Selected

Original Text
Mahmud Muhammad Abduh

Available Translations

95 At-Tīn ٱلتِّين

< Previous   8 Āyah   The Fig      Next >  

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.

95:1 وَٱلتِّينِ وَٱلزَّيْتُونِ
95:1 Eebe wuxuu ka dhaartay Tiinka iyo Zeytuunka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

95:2 وَطُورِ سِينِينَ
95:2 Iyo Dhuuri Siina. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

95:3 وَهَـٰذَا ٱلْبَلَدِ ٱلْأَمِينِ
95:3 Iyo Magaaladan Aaminka ah (Maka). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

95:4 لَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَـٰنَ فِىٓ أَحْسَنِ تَقْوِيمٍ
95:4 Ee waxaana ku abuurray Dadka Muuqal toosan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

95:5 ثُمَّ رَدَدْنَـٰهُ أَسْفَلَ سَـٰفِلِينَ
95:5 Kaddibna waxaan u celinaynaa hoos (gabow dartiis). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

95:6 إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ فَلَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍ
95:6 Hase yeeshee kuwa rumeeyey xaqa camalwanaagsanna falay, waxay mudan Ajri aan go'aynin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

95:7 فَمَا يُكَذِّبُكَ بَعْدُ بِٱلدِّينِ
95:7 Ee Maxaa Gaalada u sababay beeninta Qiyaamada intaas ka dib. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

95:8 أَلَيْسَ ٱللَّهُ بِأَحْكَمِ ٱلْحَـٰكِمِينَ
95:8 Miyuusan Eebe ahayn kan ugu xukun wanaagsan. (Eebaa xukun wanagsan). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)