Selected
Original Text
Mahmud Muhammad Abduh
Abdullah Yusuf Ali
Abdul Majid Daryabadi
Abul Ala Maududi
Ahmed Ali
Ahmed Raza Khan
A. J. Arberry
Ali Quli Qarai
Hasan al-Fatih Qaribullah and Ahmad Darwish
Mohammad Habib Shakir
Mohammed Marmaduke William Pickthall
Muhammad Sarwar
Muhammad Taqi-ud-Din al-Hilali and Muhammad Muhsin Khan
Safi-ur-Rahman al-Mubarakpuri
Saheeh International
Talal Itani
Transliteration
Wahiduddin Khan
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.
15:1
الٓر ۚ تِلْكَ ءَايَـٰتُ ٱلْكِتَـٰبِ وَقُرْءَانٍ مُّبِينٍ
15:1
Xarfaha hore waa la soo sheegay Macnahooda, Kuwana waa Aayadaha Kitaabka iyo Quraanka cad. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:2
رُّبَمَا يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَوْ كَانُوا۟ مُسْلِمِينَ
15:2
Wax badanbay tamanin (Jeclaan) kuwii Gaaloobay (Aakhiro) inay Muslimiin ahaadaan (adduunkii). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:3
ذَرْهُمْ يَأْكُلُوا۟ وَيَتَمَتَّعُوا۟ وَيُلْهِهِمُ ٱلْأَمَلُ ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ
15:3
ka tag ha cuneen hana raaxasyteene Hana Shuqliso yididiilo way ogaan doonaane, - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:4
وَمَآ أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٌ مَّعْلُومٌ
15:4
Magaalo la halaago oo kasta waxaa u sugnaaday Wakhti la yaqaanno. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:5
مَّا تَسْبِقُ مِنْ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسْتَـْٔخِرُونَ
15:5
Kamana hor marto umadi Ajasheeda (wakhtigeeda) Kamana dib marto. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:6
وَقَالُوا۟ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِى نُزِّلَ عَلَيْهِ ٱلذِّكْرُ إِنَّكَ لَمَجْنُونٌ
15:6
Waxay dhaheen kan Quraanka lagu soo dejiyayow Adugu waad waalantahay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:7
لَّوْ مَا تَأْتِينَا بِٱلْمَلَـٰٓئِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ
15:7
Maad malaa'ig noo keentid haddaad run Sheegi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:8
مَا نُنَزِّلُ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةَ إِلَّا بِٱلْحَقِّ وَمَا كَانُوٓا۟ إِذًا مُّنظَرِينَ
15:8
Umana soo Dehinno Malaa'igta xaq mooyee lamana sugeen Gaalada (markaas). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:9
إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا ٱلذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَـٰفِظُونَ
15:9
Annagaa soo dejinnay Quraanka annagaana Dhawri. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:10
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ فِى شِيَعِ ٱلْأَوَّلِينَ
15:10
waxaan u dirray hortaa (rasuullo) Ummadihii hore. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:11
وَمَا يَأْتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ
15:11
Rasuul kasta oo u yimaaddana waxay ahaayeen kuwo ku jeesjeesa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:12
كَذَٰلِكَ نَسْلُكُهُۥ فِى قُلُوبِ ٱلْمُجْرِمِينَ
15:12
saasaana u galinaa (Gaalnimada) quluubta dambiilayaasha. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:13
لَا يُؤْمِنُونَ بِهِۦ ۖ وَقَدْ خَلَتْ سُنَّةُ ٱلْأَوَّلِينَ
15:13
mana rumeeyaan Quraanka waxaana tegay (hor maray) sumaddii «Jidkii» kuwii horreeyey. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:14
وَلَوْ فَتَحْنَا عَلَيْهِم بَابًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَظَلُّوا۟ فِيهِ يَعْرُجُونَ
15:14
haddaan uga furro korkooda irrid samada ooy ahaadaan kuwo kora - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:15
لَقَالُوٓا۟ إِنَّمَا سُكِّرَتْ أَبْصَـٰرُنَا بَلْ نَحْنُ قَوْمٌ مَّسْحُورُونَ
15:15
waxay odhan lahaayeen waxaan uun la awday (La tiray) aragyadannadii, waxaabanse nahay qoom la sixray. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:16
وَلَقَدْ جَعَلْنَا فِى ٱلسَّمَآءِ بُرُوجًا وَزَيَّنَّـٰهَا لِلنَّـٰظِرِينَ
15:16
waxaan yeellay samada buruuj (Meelo) waxaan u qurxinnay kuwa dayi (eegi). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:17
وَحَفِظْنَـٰهَا مِن كُلِّ شَيْطَـٰنٍ رَّجِيمٍ
15:17
waxaana ka dhawray shaydaan la tuuray «fogeeyey» dhammaantiis. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:18
إِلَّا مَنِ ٱسْتَرَقَ ٱلسَّمْعَ فَأَتْبَعَهُۥ شِهَابٌ مُّبِينٌ
15:18
mid dafa maqalka oo danab cad raaco mooyee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:19
وَٱلْأَرْضَ مَدَدْنَـٰهَا وَأَلْقَيْنَا فِيهَا رَوَٰسِىَ وَأَنۢبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ شَىْءٍ مَّوْزُونٍ
15:19
dhulkana waan fidinay waxaana ku ridnay «sugnay» dhexdeeda Buuro, waxaana ka soo bixinay wax kasta oo Miisaaman. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:20
وَجَعَلْنَا لَكُمْ فِيهَا مَعَـٰيِشَ وَمَن لَّسْتُمْ لَهُۥ بِرَٰزِقِينَ
15:20
waxaana idiinka yeellay dhexdiisa nolol iyo waxaydaan arzaaqi karin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:21
وَإِن مِّن شَىْءٍ إِلَّا عِندَنَا خَزَآئِنُهُۥ وَمَا نُنَزِّلُهُۥٓ إِلَّا بِقَدَرٍ مَّعْلُومٍ
15:21
waxaan agtanada khasnadihiisu «kaydkiisu» ahayn ma jiro, umana soo dejinno qaddar la ogyahay mooyee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:22
وَأَرْسَلْنَا ٱلرِّيَـٰحَ لَوَٰقِحَ فَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَسْقَيْنَـٰكُمُوهُ وَمَآ أَنتُمْ لَهُۥ بِخَـٰزِنِينَ
15:22
waxaana dirnaa dabaysha oo Tallaasha (Daruurta) waxaana ka soo dajina samada Biyo aan idinku waraabinno idinkoo ahayn kuwo ka keydsan kara (gudhidda). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:23
وَإِنَّا لَنَحْنُ نُحْىِۦ وَنُمِيتُ وَنَحْنُ ٱلْوَٰرِثُونَ
15:23
annagaa wax looleeyna waxna dilla, anagaana wax dhaxalla uun (u hadha). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:24
وَلَقَدْ عَلِمْنَا ٱلْمُسْتَقْدِمِينَ مِنكُمْ وَلَقَدْ عَلِمْنَا ٱلْمُسْتَـْٔخِرِينَ
15:24
waxaana ognahay kuwiinna hor maray waxaana ognahay kuwiina dib maray. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:25
وَإِنَّ رَبَّكَ هُوَ يَحْشُرُهُمْ ۚ إِنَّهُۥ حَكِيمٌ عَلِيمٌ
15:25
Eebahaana isagaa soo kulmin dadka waana falsame oge ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:26
وَلَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَـٰنَ مِن صَلْصَـٰلٍ مِّنْ حَمَإٍ مَّسْنُونٍ
15:26
annagaana ka abuuray dadka dhoobo doorsoon. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:27
وَٱلْجَآنَّ خَلَقْنَـٰهُ مِن قَبْلُ مِن نَّارِ ٱلسَّمُومِ
15:27
Jaankana (Jinniga) waxaan ka abuuray mar hore Naar samuum leh (Kulayl). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:28
وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَـٰٓئِكَةِ إِنِّى خَـٰلِقٌۢ بَشَرًا مِّن صَلْصَـٰلٍ مِّنْ حَمَإٍ مَّسْنُونٍ
15:28
Xusuuso markuu ku yidhi Eebahaa malaa'igta Anugu waxaan ka abuuri Dad dhoobo doorsoon. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:29
فَإِذَا سَوَّيْتُهُۥ وَنَفَخْتُ فِيهِ مِن رُّوحِى فَقَعُوا۟ لَهُۥ سَـٰجِدِينَ
15:29
Ee markaan ekeeyo kuna afuufo dhexdiisa Ruuxdayda ugu dhaca Sujuud. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:30
فَسَجَدَ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ كُلُّهُمْ أَجْمَعُونَ
15:30
wayna Sujuudeen malaa'igtii dhammaan oo Kulansan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:31
إِلَّآ إِبْلِيسَ أَبَىٰٓ أَن يَكُونَ مَعَ ٱلسَّـٰجِدِينَ
15:31
Ibliis oo diiday inuu ka mid noqdo kuwa Sujuuday mooyee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:32
قَالَ يَـٰٓإِبْلِيسُ مَا لَكَ أَلَّا تَكُونَ مَعَ ٱلسَّـٰجِدِينَ
15:32
Wuxuuna yidhi (Eebe) Ibliisow maxaad leedahay oodan u noqonin kuwa Sujuuda. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:33
قَالَ لَمْ أَكُن لِّأَسْجُدَ لِبَشَرٍ خَلَقْتَهُۥ مِن صَلْصَـٰلٍ مِّنْ حَمَإٍ مَّسْنُونٍ
15:33
Wuxuuna yidhi ma ihi Mid u sujuudi dad aad ka Abuurtay Dhoobo doorsoon. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:34
قَالَ فَٱخْرُجْ مِنْهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٌ
15:34
Wuxuuna yidhi Eebe ka bax xageeda adigu waa lagu fogeeyaye. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:35
وَإِنَّ عَلَيْكَ ٱللَّعْنَةَ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلدِّينِ
15:35
Korkaagana waxaa ah Lacnad tan iyo Maalinta Abaal marinta (Qiyaamada). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:36
قَالَ رَبِّ فَأَنظِرْنِىٓ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ
15:36
Wuxuuna yidhi Eebow i sug tan iyo maalinta La soo bixin dadka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:37
قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ ٱلْمُنظَرِينَ
15:37
Wuxuuna yidhi Eebe Adugu kuwa la sugi Yaad ka mid tahay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:38
إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْوَقْتِ ٱلْمَعْلُومِ
15:38
Tan iyo maalinta Wakhtiga la yaqaan leh. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:39
قَالَ رَبِّ بِمَآ أَغْوَيْتَنِى لَأُزَيِّنَنَّ لَهُمْ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَأُغْوِيَنَّهُمْ أَجْمَعِينَ
15:39
Wuxuuna yidhi Ibliis Eebow i baadiyayntaada Darteed waxaan u Qurxin dhulka Dhexdiisa waana Dhumin dhammaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:40
إِلَّا عِبَادَكَ مِنْهُمُ ٱلْمُخْلَصِينَ
15:40
Addoomadaada cibaadada kuu kali Yeelay mooyee (lana doortay). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:41
قَالَ هَـٰذَا صِرَٰطٌ عَلَىَّ مُسْتَقِيمٌ
15:41
Eebe wuxuu yidhi kaasi waa Jid igu toosan (oo layska abaal marin). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:42
إِنَّ عِبَادِى لَيْسَ لَكَ عَلَيْهِمْ سُلْطَـٰنٌ إِلَّا مَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلْغَاوِينَ
15:42
Addoomadayda (toosan) Kuma lihid xujo Cid Ku raacday oo kuwa Baadida ah ka mida Mooyee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:43
وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمَوْعِدُهُمْ أَجْمَعِينَ
15:43
Jahanamaana yaboohoodu yahay (inta dhunta) Dhammaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:44
لَهَا سَبْعَةُ أَبْوَٰبٍ لِّكُلِّ بَابٍ مِّنْهُمْ جُزْءٌ مَّقْسُومٌ
15:44
Waxayna leedahay todoba irridood oo irrid Kastana waxay leedahay Qaddar loo qaybiyay (oo Ibliis iyo Colkiisa ah). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:45
إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى جَنَّـٰتٍ وَعُيُونٍ
15:45
kuwa Eebe ka dhawrsadana waxay gali Janooyin iyo Ilo (durduri). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:46
ٱدْخُلُوهَا بِسَلَـٰمٍ ءَامِنِينَ
15:46
waxaana la dhahaa ku gala Nabad galyo iyo Aaminimo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:47
وَنَزَعْنَا مَا فِى صُدُورِهِم مِّنْ غِلٍّ إِخْوَٰنًا عَلَىٰ سُرُرٍ مُّتَقَـٰبِلِينَ
15:47
waxaana ka siibnaa waxa laabtooda ku jira oo xiqdi ah, waana walaalo sariira isqaabilsan ku sugan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:48
لَا يَمَسُّهُمْ فِيهَا نَصَبٌ وَمَا هُم مِّنْهَا بِمُخْرَجِينَ
15:48
kumana taabto jannada dhesdeeda dhib xageedana lagama Bixiyo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:49
۞ نَبِّئْ عِبَادِىٓ أَنِّىٓ أَنَا ٱلْغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ
15:49
U warran addomadayda inaan anugu Dambi dhaafe Naxariista ahay, - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:50
وَأَنَّ عَذَابِى هُوَ ٱلْعَذَابُ ٱلْأَلِيمُ
15:50
iyo in Cadaabkaygu uu yahay Cadaabka daran uun. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:51
وَنَبِّئْهُمْ عَن ضَيْفِ إِبْرَٰهِيمَ
15:51
Ugana waran dadka Martidii (Malaa'ig) Nabi Ibraahim. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:52
إِذْ دَخَلُوا۟ عَلَيْهِ فَقَالُوا۟ سَلَـٰمًا قَالَ إِنَّا مِنكُمْ وَجِلُونَ
15:52
Markay u soo galeen kuna Dhaheen salaan Kuna yidhi waanu idinka cabsan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:53
قَالُوا۟ لَا تَوْجَلْ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَـٰمٍ عَلِيمٍ
15:53
ooy Dhaheena ha cabsan Waxaanu kuugu Bishaarayn Wiil cilmi yeelane. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:54
قَالَ أَبَشَّرْتُمُونِى عَلَىٰٓ أَن مَّسَّنِىَ ٱلْكِبَرُ فَبِمَ تُبَشِّرُونَ
15:54
Wuxuuna ku yidhi Ma waxaad ii bishaaraynaysaan Anoo odaynimo Itaabatay, Maxaad iigu Bishaaraynaysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:55
قَالُوا۟ بَشَّرْنَـٰكَ بِٱلْحَقِّ فَلَا تَكُن مِّنَ ٱلْقَـٰنِطِينَ
15:55
Waxayna dhaheen waxaanu Kuugu Bishaarayn Xaq ee ha noqonin Mid quusta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:56
قَالَ وَمَن يَقْنَطُ مِن رَّحْمَةِ رَبِّهِۦٓ إِلَّا ٱلضَّآلُّونَ
15:56
Wuxuuna yidhi yaa ka Quusta Naxariista Eebihiis kuwa Baadida ah mooyee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:57
قَالَ فَمَا خَطْبُكُمْ أَيُّهَا ٱلْمُرْسَلُونَ
15:57
Wuxuu yidhi Xaalkiinnu muxuu yahay Kuwan la Soo dirayaw. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:58
قَالُوٓا۟ إِنَّآ أُرْسِلْنَآ إِلَىٰ قَوْمٍ مُّجْرِمِينَ
15:58
Waxayna dhaheen waxaa naloo Diray Qoom Danbiilayaal ah xagood. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:59
إِلَّآ ءَالَ لُوطٍ إِنَّا لَمُنَجُّوهُمْ أَجْمَعِينَ
15:59
Ehelka (nabi) Luudh mooyee oo Waanu korin Dhammaantood. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:60
إِلَّا ٱمْرَأَتَهُۥ قَدَّرْنَآ ۙ إِنَّهَا لَمِنَ ٱلْغَـٰبِرِينَ
15:60
Haweenaydiisa mooyee oo noqon Kuwa ku Hadhi (Halaagga). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:61
فَلَمَّا جَآءَ ءَالَ لُوطٍ ٱلْمُرْسَلُونَ
15:61
Markay u yimaadeen Ehelki nabi Luudh kuwii La soo diray. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:62
قَالَ إِنَّكُمْ قَوْمٌ مُّنكَرُونَ
15:62
Wuxuu yidhi Idinku waxaad Tihiin Qoom aan la Garanaynin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:63
قَالُوا۟ بَلْ جِئْنَـٰكَ بِمَا كَانُوا۟ فِيهِ يَمْتَرُونَ
15:63
Waxayna dhaheen saas ma aha ee Waxaannu kuula Nimid waxay Shakisanaayeen (Halaagoodii). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:64
وَأَتَيْنَـٰكَ بِٱلْحَقِّ وَإِنَّا لَصَـٰدِقُونَ
15:64
Waxaana kuula nimid Xaq, runna waan sheegaynaa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:65
فَأَسْرِ بِأَهْلِكَ بِقِطْعٍ مِّنَ ٱلَّيْلِ وَٱتَّبِعْ أَدْبَـٰرَهُمْ وَلَا يَلْتَفِتْ مِنكُمْ أَحَدٌ وَٱمْضُوا۟ حَيْثُ تُؤْمَرُونَ
15:65
Ee guuri Ehelkaaga qayb Habeenka ka mida Socona Gadaashooda yayna soo Milicsan Ruux ka Mida (Dib) kuna socda meeja Laydin Faray. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:66
وَقَضَيْنَآ إِلَيْهِ ذَٰلِكَ ٱلْأَمْرَ أَنَّ دَابِرَ هَـٰٓؤُلَآءِ مَقْطُوعٌ مُّصْبِحِينَ
15:66
Waxaana u waxayoonay Amarkaas ah in Cidhibta Kuwaas la goyn Subaxdii. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:67
وَجَآءَ أَهْلُ ٱلْمَدِينَةِ يَسْتَبْشِرُونَ
15:67
Waxaana yimid dadkii Baladka oo bishaaraysan (aragga martida). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:68
قَالَ إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ ضَيْفِى فَلَا تَفْضَحُونِ
15:68
Wuxuuna yidhi kuwan waa Martidaydii ee Ha igu ceebaynina. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:69
وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَلَا تُخْزُونِ
15:69
kana dhawrsada Eebe hana i dullaynina. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:70
قَالُوٓا۟ أَوَلَمْ نَنْهَكَ عَنِ ٱلْعَـٰلَمِينَ
15:70
Waxayna dhaheen Miyaanaan kaa Reebin Caalamka (imaad marti galido cidna). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:71
قَالَ هَـٰٓؤُلَآءِ بَنَاتِىٓ إِن كُنتُمْ فَـٰعِلِينَ
15:71
wuxuuna yidhi Kuwaasi waa gabdhahaygii Iladaad wax Falaysaan (ood guursanaysaan). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:72
لَعَمْرُكَ إِنَّهُمْ لَفِى سَكْرَتِهِمْ يَعْمَهُونَ
15:72
Cimrigaagee iyagu Baadibay ku Wareersan Yihiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:73
فَأَخَذَتْهُمُ ٱلصَّيْحَةُ مُشْرِقِينَ
15:73
Waxaana qabatay Qayladii qorrax soo baxa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:74
فَجَعَلْنَا عَـٰلِيَهَا سَافِلَهَا وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِمْ حِجَارَةً مِّن سِجِّيلٍ
15:74
Waxaana ka yeellay korkoodii hoostooda Waxaana ku soo daadinnay Korkooda Dhagaxyo Naar ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:75
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّلْمُتَوَسِّمِينَ
15:75
Arrintaasna calaamooyin baa ugu sugan Kuwa Fiirfiiriya (Fikira). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:76
وَإِنَّهَا لَبِسَبِيلٍ مُّقِيمٍ
15:76
Waxayna kutaal Magaaladaas waddo toosan (oy maraan oo cad). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:77
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّلْمُؤْمِنِينَ
15:77
Arrintaasna calaamad yaa ugu sugan kuwa Xaqa rumeeyay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:78
وَإِن كَانَ أَصْحَـٰبُ ٱلْأَيْكَةِ لَظَـٰلِمِينَ
15:78
Waxayna ahaayeen Qoomkii kaynta Daalimiin (Qoomkii Nabi Shucayb). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:79
فَٱنتَقَمْنَا مِنْهُمْ وَإِنَّهُمَا لَبِإِمَامٍ مُّبِينٍ
15:79
Waana ka aarsanay, waxayna labaduba degenaayeen Waddo cad (oo la yaqaanno). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:80
وَلَقَدْ كَذَّبَ أَصْحَـٰبُ ٱلْحِجْرِ ٱلْمُرْسَلِينَ
15:80
Waxayna beeniyeen Qoomkii Xijrina kuwii Loo soo diray (Saalax). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:81
وَءَاتَيْنَـٰهُمْ ءَايَـٰتِنَا فَكَانُوا۟ عَنْهَا مُعْرِضِينَ
15:81
Waana siinay Aayaadkanagii waxayna ahaayeen Kuwa xageeda ka jeedsada. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:82
وَكَانُوا۟ يَنْحِتُونَ مِنَ ٱلْجِبَالِ بُيُوتًا ءَامِنِينَ
15:82
Waxaana ahaayeen kuwo ka qota Buuraha Guryo aamina. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:83
فَأَخَذَتْهُمُ ٱلصَّيْحَةُ مُصْبِحِينَ
15:83
Waxaana qabatay Qaylo Aroortii. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:84
فَمَآ أَغْنَىٰ عَنْهُم مَّا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ
15:84
Waxna uma tarin waxay Kasbanayeen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:85
وَمَا خَلَقْنَا ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَآ إِلَّا بِٱلْحَقِّ ۗ وَإِنَّ ٱلسَّاعَةَ لَـَٔاتِيَةٌ ۖ فَٱصْفَحِ ٱلصَّفْحَ ٱلْجَمِيلَ
15:85
Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeyana waxaan Xaq ahayn umaanan abuurin Saacaduna way iman ee iska saamax saamixid quruxsan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:86
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ ٱلْخَلَّـٰقُ ٱلْعَلِيمُ
15:86
Eebahaabaa ah abuuraha cilmiga lehe. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:87
وَلَقَدْ ءَاتَيْنَـٰكَ سَبْعًا مِّنَ ٱلْمَثَانِى وَٱلْقُرْءَانَ ٱلْعَظِيمَ
15:87
waxaan ku siinay Todobo soo noqnoqota «faataxada» iyo Quraanka wayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:88
لَا تَمُدَّنَّ عَيْنَيْكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعْنَا بِهِۦٓ أَزْوَٰجًا مِّنْهُمْ وَلَا تَحْزَنْ عَلَيْهِمْ وَٱخْفِضْ جَنَاحَكَ لِلْمُؤْمِنِينَ
15:88
ee ha u taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaybo ka mida. hana u murugoon una raarici (Jilei) garabkaaga (macaamiladooda) Mu'miniinta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:89
وَقُلْ إِنِّىٓ أَنَا ٱلنَّذِيرُ ٱلْمُبِينُ
15:89
waxaadna dhahdaa anugu waxaan uun ahay u dige cad. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:90
كَمَآ أَنزَلْنَا عَلَى ٱلْمُقْتَسِمِينَ
15:90
sidaan ugu soo dejinay Cadaab kuwii isu dhaarsaday (Dhibka xaqa). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:91
ٱلَّذِينَ جَعَلُوا۟ ٱلْقُرْءَانَ عِضِينَ
15:91
ee kayeelay Quraanka Qaybo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:92
فَوَرَبِّكَ لَنَسْـَٔلَنَّهُمْ أَجْمَعِينَ
15:92
Eebahaa baan ku dhaartaye waan warsanaynaa dhammaantood. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:93
عَمَّا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
15:93
waxay falayeen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:94
فَٱصْدَعْ بِمَا تُؤْمَرُ وَأَعْرِضْ عَنِ ٱلْمُشْرِكِينَ
15:94
ee Muuji waxa lagu fari iskagana jeedso Mushrikiinta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:95
إِنَّا كَفَيْنَـٰكَ ٱلْمُسْتَهْزِءِينَ
15:95
anagaa kaa kaafiyeyna kuwa jeesjeesa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:96
ٱلَّذِينَ يَجْعَلُونَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَـٰهًا ءَاخَرَ ۚ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ
15:96
ee yeela Eebe Miciisa Ilaah kale wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:97
وَلَقَدْ نَعْلَمُ أَنَّكَ يَضِيقُ صَدْرُكَ بِمَا يَقُولُونَ
15:97
waxaana ognahay Laabtaadu inay ka cidhiidhyami waxay sheegi (oo xun). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:98
فَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ وَكُن مِّنَ ٱلسَّـٰجِدِينَ
15:98
ee ku Tasbiixso mahadda Eebahaa ahawna kuwa Sujuuda. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
15:99
وَٱعْبُدْ رَبَّكَ حَتَّىٰ يَأْتِيَكَ ٱلْيَقِينُ
15:99
Caabudna Eebahaa intay Yaqiintu kaaga timaaddo (Geeridu). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)