yimid aayaadkaygii waadna beenisay waadna iswaynaysay waxaadna ka mid noqotay gaalada. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:60 وَيَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ تَرَى ٱلَّذِينَ كَذَبُوا۟ عَلَى ٱللَّهِ وُجُوهُهُم مُّسْوَدَّةٌ ۚ أَلَيْسَ فِى جَهَنَّمَ مَثْوًى لِّلْمُتَكَبِّرِينَ
39:60 Maalinta qiyaamana waxaad arkeysaa kuwii ku been abuurtay Eebe korkiisa oo wajiyadoodu madowyahay, miyayna Jahannamo dhexdeedu ahayn hoyga kuwa is kibriya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:61 وَيُنَجِّى ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوْا۟ بِمَفَازَتِهِمْ لَا يَمَسُّهُمُ ٱلسُّوٓءُ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ
39:61 Wuuna koriyaa Eebe kuwa dhawrsaday liibaantooda darteed, mana taabto xumaanu mana murugoodaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:62 ٱللَّهُ خَـٰلِقُ كُلِّ شَىْءٍ ۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ وَكِيلٌ
39:62 Eebana waa abuuraha wax kaste, waana wax walba wakiilkiisa, «maamulaha». - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:63 لَّهُۥ مَقَالِيدُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۗ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْخَـٰسِرُونَ
39:63 Isagaana iska leh xukunka Samooyinka iyo Dhulkaba, kuwa gaaloobay aayaadka Eebana waa kuwa khasaaray. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:64 قُلْ أَفَغَيْرَ ٱللَّهِ تَأْمُرُوٓنِّىٓ أَعْبُدُ أَيُّهَا ٱلْجَـٰهِلُونَ
39:64 Waxaad dhahdaa ma waxkasoohadhay Eebaad i faraysaan inaan caabudo jaahiliinyahay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:65 وَلَقَدْ أُوحِىَ إِلَيْكَ وَإِلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِكَ لَئِنْ أَشْرَكْتَ لَيَحْبَطَنَّ عَمَلُكَ وَلَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلْخَـٰسِرِينَ
39:65 Waxa dhab ahaan loogu waxyoodayadiga iyo kuwii kaa horreeyeyba Nabiyow haddaad wax la wadaajisa (Eebe) waxaa buri camalkaaga, waxaadna ka mid noqon kuwa khasaaray. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:66 بَلِ ٱللَّهَ فَٱعْبُدْ وَكُن مِّنَ ٱلشَّـٰكِرِينَ
39:66 ee Eebe uun caabud noqona kuwa ku mahdiya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:67 وَمَا قَدَرُوا۟ ٱللَّهَ حَقَّ قَدْرِهِۦ وَٱلْأَرْضُ جَمِيعًا قَبْضَتُهُۥ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ وَٱلسَّمَـٰوَٰتُ مَطْوِيَّـٰتٌۢ بِيَمِينِهِۦ ۚ سُبْحَـٰنَهُۥ وَتَعَـٰلَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ
39:67 Mayna waynaynin gaaladii Eebe waynaantiisa dhabta ah, isagoo dhulka dhamaantiis kujiro xukunkiisa Maalinta qiyaame Samooyinkuna ku duuban yihiin Yamiintiisa Eebaa ka nasahan kana sarreeya waxay la wadaajiyeen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:68 وَنُفِخَ فِى ٱلصُّورِ فَصَعِقَ مَن فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ إِلَّا مَن شَآءَ ٱللَّهُ ۖ ثُمَّ نُفِخَ فِيهِ أُخْرَىٰ فَإِذَا هُمْ قِيَامٌ يَنظُرُونَ
39:68 Waxaa la afuufi suurka (Buunka qiyaame) waxaana suuxi (Dhiman) waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, cidduu Eebe doona mooyee, markaasaa la afuufi mid kale waxaana soo bixi dadkii iyagoo taagan oo sugi (xukunka Eebe). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:69 وَأَشْرَقَتِ ٱلْأَرْضُ بِنُورِ رَبِّهَا وَوُضِعَ ٱلْكِتَـٰبُ وَجِا۟ىٓءَ بِٱلنَّبِيِّـۧنَ وَٱلشُّهَدَآءِ وَقُضِىَ بَيْنَهُم بِٱلْحَقِّ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ
39:69 Wuxuuna la ifi dhulku nuurka Eebihiis waxaana la soo dajin (dhawayn) Kitaabkii (Camalka) waxaana la keeni Nabiyadii iyo maraggii (Malaa'igta), waxaana lagu kala xukumi dhexdooda xaq lamana dulmiyo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:70 وَوُفِّيَتْ كُلُّ نَفْسٍ مَّا عَمِلَتْ وَهُوَ أَعْلَمُ بِمَا يَفْعَلُونَ
39:70 Waxaana loo oofin (dhameyn) nafkastaa waxay camalfashay, Eebana waa ogyahay waxay camalfalayaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:71 وَسِيقَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ إِلَىٰ جَهَنَّمَ زُمَرًا ۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُوهَا فُتِحَتْ أَبْوَٰبُهَا وَقَالَ لَهُمْ خَزَنَتُهَآ أَلَمْ يَأْتِكُمْ رُسُلٌ مِّنكُمْ يَتْلُونَ عَلَيْكُمْ ءَايَـٰتِ رَبِّكُمْ وَيُنذِرُونَكُمْ لِقَآءَ يَوْمِكُمْ هَـٰذَا ۚ قَالُوا۟ بَلَىٰ وَلَـٰكِنْ حَقَّتْ كَلِمَةُ ٱلْعَذَابِ عَلَى ٱلْكَـٰفِرِينَ
39:71 Waxaana loo kaxeyn gaaloobay xagga jahannamo iyagoo kooco ah markay yimaadaan Naartana waxaa la foraaa Albaabadeeda waxayna udhahaan adeegaheedu miyeyna idiin imaanin Rasuullo idinka mid ah oo idinku akhriya aayaadka Eebihiin idiinkana diga lakulanka Maalintiinan. waxayna dhihi way nooyimaadeen waxaase ku rumoobay Gaalada kalimadii Cadaabka (ee Eebe). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:72 قِيلَ ٱدْخُلُوٓا۟ أَبْوَٰبَ جَهَنَّمَ خَـٰلِدِينَ فِيهَا ۖ فَبِئْسَ مَثْوَى ٱلْمُتَكَبِّرِينَ
39:72 Waxaana lagu dhihi gala albaabada Jahannamo idinkoo ku waari dhexdeeda iyadaana u xun meelay ku hoydaan kuwa is kibriya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:73 وَسِيقَ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوْا۟ رَبَّهُمْ إِلَى ٱلْجَنَّةِ زُمَرًا ۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُوهَا وَفُتِحَتْ أَبْوَٰبُهَا وَقَالَ لَهُمْ خَزَنَتُهَا سَلَـٰمٌ عَلَيْكُمْ طِبْتُمْ فَٱدْخُلُوهَا خَـٰلِدِينَ
39:73 Waxaana loo wadi kuwii ka dhawrsaday Eebahood xagga jannada iyagoo kooxa ah markay yimaadaan jannadana iyadoo la furay albaabadeeda (marhore) waxay ku dhihi adeegaheedu nabadgalyo korkiina ha ahaato, waad wanaagsanaateen (liibaanteen) ee gala janada idinkoo ku waari. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:74 وَقَالُوا۟ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِى صَدَقَنَا وَعْدَهُۥ وَأَوْرَثَنَا ٱلْأَرْضَ نَتَبَوَّأُ مِنَ ٱلْجَنَّةِ حَيْثُ نَشَآءُ ۖ فَنِعْمَ أَجْرُ ٱلْعَـٰمِلِينَ
39:74 Waxayna dhihi mahad waxaa iska leh Eebaha noo rumeeyey yaboohiisa, nana dhaxalsiiyay dhulka (janada) waxaana ka dagnaa janada meeshaan doonno waxaana wanaag badan ajriga kuwii camal falay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

39:75 وَتَرَى ٱلْمَلَـٰٓئِكَةَ حَآفِّينَ مِنْ حَوْلِ ٱلْعَرْشِ يُسَبِّحُونَ بِحَمْدِ رَبِّهِمْ ۖ وَقُضِىَ بَيْنَهُم بِٱلْحَقِّ وَقِيلَ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
39:75 Waxaad arkaysaa malaa'igtoo ku wareegsan gaararka carshiga kuna tasbiixsan mahadda Eebahood, waana la kala xukumi dadkii dhexdooda si xaqw ah, waxaana la dhihi mahad Eebaa iska leh ee ah Eebaha caalamka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)