Selected

Original Text
Mahmud Muhammad Abduh

Available Translations

86 Aţ-Ţāriq ٱلطَّارِق

< Previous   17 Āyah   The Nightcommer      Next >  

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.

86:1 وَٱلسَّمَآءِ وَٱلطَّارِقِ
86:1 Eebe wuxuu ku dhaartay Samada iyo Xiddigga guura. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

86:2 وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلطَّارِقُ
86:2 Ma taqaan Xiddigga guura. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

86:3 ٱلنَّجْمُ ٱلثَّاقِبُ
86:3 Waa Xiddig ifa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

86:4 إِن كُلُّ نَفْسٍ لَّمَّا عَلَيْهَا حَافِظٌ
86:4 Ee Nafwalba waxaa kor jooga ilaaliye (Malag). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

86:5 فَلْيَنظُرِ ٱلْإِنسَـٰنُ مِمَّ خُلِقَ
86:5 Ee Dadku ha dayo waxa laga abuuray. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

86:6 خُلِقَ مِن مَّآءٍ دَافِقٍ
86:6 Waxaa laga abuuray Biyo booda. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

86:7 يَخْرُجُ مِنۢ بَيْنِ ٱلصُّلْبِ وَٱلتَّرَآئِبِ
86:7 Kana soobaxa Dhabar iyo laab dhexdood. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

86:8 إِنَّهُۥ عَلَىٰ رَجْعِهِۦ لَقَادِرٌ
86:8 Eebana waa karaa soo celinta Dadka (qiyaamada). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

86:9 يَوْمَ تُبْلَى ٱلسَّرَآئِرُ
86:9 Maalinta la imtixaani waxa (Laabta) ku qarsoon. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

86:10 فَمَا لَهُۥ مِن قُوَّةٍ وَلَا نَاصِرٍ
86:10 Dadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u gargaaara midna. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

86:11 وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلرَّجْعِ
86:11 Eebana wuxuu ku dhaartay Samada Roobka leh. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

86:12 وَٱلْأَرْضِ ذَاتِ ٱلصَّدْعِ
86:12 Iyo Dhulka jeexma (waxna ka soo baxo). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

86:13 إِنَّهُۥ لَقَوْلٌ فَصْلٌ
86:13 Ee Quraanku waa hadal wax kala bixiya (wanaagga iyo Xumaanta). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

86:14 وَمَا هُوَ بِٱلْهَزْلِ
86:14 Ciyaarra ma aha (ee waa dhab). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

86:15 إِنَّهُمْ يَكِيدُونَ كَيْدًا
86:15 Gaaladu waxbay dhakri. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

86:16 وَأَكِيدُ كَيْدًا
86:16 Annaguna waanu kaydi (Abaalmarin). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

86:17 فَمَهِّلِ ٱلْكَـٰفِرِينَ أَمْهِلْهُمْ رُوَيْدًۢا
86:17 Ee u sug Gaalada wax yar. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)