Selected
Original Text
Mahmud Muhammad Abduh
Abdullah Yusuf Ali
Abdul Majid Daryabadi
Abul Ala Maududi
Ahmed Ali
Ahmed Raza Khan
A. J. Arberry
Ali Quli Qarai
Hasan al-Fatih Qaribullah and Ahmad Darwish
Mohammad Habib Shakir
Mohammed Marmaduke William Pickthall
Muhammad Sarwar
Muhammad Taqi-ud-Din al-Hilali and Muhammad Muhsin Khan
Safi-ur-Rahman al-Mubarakpuri
Saheeh International
Talal Itani
Transliteration
Wahiduddin Khan
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.
20:1
طه
20:1
Dhaahaa (Nabiyow) micna kalana - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:2
مَآ أَنزَلْنَا عَلَيْكَ ٱلْقُرْءَانَ لِتَشْقَىٰٓ
20:2
maanaan dejin korkaaga Quraanka inaad ku Dhibbooto. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:3
إِلَّا تَذْكِرَةً لِّمَن يَخْشَىٰ
20:3
waase waanada Ciddii cabsan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:4
تَنزِيلًا مِّمَّنْ خَلَقَ ٱلْأَرْضَ وَٱلسَّمَـٰوَٰتِ ٱلْعُلَى
20:4
waana soo dejinta Eebaha Abuuray Dhulka iyo Samooyinka sare. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:5
ٱلرَّحْمَـٰنُ عَلَى ٱلْعَرْشِ ٱسْتَوَىٰ
20:5
Eebaha Raxmaana Carshiguu ku Istawooday (si u cunanta). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:6
لَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَمَا تَحْتَ ٱلثَّرَىٰ
20:6
waxaana u sugnaaday waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan iyo waxa u dhaxeeya iyo waxa ka hooseeya Dhulka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:7
وَإِن تَجْهَرْ بِٱلْقَوْلِ فَإِنَّهُۥ يَعْلَمُ ٱلسِّرَّ وَأَخْفَى
20:7
haddaad kor u Qaaddo Hadalka Eebe waa ogyahay waxa qarsoon iyo waxa la qariyey. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:8
ٱللَّهُ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ لَهُ ٱلْأَسْمَآءُ ٱلْحُسْنَىٰ
20:8
Eebe Ilaah kale ma jiro isaga mooye, waxaana u sugnaaday Magacyo Fiican. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:9
وَهَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ
20:9
ma ku soo Gaadhay warkii (Nabi) Muuse. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:10
إِذْ رَءَا نَارًا فَقَالَ لِأَهْلِهِ ٱمْكُثُوٓا۟ إِنِّىٓ ءَانَسْتُ نَارًا لَّعَلِّىٓ ءَاتِيكُم مِّنْهَا بِقَبَسٍ أَوْ أَجِدُ عَلَى ٱلنَّارِ هُدًى
20:10
markuu arkay Dab oo u yidhi Ehelkiisa Nagaada (suga) Anigu waxaan Arkaa Dabe, waxaana u dhawahay inaan idiinka keeno Dhuxul ama aan ka helo Dabka korkiisa Cid wax tusisa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:11
فَلَمَّآ أَتَىٰهَا نُودِىَ يَـٰمُوسَىٰٓ
20:11
markuu yimid (Muuse) Dabkii waxa loogu Dhawaaqay Muusow. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:12
إِنِّىٓ أَنَا۠ رَبُّكَ فَٱخْلَعْ نَعْلَيْكَ ۖ إِنَّكَ بِٱلْوَادِ ٱلْمُقَدَّسِ طُوًى
20:12
anigu waxan ahay Eebahaa ee Siib Kabahaaga Adigu waxaad ku sugantahay Toggii Daahirnaa ee Dhuwa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:13
وَأَنَا ٱخْتَرْتُكَ فَٱسْتَمِعْ لِمَا يُوحَىٰٓ
20:13
anaana ku doortay ee maqal waxa laguu waxyoon. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:14
إِنَّنِىٓ أَنَا ٱللَّهُ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱعْبُدْنِى وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ لِذِكْرِىٓ
20:14
Anigu waxaan ahay Alle Ilaah (kalana) ma jiro Ani mooyee ina Caabuda, Oogna Salaadda Xuskayga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:15
إِنَّ ٱلسَّاعَةَ ءَاتِيَةٌ أَكَادُ أُخْفِيهَا لِتُجْزَىٰ كُلُّ نَفْسٍۭ بِمَا تَسْعَىٰ
20:15
Saacadda (Qiyaame) way imaan waxaana u Dhawayahy inaan Qariyo in laga Abaal mariyo Naf kasta waxay Camal Fashay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:16
فَلَا يَصُدَّنَّكَ عَنْهَا مَن لَّا يُؤْمِنُ بِهَا وَٱتَّبَعَ هَوَىٰهُ فَتَرْدَىٰ
20:16
ee Yuusan kaa lilin Xaggeeda Ruuxaan Rumeyn Saacadda, raacayna Hawadiisa (Xun) ood Halaagsanto. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:17
وَمَا تِلْكَ بِيَمِينِكَ يَـٰمُوسَىٰ
20:17
waa maxay Taas midigtaada ku Jirta Muusow (ogaal waydiin). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:18
قَالَ هِىَ عَصَاىَ أَتَوَكَّؤُا۟ عَلَيْهَا وَأَهُشُّ بِهَا عَلَىٰ غَنَمِى وَلِىَ فِيهَا مَـَٔارِبُ أُخْرَىٰ
20:18
wuxuu yidhi iyada waa Ushaydii waa Cuskadaa Korkeeda waxna waan ugu Lulaa Adhigayga Dana kalana waa iigu sugnaadeen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:19
قَالَ أَلْقِهَا يَـٰمُوسَىٰ
20:19
wuxuu yidhi (Eebe) Tuur Usha Muusow. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:20
فَأَلْقَىٰهَا فَإِذَا هِىَ حَيَّةٌ تَسْعَىٰ
20:20
wuuna Tuuray waayna soo baxday Mas Ordi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:21
قَالَ خُذْهَا وَلَا تَخَفْ ۖ سَنُعِيدُهَا سِيرَتَهَا ٱلْأُولَىٰ
20:21
wuxuuna yidhi (Eebe) Qaad hana Cabsanin waxaannu ku celin Xaalkeedii Horce. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:22
وَٱضْمُمْ يَدَكَ إِلَىٰ جَنَاحِكَ تَخْرُجْ بَيْضَآءَ مِنْ غَيْرِ سُوٓءٍ ءَايَةً أُخْرَىٰ
20:22
U Dum Gacantaada Garabkaaga waxay soo Bixi iyadoo Cad Xumaan la'aan, waana Calaamad kale. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:23
لِنُرِيَكَ مِنْ ءَايَـٰتِنَا ٱلْكُبْرَى
20:23
Inaan ku tusinno Aayaadkanaga wey. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:24
ٱذْهَبْ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ
20:24
ee Aad xagga Fircoon wuu Xadgudbaye (Kibray). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:25
قَالَ رَبِّ ٱشْرَحْ لِى صَدْرِى
20:25
wuxuu yidhi (Muuse Eebow ii waasici Laabta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:26
وَيَسِّرْ لِىٓ أَمْرِى
20:26
iina Sahal (fududee) Amarkayga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:27
وَٱحْلُلْ عُقْدَةً مِّن لِّسَانِى
20:27
Furna Guntinta Carrabkayga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:28
يَفْقَهُوا۟ قَوْلِى
20:28
ha Kaseen Hadalkeygee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:29
وَٱجْعَل لِّى وَزِيرًا مِّنْ أَهْلِى
20:29
Iina yeel Wasiir Ehelkeyga ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:30
هَـٰرُونَ أَخِى
20:30
Haaruun Walaalkay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:31
ٱشْدُدْ بِهِۦٓ أَزْرِى
20:31
Kuna adkee «Xooji» Tabartayda (Dhabarkayga). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:32
وَأَشْرِكْهُ فِىٓ أَمْرِى
20:32
Lana wadaaji Amarkayga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:33
كَىْ نُسَبِّحَكَ كَثِيرًا
20:33
Inaan kugu Tasbiixsanno wax badan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:34
وَنَذْكُرَكَ كَثِيرًا
20:34
oon ku Xusno wax badan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:35
إِنَّكَ كُنتَ بِنَا بَصِيرًا
20:35
Adugu waxaad tahay mid na Arkee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:36
قَالَ قَدْ أُوتِيتَ سُؤْلَكَ يَـٰمُوسَىٰ
20:36
Wuxuu yidhi (Eebe) waa lagu siiyey Warsigaagii Muusow. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:37
وَلَقَدْ مَنَنَّا عَلَيْكَ مَرَّةً أُخْرَىٰٓ
20:37
Waana kugu Mannaysannay Wanaag (ku siinay) korkaaga markale. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:38
إِذْ أَوْحَيْنَآ إِلَىٰٓ أُمِّكَ مَا يُوحَىٰٓ
20:38
markaan u waxyoonay Hooyadaa (ku ilhaamay) wixii lagu ilhaameeye. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:39
أَنِ ٱقْذِفِيهِ فِى ٱلتَّابُوتِ فَٱقْذِفِيهِ فِى ٱلْيَمِّ فَلْيُلْقِهِ ٱلْيَمُّ بِٱلسَّاحِلِ يَأْخُذْهُ عَدُوٌّ لِّى وَعَدُوٌّ لَّهُۥ ۚ وَأَلْقَيْتُ عَلَيْكَ مَحَبَّةً مِّنِّى وَلِتُصْنَعَ عَلَىٰ عَيْنِىٓ
20:39
ku Tuur Muuse Taabud, kuna tuur Taabuudka Hirka Badda, Hirkuna ha ku rido Xeebta, waxaa qaadan Colkayga iyo Colkiisa (Fircoon), waxaana kugu tuuray Jeceylkeyga korkaaga iyo in lagu barbaariyo Ilaalintayda. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:40
إِذْ تَمْشِىٓ أُخْتُكَ فَتَقُولُ هَلْ أَدُلُّكُمْ عَلَىٰ مَن يَكْفُلُهُۥ ۖ فَرَجَعْنَـٰكَ إِلَىٰٓ أُمِّكَ كَىْ تَقَرَّ عَيْنُهَا وَلَا تَحْزَنَ ۚ وَقَتَلْتَ نَفْسًا فَنَجَّيْنَـٰكَ مِنَ ٱلْغَمِّ وَفَتَنَّـٰكَ فُتُونًا ۚ فَلَبِثْتَ سِنِينَ فِىٓ أَهْلِ مَدْيَنَ ثُمَّ جِئْتَ عَلَىٰ قَدَرٍ يَـٰمُوسَىٰ
20:40
(waxaan kugu Mannaysanay) markay Socotay Walaashaa oy lahayd maydin tusiyaa Ruux idiin Dhaqaalayn waxaana Kugu eelinay Hooyadaa si ay u qabowdo isheedu, oyna Murugoon, waxaadna Dishay Naf waana kaa korinay walbahaar, waana ku Imtixaanay Imtixaan, waxaadna ku nagaatay Sanooyin Ehelkii Madyan, markaasaad ku timid Qaddar (Eebe) Muusow. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:41
وَٱصْطَنَعْتُكَ لِنَفْسِى
20:41
waxaana kuu doortay Naftayda. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:42
ٱذْهَبْ أَنتَ وَأَخُوكَ بِـَٔايَـٰتِى وَلَا تَنِيَا فِى ذِكْرِى
20:42
ee La taga Adiga iyo Walaalkaa Aayaadkayga hana ka daalina Xuskayga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:43
ٱذْهَبَآ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ
20:43
Aad Xagga Fircoon wuu Xadgudbaye. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:44
فَقُولَا لَهُۥ قَوْلًا لَّيِّنًا لَّعَلَّهُۥ يَتَذَكَّرُ أَوْ يَخْشَىٰ
20:44
una dhaha Hadal Jilicsan bal inuu waxa xusuusto ama Cabsado. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:45
قَالَا رَبَّنَآ إِنَّنَا نَخَافُ أَن يَفْرُطَ عَلَيْنَآ أَوْ أَن يَطْغَىٰ
20:45
waxay dheheen Eebow waxaannu ka Cabsan inuu nagu degdego ama nagu xadgudbo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:46
قَالَ لَا تَخَافَآ ۖ إِنَّنِى مَعَكُمَآ أَسْمَعُ وَأَرَىٰ
20:46
wuxuu yidhi (Eebe) ha Cabsanina anaa idinla jira waana Maqli oon Arkaa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:47
فَأْتِيَاهُ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولَا رَبِّكَ فَأَرْسِلْ مَعَنَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ وَلَا تُعَذِّبْهُمْ ۖ قَدْ جِئْنَـٰكَ بِـَٔايَةٍ مِّن رَّبِّكَ ۖ وَٱلسَّلَـٰمُ عَلَىٰ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلْهُدَىٰٓ
20:47
ee u Taga (Fircoon) una dhaha annagu waxaan nahay Rasuulladii Eebahaa ee Dir (u daa) Banii Israa'iil hanala jireene, hana Cadaabin (Ciqaabin) waxaan kuula nimid Aayad xagga Eebahaa, nabadgalyana ha ahaato Tuuxii raaca Hanuunka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:48
إِنَّا قَدْ أُوحِىَ إِلَيْنَآ أَنَّ ٱلْعَذَابَ عَلَىٰ مَن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ
20:48
Annaga waxaa Naloo Waxyooday in Cadaab u Sugnaaday Ruuxii Beeniya (Xaqa) oo Jeedsada. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:49
قَالَ فَمَن رَّبُّكُمَا يَـٰمُوسَىٰ
20:49
Wuxuu Yidhi (Fircoon) waayo Eebihiin Muusow. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:50
قَالَ رَبُّنَا ٱلَّذِىٓ أَعْطَىٰ كُلَّ شَىْءٍ خَلْقَهُۥ ثُمَّ هَدَىٰ
20:50
Wuxuu yidhi (Muuse) Eebahanno waa kan Siiya wax kasta Abuurkiisa oo Toosiyey. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:51
قَالَ فَمَا بَالُ ٱلْقُرُونِ ٱلْأُولَىٰ
20:51
Wuxuu yidhi (Fircoon) Sidee Yahay Xaalkii Quruumihii hore. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:52
قَالَ عِلْمُهَا عِندَ رَبِّى فِى كِتَـٰبٍ ۖ لَّا يَضِلُّ رَبِّى وَلَا يَنسَى
20:52
Wuxuu Yidhi (Muuse) Cilmigoodu waa Eebe Agtiis Kitaab aan ka dhumeyn Eebe uuna Halmaameyn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:53
ٱلَّذِى جَعَلَ لَكُمُ ٱلْأَرْضَ مَهْدًا وَسَلَكَ لَكُمْ فِيهَا سُبُلًا وَأَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَخْرَجْنَا بِهِۦٓ أَزْوَٰجًا مِّن نَّبَاتٍ شَتَّىٰ
20:53
Waa Eebaha ka yeelay Dhulka Gogol, oo idinka bixiyey Dhexdeeda Waddooyin oo idiinka soo Dejiyey Samada Biyo oon ku soo Bixinay Noocyo Doog ah oo kala Tagsan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:54
كُلُوا۟ وَٱرْعَوْا۟ أَنْعَـٰمَكُمْ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّأُو۟لِى ٱلنُّهَىٰ
20:54
ee Cuna oo Daajiya Xoolihiinna, Arrintaasna Calaamooyin yaa ugu Sugan kuwa Caqliga leh. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:55
۞ مِنْهَا خَلَقْنَـٰكُمْ وَفِيهَا نُعِيدُكُمْ وَمِنْهَا نُخْرِجُكُمْ تَارَةً أُخْرَىٰ
20:55
Xaggeedaan (Dhulka) idinka Abuuray, Dhexdeedana idinku Celin, Xaggeedaana Laydinka soo Bixin Mar Kale. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:56
وَلَقَدْ أَرَيْنَـٰهُ ءَايَـٰتِنَا كُلَّهَا فَكَذَّبَ وَأَبَىٰ
20:56
Waxaan Dhab ahaan u Tusinay (Fircoon) Aayaadkanaga Dhamaan, wuuna Beeniyey oo Diiday. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:57
قَالَ أَجِئْتَنَا لِتُخْرِجَنَا مِنْ أَرْضِنَا بِسِحْرِكَ يَـٰمُوسَىٰ
20:57
Wuxuu yidhi (Fircoon) Ma waxaad noola timid Inaad nagaga Bixiso Dhulkanaga Sixirkaaga Muusow. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:58
فَلَنَأْتِيَنَّكَ بِسِحْرٍ مِّثْلِهِۦ فَٱجْعَلْ بَيْنَنَا وَبَيْنَكَ مَوْعِدًا لَّا نُخْلِفُهُۥ نَحْنُ وَلَآ أَنتَ مَكَانًا سُوًى
20:58
Waxaannu kuula imaanaynaa Sixir la mid ah ee mooyeel Dhexdeenna Balaan aynaan Baajinayn anaga iyo Adigu, Meel eg (La yaqaan). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:59
قَالَ مَوْعِدُكُمْ يَوْمُ ٱلزِّينَةِ وَأَن يُحْشَرَ ٱلنَّاسُ ضُحًى
20:59
Wuxuu yidhi (Nabi Muuse) Ballankeennu waa Maalinta Quruxda (Kulankooda) waana in la soo kulmiyo Dadka Barqin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:60
فَتَوَلَّىٰ فِرْعَوْنُ فَجَمَعَ كَيْدَهُۥ ثُمَّ أَتَىٰ
20:60
Wuuna jeedsaday Fircoon wuxuuna kulmiyey Dhagartiisii wuuna yimid. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:61
قَالَ لَهُم مُّوسَىٰ وَيْلَكُمْ لَا تَفْتَرُوا۟ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا فَيُسْحِتَكُم بِعَذَابٍ ۖ وَقَدْ خَابَ مَنِ ٱفْتَرَىٰ
20:61
Wuxuu ku yidhi Muuse Magaciin be ha ku Abuuranina Eebaha korkiisa Been oos idinku Halaago Cadaab, waxaana Khasaaray Ruuxii Been Abuurta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:62
فَتَنَـٰزَعُوٓا۟ أَمْرَهُم بَيْنَهُمْ وَأَسَرُّوا۟ ٱلنَّجْوَىٰ
20:62
Waxayna ku Doodeen amarkooda dhexdooda wayna faqeen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:63
قَالُوٓا۟ إِنْ هَـٰذَٰنِ لَسَـٰحِرَٰنِ يُرِيدَانِ أَن يُخْرِجَاكُم مِّنْ أَرْضِكُم بِسِحْرِهِمَا وَيَذْهَبَا بِطَرِيقَتِكُمُ ٱلْمُثْلَىٰ
20:63
Waxayna dheheen Labadani waa Saaxirro waxayna dooni inay Idinkaga Bixiyaan Dhulkiinna Sixirkooda oy la tagaan Dariiqadiinna (Sharaftiinna) Fiican. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:64
فَأَجْمِعُوا۟ كَيْدَكُمْ ثُمَّ ٱئْتُوا۟ صَفًّا ۚ وَقَدْ أَفْلَحَ ٱلْيَوْمَ مَنِ ٱسْتَعْلَىٰ
20:64
ee Kulmiya Dhagar (tiinna) Imaadana idinkoo Saf ah waxaa Liibaanay Maanta Ciddii Sarreysee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:65
قَالُوا۟ يَـٰمُوسَىٰٓ إِمَّآ أَن تُلْقِىَ وَإِمَّآ أَن نَّكُونَ أَوَّلَ مَنْ أَلْقَىٰ
20:65
waxay dheheen Muusow ama Tuur Usha ama aan anagu ahaanno kuwa hor tuura. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:66
قَالَ بَلْ أَلْقُوا۟ ۖ فَإِذَا حِبَالُهُمْ وَعِصِيُّهُمْ يُخَيَّلُ إِلَيْهِ مِن سِحْرِهِمْ أَنَّهَا تَسْعَىٰ
20:66
wuxuu yidhi (Muuse) bal Tuura waxaana soo baxay xadhkahoodii iyo Ulahoodii oo loogu ekeysiiyey sixirkoodii inay ordi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:67
فَأَوْجَسَ فِى نَفْسِهِۦ خِيفَةً مُّوسَىٰ
20:67
wuxuuna ka kasay naftiisa Cabsi Muuse. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:68
قُلْنَا لَا تَخَفْ إِنَّكَ أَنتَ ٱلْأَعْلَىٰ
20:68
waxaana nidhi ha Cabsan adigu adaa Sarreyne. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:69
وَأَلْقِ مَا فِى يَمِينِكَ تَلْقَفْ مَا صَنَعُوٓا۟ ۖ إِنَّمَا صَنَعُوا۟ كَيْدُ سَـٰحِرٍ ۖ وَلَا يُفْلِحُ ٱلسَّاحِرُ حَيْثُ أَتَىٰ
20:69
Tuur waxa midigtaada ku jira ha gurato waxay sameeyeene, waxay uun sameeyeen Dhagar sixir, mana Liibaano Sixirrow meejuu yimaaddo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:70
فَأُلْقِىَ ٱلسَّحَرَةُ سُجَّدًا قَالُوٓا۟ ءَامَنَّا بِرَبِّ هَـٰرُونَ وَمُوسَىٰ
20:70
waxaa la riday Saaxiriintii iyagoo Sujuudi, waxayna dheheen waxaan rumeynay Eebaha Haaruun iyo Muuse. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:71
قَالَ ءَامَنتُمْ لَهُۥ قَبْلَ أَنْ ءَاذَنَ لَكُمْ ۖ إِنَّهُۥ لَكَبِيرُكُمُ ٱلَّذِى عَلَّمَكُمُ ٱلسِّحْرَ ۖ فَلَأُقَطِّعَنَّ أَيْدِيَكُمْ وَأَرْجُلَكُم مِّنْ خِلَـٰفٍ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمْ فِى جُذُوعِ ٱلنَّخْلِ وَلَتَعْلَمُنَّ أَيُّنَآ أَشَدُّ عَذَابًا وَأَبْقَىٰ
20:71
wuxuuna yidhi (Fircoon) miyaad u rumeyseen ka hor idankayga isagu waa kan idinku wayn ee idin baray Sixirka waxaaan goyn Gacmihiinna iyo Lugihiinna si isdhaaf ah waxaana idinku (daldali) wadhi Jirrid Timir, waxaadna ogaanaysaan midkanaga daran cadaab hadhidna badan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:72
قَالُوا۟ لَن نُّؤْثِرَكَ عَلَىٰ مَا جَآءَنَا مِنَ ٱلْبَيِّنَـٰتِ وَٱلَّذِى فَطَرَنَا ۖ فَٱقْضِ مَآ أَنتَ قَاضٍ ۖ إِنَّمَا تَقْضِى هَـٰذِهِ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَآ
20:72
waxay dhaheen ka dooran meyno waxa noo yimid oo xujo ah iyo Eebaha na abuuray, ee xukmi waxaad xukumi, waxaad uun xukumi nolosha adduunyo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:73
إِنَّآ ءَامَنَّا بِرَبِّنَا لِيَغْفِرَ لَنَا خَطَـٰيَـٰنَا وَمَآ أَكْرَهْتَنَا عَلَيْهِ مِنَ ٱلسِّحْرِ ۗ وَٱللَّهُ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰٓ
20:73
annagu waxaan rumeeynay Eebahanno inuu noo dhaafo gafafkanaga iyo waxaad nagu qasabtay (fircoon) oo Sixira Eebaa Khayrroon oo hadhi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:74
إِنَّهُۥ مَن يَأْتِ رَبَّهُۥ مُجْرِمًا فَإِنَّ لَهُۥ جَهَنَّمَ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحْيَىٰ
20:74
ruuxii u yimaadda Eebihiis (aakharo) isagoo dambiile ah waxaa u sugnaaday jahannamo kumana dhinto dhexdeeda kumana noolaado. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:75
وَمَن يَأْتِهِۦ مُؤْمِنًا قَدْ عَمِلَ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمُ ٱلدَّرَجَـٰتُ ٱلْعُلَىٰ
20:75
ruuxiise u yimaadda isagoo Mu'min ah oo falay camal fiican kuwaas waxaa u sugnaaday Jannooyinka sare. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:76
جَنَّـٰتُ عَدْنٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَا ۚ وَذَٰلِكَ جَزَآءُ مَن تَزَكَّىٰ
20:76
Jannooyinka nagaadiga (yey gali) ooy socoto dhexdeeda Wabiyaal iyagoo kuwaari dhexdeeda, taasina waa abaalmarinta Ciddii nadiif noqota. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:77
وَلَقَدْ أَوْحَيْنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنْ أَسْرِ بِعِبَادِى فَٱضْرِبْ لَهُمْ طَرِيقًا فِى ٱلْبَحْرِ يَبَسًا لَّا تَخَـٰفُ دَرَكًا وَلَا تَخْشَىٰ
20:77
waxaan dhab ugu waxyoonay (Nabi) Muuse guuri Addoomahayga uguna yeel waddo Badda oo ingagan hana ka cabsan haleel, hana cabsan (Badda). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:78
فَأَتْبَعَهُمْ فِرْعَوْنُ بِجُنُودِهِۦ فَغَشِيَهُم مِّنَ ٱلْيَمِّ مَا غَشِيَهُمْ
20:78
waxaana raacay Fircoon (oo wata) Colkiisii waxaana ka daboolay hirka Xaggiisa wax daboolay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:79
وَأَضَلَّ فِرْعَوْنُ قَوْمَهُۥ وَمَا هَدَىٰ
20:79
wuxuuna dhumiyey Fircoon Qoomkiisii mana hanuunin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:80
يَـٰبَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ قَدْ أَنجَيْنَـٰكُم مِّنْ عَدُوِّكُمْ وَوَٰعَدْنَـٰكُمْ جَانِبَ ٱلطُّورِ ٱلْأَيْمَنَ وَنَزَّلْنَا عَلَيْكُمُ ٱلْمَنَّ وَٱلسَّلْوَىٰ
20:80
Banii Israa'iilow waxaan idinka korinay Cadawgiinna, waxaana idinkula yaboohtanay (ballari) dhinieii buurta ee midig, waxaana ku soo dejinay kor kiinna Macaan iyo Shimbir. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:81
كُلُوا۟ مِن طَيِّبَـٰتِ مَا رَزَقْنَـٰكُمْ وَلَا تَطْغَوْا۟ فِيهِ فَيَحِلَّ عَلَيْكُمْ غَضَبِى ۖ وَمَن يَحْلِلْ عَلَيْهِ غَضَبِى فَقَدْ هَوَىٰ
20:81
ka cuna wanaaggaan idinku Arsuqay hana ku xadgudbina dhexdiisa, oo idinku dhaco cadhadaydu, ruuxay ku dhaedo cadhadaydu dhabbuu u Hoobtay (halaagmay). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:82
وَإِنِّى لَغَفَّارٌ لِّمَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ صَـٰلِحًا ثُمَّ ٱهْتَدَىٰ
20:82
anigu waan u dhaafid badanahay ruuxii Toobad keena oo rumeeya oo fala wanaaga oo hanuuna. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:83
۞ وَمَآ أَعْجَلَكَ عَن قَوْمِكَ يَـٰمُوسَىٰ
20:83
maxaa kaa soo dedejiyey Qoomkaagii Muusow. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:84
قَالَ هُمْ أُو۟لَآءِ عَلَىٰٓ أَثَرِى وَعَجِلْتُ إِلَيْكَ رَبِّ لِتَرْضَىٰ
20:84
wuxuu yidhi (Muuse) iyagu waa kuwan raadkaygay ku soo joogaan, waana kuu soo dag degay Eebow inaad iga raalli noqoto. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:85
قَالَ فَإِنَّا قَدْ فَتَنَّا قَوْمَكَ مِنۢ بَعْدِكَ وَأَضَلَّهُمُ ٱلسَّامِرِىُّ
20:85
wuxuu yidhi (Eebe) Annagu waxaan imtixaannay qoomkaagii gadaashaa waxaana dhumiyey Saamiri. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:86
فَرَجَعَ مُوسَىٰٓ إِلَىٰ قَوْمِهِۦ غَضْبَـٰنَ أَسِفًا ۚ قَالَ يَـٰقَوْمِ أَلَمْ يَعِدْكُمْ رَبُّكُمْ وَعْدًا حَسَنًا ۚ أَفَطَالَ عَلَيْكُمُ ٱلْعَهْدُ أَمْ أَرَدتُّمْ أَن يَحِلَّ عَلَيْكُمْ غَضَبٌ مِّن رَّبِّكُمْ فَأَخْلَفْتُم مَّوْعِدِى
20:86
markaasuu u noqday (Nabi Muuse) qoomkiisii isagoo cadhaysan oo walbahaarsan wuxuuna yidhi qoomkayow miyuuna idiin yaboohiin Eebihiin yabooh wanaagsan, ma waxaa idinku dheeraaday korkiinna ballankii mise waxaad doonteen inay idinku dhaedo Cadhada Eebe ood u baajiseen ballankaygii. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:87
قَالُوا۟ مَآ أَخْلَفْنَا مَوْعِدَكَ بِمَلْكِنَا وَلَـٰكِنَّا حُمِّلْنَآ أَوْزَارًا مِّن زِينَةِ ٱلْقَوْمِ فَقَذَفْنَـٰهَا فَكَذَٰلِكَ أَلْقَى ٱلسَّامِرِىُّ
20:87
waxay dheheen maanaan u baajin ballankaaga awooddanada waxaase nala saaray culaysyo Alaab oo ah waxa qoomku isku qurxinjireen waana tuurray siduu u tuuray Saamiri. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:88
فَأَخْرَجَ لَهُمْ عِجْلًا جَسَدًا لَّهُۥ خُوَارٌ فَقَالُوا۟ هَـٰذَآ إِلَـٰهُكُمْ وَإِلَـٰهُ مُوسَىٰ فَنَسِىَ
20:88
wuxuuna u soo bixiyey dibi muuqal ah oo ood leh, waxayna dhaheen kani waa Ilaahiin iyo Ilaahii Muuse wuuna halmaamay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:89
أَفَلَا يَرَوْنَ أَلَّا يَرْجِعُ إِلَيْهِمْ قَوْلًا وَلَا يَمْلِكُ لَهُمْ ضَرًّا وَلَا نَفْعًا
20:89
miyeyna arkay inuusan u soo Celinayn Hadal una hananayn dhib iyo Nacfi (midna). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:90
وَلَقَدْ قَالَ لَهُمْ هَـٰرُونُ مِن قَبْلُ يَـٰقَوْمِ إِنَّمَا فُتِنتُم بِهِۦ ۖ وَإِنَّ رَبَّكُمُ ٱلرَّحْمَـٰنُ فَٱتَّبِعُونِى وَأَطِيعُوٓا۟ أَمْرِى
20:90
wuxuunau yidhi Haaruun mar hore qoomkayow waa uun laydinku fidmeeyey, Eebihiinna waa Raxmaan ee i raaca, adeecana amarkayga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:91
قَالُوا۟ لَن نَّبْرَحَ عَلَيْهِ عَـٰكِفِينَ حَتَّىٰ يَرْجِعَ إِلَيْنَا مُوسَىٰ
20:91
waxay dhaheen kama tagayno korkiisa inaan ku nagaanno intuu nooga soo noqon muuse. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:92
قَالَ يَـٰهَـٰرُونُ مَا مَنَعَكَ إِذْ رَأَيْتَهُمْ ضَلُّوٓا۟
20:92
wuxuu yidhi (muuse) Haaruunow maxaa kuu diiday markaad aragtay inay dhumeen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:93
أَلَّا تَتَّبِعَنِ ۖ أَفَعَصَيْتَ أَمْرِى
20:93
inaadan raacin ma waxaad caasiday Amarkeygii. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:94
قَالَ يَبْنَؤُمَّ لَا تَأْخُذْ بِلِحْيَتِى وَلَا بِرَأْسِىٓ ۖ إِنِّى خَشِيتُ أَن تَقُولَ فَرَّقْتَ بَيْنَ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ وَلَمْ تَرْقُبْ قَوْلِى
20:94
wuxuu yidhi (Haaruun) ina hooyow hayqabanin Gadhka iyo madaxa, anigu waxaan ka cabsaday inaad dhahdo waxaad kala gaysay Banii israa'iil dhexdooda oodan maqlin hadalkayga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:95
قَالَ فَمَا خَطْبُكَ يَـٰسَـٰمِرِىُّ
20:95
wuxuu yidhi (muuse) xaalkaagu muxuu yahay Saamiriyow. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:96
قَالَ بَصُرْتُ بِمَا لَمْ يَبْصُرُوا۟ بِهِۦ فَقَبَضْتُ قَبْضَةً مِّنْ أَثَرِ ٱلرَّسُولِ فَنَبَذْتُهَا وَكَذَٰلِكَ سَوَّلَتْ لِى نَفْسِى
20:96
wuxuuna yidhi waxaan arkay waxayna arkin, waxaana qaatay wax ka mid ah raad rasuul (malaga) waana tuuray saasayna ii qurxisay naftaydu. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:97
قَالَ فَٱذْهَبْ فَإِنَّ لَكَ فِى ٱلْحَيَوٰةِ أَن تَقُولَ لَا مِسَاسَ ۖ وَإِنَّ لَكَ مَوْعِدًا لَّن تُخْلَفَهُۥ ۖ وَٱنظُرْ إِلَىٰٓ إِلَـٰهِكَ ٱلَّذِى ظَلْتَ عَلَيْهِ عَاكِفًا ۖ لَّنُحَرِّقَنَّهُۥ ثُمَّ لَنَنسِفَنَّهُۥ فِى ٱلْيَمِّ نَسْفًا
20:97
wuxuu yidhi (Muuse) tag, waxaa kuu sugnaaday nolosha inaad dhahdo taabasho ma jirto, waxaana kuu sugnaaday waqti aadan baajinayn, day ilaahaagii aad ahayd mid ku kor nagi (caabudi) waanu gubi markaas waxaana ku firdhin mowjadda (badda) firdhin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:98
إِنَّمَآ إِلَـٰهُكُمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِى لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۚ وَسِعَ كُلَّ شَىْءٍ عِلْمًا
20:98
Eebihiin waa uun Ilaahiinna ah kaan Eebe jirin isaga mooyee, wuuna u waasac noqday wax kasta ogaansho. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:99
كَذَٰلِكَ نَقُصُّ عَلَيْكَ مِنْ أَنۢبَآءِ مَا قَدْ سَبَقَ ۚ وَقَدْ ءَاتَيْنَـٰكَ مِن لَّدُنَّا ذِكْرًا
20:99
saasaan kuugu qisoon (sheegi) warkii hor maray, waxaana kaa siinay agtanada quraan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:100
مَّنْ أَعْرَضَ عَنْهُ فَإِنَّهُۥ يَحْمِلُ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ وِزْرًا
20:100
ciddii ka jeedsata xaggiisa waxay xambaari maalinta qiyaame culays (dambi). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:101
خَـٰلِدِينَ فِيهِ ۖ وَسَآءَ لَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ حِمْلًا
20:101
iyagoo ku waari (ciqaabta) dhexdeeda waxaana u xumaaday iyaga maalinta qiyaame rar. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:102
يَوْمَ يُنفَخُ فِى ٱلصُّورِ ۚ وَنَحْشُرُ ٱلْمُجْرِمِينَ يَوْمَئِذٍ زُرْقًا
20:102
waa maalinta la afuufi suurka, oon soona kulmineyno dambiilayaasha maalintaas iyagoo indho cawlan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:103
يَتَخَـٰفَتُونَ بَيْنَهُمْ إِن لَّبِثْتُمْ إِلَّا عَشْرًا
20:103
wayna is warsan (xansan) dhexdooda maydaan ku nagaanin (adduunyada) Toban mooyee (maahmood) - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:104
نَّحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ إِذْ يَقُولُ أَمْثَلُهُمْ طَرِيقَةً إِن لَّبِثْتُمْ إِلَّا يَوْمًا
20:104
anagaa og waxay dhihi, markuu dhihi kooda ugu jid leh maydaan nagaanin maalin mooyee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:105
وَيَسْـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلْجِبَالِ فَقُلْ يَنسِفُهَا رَبِّى نَسْفًا
20:105
waxay ku warsan Buuraha waxaad dhahdaa waxaa burburin Eebahay burburin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:106
فَيَذَرُهَا قَاعًا صَفْصَفًا
20:106
wuxuuna ka yeeli meel siman oo ebar ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:107
لَّا تَرَىٰ فِيهَا عِوَجًا وَلَآ أَمْتًا
20:107
ku arki maysid qallooc iyo taag midna. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:108
يَوْمَئِذٍ يَتَّبِعُونَ ٱلدَّاعِىَ لَا عِوَجَ لَهُۥ ۖ وَخَشَعَتِ ٱلْأَصْوَاتُ لِلرَّحْمَـٰنِ فَلَا تَسْمَعُ إِلَّا هَمْسًا
20:108
maalintaas waxay raaci dhawaaqaha, kamana leexdaan waxayna u xasishay Cododku Eebaha Raxmaana mana maqashid shanqadh mooyee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:109
يَوْمَئِذٍ لَّا تَنفَعُ ٱلشَّفَـٰعَةُ إِلَّا مَنْ أَذِنَ لَهُ ٱلرَّحْمَـٰنُ وَرَضِىَ لَهُۥ قَوْلًا
20:109
maalintaas ma anfacdo shafeeco cid Eebaha Raxmaana idmo oo ka raalli noqday hadalkiisa mooyee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:110
يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَلَا يُحِيطُونَ بِهِۦ عِلْمًا
20:110
Wuxuu ogyahay Eebe waxa hortaada ah iyo waxa ka dambeeya mana ku koobayaan Eebe ogaansho. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:111
۞ وَعَنَتِ ٱلْوُجُوهُ لِلْحَىِّ ٱلْقَيُّومِ ۖ وَقَدْ خَابَ مَنْ حَمَلَ ظُلْمًا
20:111
waxay u khuduucday Wajiyadu Eebaha nool ee wax maamula, waxaana khasaaray ruuxii xambaara dulmi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:112
وَمَن يَعْمَلْ مِنَ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَا يَخَافُ ظُلْمًا وَلَا هَضْمًا
20:112
ruuxii fala wanaag isagoo rumeeyey kama Cabsado dulmi iyo nusqaamin midna. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:113
وَكَذَٰلِكَ أَنزَلْنَـٰهُ قُرْءَانًا عَرَبِيًّا وَصَرَّفْنَا فِيهِ مِنَ ٱلْوَعِيدِ لَعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ أَوْ يُحْدِثُ لَهُمْ ذِكْرًا
20:113
saasaanu kugu soo dejinnay Quraan Carabi ah uguna caddaynay ((celcelinay) dhexdiisa Gooddi inay dhawrsadaan darteed ama u timaado xusuus (waano). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:114
فَتَعَـٰلَى ٱللَّهُ ٱلْمَلِكُ ٱلْحَقُّ ۗ وَلَا تَعْجَلْ بِٱلْقُرْءَانِ مِن قَبْلِ أَن يُقْضَىٰٓ إِلَيْكَ وَحْيُهُۥ ۖ وَقُل رَّبِّ زِدْنِى عِلْمًا
20:114
waxaa sarreeya Eebaha xaakimka xaqa ah, hana ku degdein quraanka ka hor dhamayn waxyigiisa xaggaaga, waxaadna dhahdaa Eebow ii kordhi Cilmi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:115
وَلَقَدْ عَهِدْنَآ إِلَىٰٓ ءَادَمَ مِن قَبْلُ فَنَسِىَ وَلَمْ نَجِدْ لَهُۥ عَزْمًا
20:115
dhab ahaan yaan ula Ballantannay Aadan mar hore wuuna halmaamay kama aanaan helin niyo Adag. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:116
وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَـٰٓئِكَةِ ٱسْجُدُوا۟ لِـَٔادَمَ فَسَجَدُوٓا۟ إِلَّآ إِبْلِيسَ أَبَىٰ
20:116
xusuuso markaan ku nidhi Malaa'igta u Sujuuda Aadam wayna Sujuudeen Ibliis mooyee oo diiday. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:117
فَقُلْنَا يَـٰٓـَٔادَمُ إِنَّ هَـٰذَا عَدُوٌّ لَّكَ وَلِزَوْجِكَ فَلَا يُخْرِجَنَّكُمَا مِنَ ٱلْجَنَّةِ فَتَشْقَىٰٓ
20:117
waxaana nidhi Aadamow kani (Ibliis) waa Colkaaga iyo colka Haweeneydaada ee yuusan idinka bixinin janada ood dhibbooto. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:118
إِنَّ لَكَ أَلَّا تَجُوعَ فِيهَا وَلَا تَعْرَىٰ
20:118
waxaa kuu sugnaaday inaadan ku gaajoon dhexdeeda kuna arradin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:119
وَأَنَّكَ لَا تَظْمَؤُا۟ فِيهَا وَلَا تَضْحَىٰ
20:119
waxaana kuugu sugnaaday inaadan ku oomin dhexdeeda kuna Qorroxoobin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:120
فَوَسْوَسَ إِلَيْهِ ٱلشَّيْطَـٰنُ قَالَ يَـٰٓـَٔادَمُ هَلْ أَدُلُّكَ عَلَىٰ شَجَرَةِ ٱلْخُلْدِ وَمُلْكٍ لَّا يَبْلَىٰ
20:120
waxaase waswaasiyey shaydaan wuxuuna yidhi Aadamow ma ku tusiyaa Geedda waaridda iyo xukun aan gaboobayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:121
فَأَكَلَا مِنْهَا فَبَدَتْ لَهُمَا سَوْءَٰتُهُمَا وَطَفِقَا يَخْصِفَانِ عَلَيْهِمَا مِن وَرَقِ ٱلْجَنَّةِ ۚ وَعَصَىٰٓ ءَادَمُ رَبَّهُۥ فَغَوَىٰ
20:121
wayna cuneen xaggeeda waxaana u muuqday Cawradoodii, waxayna noqdeen kuwa isku dhejiya korkooda caleenta jannadam wuu caasiyey Aadan Eebihiis wuuna leexday. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:122
ثُمَّ ٱجْتَبَـٰهُ رَبُّهُۥ فَتَابَ عَلَيْهِ وَهَدَىٰ
20:122
waxaase doortay Eebihiis wuuna ka Toobadaqbalay oo hanuuniyey. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:123
قَالَ ٱهْبِطَا مِنْهَا جَمِيعًۢا ۖ بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ ۖ فَإِمَّا يَأْتِيَنَّكُم مِّنِّى هُدًى فَمَنِ ٱتَّبَعَ هُدَاىَ فَلَا يَضِلُّ وَلَا يَشْقَىٰ
20:123
wuxuu yidhi (Eebe) ka hoobta Jannada dhammaantiin qaarkiin qaar colbuu u yahaye, hadduu xaggayga idiinka yimaaddo hanuun ruuxii raaca hanuunkeyga ma dhumo (adduunka) mana xumaado (aakhiro). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:124
وَمَنْ أَعْرَضَ عَن ذِكْرِى فَإِنَّ لَهُۥ مَعِيشَةً ضَنكًا وَنَحْشُرُهُۥ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ أَعْمَىٰ
20:124
ruuxisa ka jeedsada xuskeyga (Quraanka) waxaa u sugnaaday nolol cidhiidhi ah, waxaana soo kulminaynaa maalinta qiyaame isagoo arag La'. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:125
قَالَ رَبِّ لِمَ حَشَرْتَنِىٓ أَعْمَىٰ وَقَدْ كُنتُ بَصِيرًا
20:125
wuxuuna dhihi Eebow maxaad ii soo kulmisay (keentay) anoo arag la' oona ahaa arke (adduunkii). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:126
قَالَ كَذَٰلِكَ أَتَتْكَ ءَايَـٰتُنَا فَنَسِيتَهَا ۖ وَكَذَٰلِكَ ٱلْيَوْمَ تُنسَىٰ
20:126
wuxuu yidhaa (Eebe) waa saas waxaa kuu timid aayadahanaga waadna halmaantay saasaana maanta lagaaga tagi (sida halmaan). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:127
وَكَذَٰلِكَ نَجْزِى مَنْ أَسْرَفَ وَلَمْ يُؤْمِنۢ بِـَٔايَـٰتِ رَبِّهِۦ ۚ وَلَعَذَابُ ٱلْـَٔاخِرَةِ أَشَدُّ وَأَبْقَىٰٓ
20:127
saasaan ku abaal marinaa ciddii xadgudubta oon rumayn aayaadka Eebihiis cadaabka aakhiraana daran oo hadhid badan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:128
أَفَلَمْ يَهْدِ لَهُمْ كَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّنَ ٱلْقُرُونِ يَمْشُونَ فِى مَسَـٰكِنِهِمْ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّأُو۟لِى ٱلنُّهَىٰ
20:128
miyuuna u caddayn Gaalada intaan halaagnay hortood quruumo iyagoo ku socda guryahooda, taasna calaamaa ugu sugan kuwa caqliga leh. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:129
وَلَوْلَا كَلِمَةٌ سَبَقَتْ مِن رَّبِّكَ لَكَانَ لِزَامًا وَأَجَلٌ مُّسَمًّى
20:129
haddayna jirin kalimad u hor martay Eebahaa iyo muddo maga caaban wuxuu ahaan lahaa cadaabku mid ku soo deg dega. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:130
فَٱصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ قَبْلَ طُلُوعِ ٱلشَّمْسِ وَقَبْلَ غُرُوبِهَا ۖ وَمِنْ ءَانَآئِ ٱلَّيْلِ فَسَبِّحْ وَأَطْرَافَ ٱلنَّهَارِ لَعَلَّكَ تَرْضَىٰ
20:130
ee ku samir waxay sheegi kuna tasbiixso adoo mahadda Eebahaa ku dheehan ka hor qorrax soo bax iyo ka hor dhicidda, saacadaha habeenkiina tasbiixso (Tuko) iyo darfaha maalinta inaad raalli noqoto. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:131
وَلَا تَمُدَّنَّ عَيْنَيْكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعْنَا بِهِۦٓ أَزْوَٰجًا مِّنْهُمْ زَهْرَةَ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا لِنَفْتِنَهُمْ فِيهِ ۚ وَرِزْقُ رَبِّكَ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰ
20:131
hawtaagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay nooc ka mid ah oo quraxda nolashaa adduun si aan ugu fidnayno, rizqiga Eebahaa yaase khayrroon oo hadhid badan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:132
وَأْمُرْ أَهْلَكَ بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱصْطَبِرْ عَلَيْهَا ۖ لَا نَسْـَٔلُكَ رِزْقًا ۖ نَّحْنُ نَرْزُقُكَ ۗ وَٱلْعَـٰقِبَةُ لِلتَّقْوَىٰ
20:132
far ehelkaaga salaadda kuna samir korkeeda ku warsanmayno rizqiye annagaa ku arzuqi cidhibta (fiicana) waxaa iska leh dhawrsashada. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:133
وَقَالُوا۟ لَوْلَا يَأْتِينَا بِـَٔايَةٍ مِّن رَّبِّهِۦٓ ۚ أَوَلَمْ تَأْتِهِم بَيِّنَةُ مَا فِى ٱلصُّحُفِ ٱلْأُولَىٰ
20:133
waxay dheheen gaaladii muu noola yimaaddo aayad xagga Eebihiis ka timid, miyuuna u imaanin Maraggii wixii ku sugnaa Kutubihii hore. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:134
وَلَوْ أَنَّآ أَهْلَكْنَـٰهُم بِعَذَابٍ مِّن قَبْلِهِۦ لَقَالُوا۟ رَبَّنَا لَوْلَآ أَرْسَلْتَ إِلَيْنَا رَسُولًا فَنَتَّبِعَ ءَايَـٰتِكَ مِن قَبْلِ أَن نَّذِلَّ وَنَخْزَىٰ
20:134
haddaan ku halaagno Cadaab Rasuulka (iyo Quraanka) ka hor waxay dhihilahaayeen Eebahannow maxaad noogu diri wayday rasuul oon raacno aayaadkaaga ka hor dullowganaga iyo khasaarahanaga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
20:135
قُلْ كُلٌّ مُّتَرَبِّصٌ فَتَرَبَّصُوا۟ ۖ فَسَتَعْلَمُونَ مَنْ أَصْحَـٰبُ ٱلصِّرَٰطِ ٱلسَّوِىِّ وَمَنِ ٱهْتَدَىٰ
20:135
waxaad dhahdaa (Nabiyow) dhammaan way sugi ee suga, waxaad ogaan doontaan cidda jidka toosan iyo cidda hanuunsane. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)