Selected

Original Text
Mahmud Muhammad Abduh

Available Translations

52 Aţ-Ţūr ٱلطُّور

< Previous   49 Āyah   The Mount      Next >  

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.

52:1 وَٱلطُّورِ
52:1 (Eebe wuxuu ku dhaartay) Dhuurisiina. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:2 وَكِتَـٰبٍ مَّسْطُورٍ
52:2 Iyo Kitaabka la dhigay, - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:3 فِى رَقٍّ مَّنشُورٍ
52:3 Oo ku qoran warqado la fidiyay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:4 وَٱلْبَيْتِ ٱلْمَعْمُورِ
52:4 Iyo Gurigii cammirraa (Beytulmacmuur). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:5 وَٱلسَّقْفِ ٱلْمَرْفُوعِ
52:5 IYo saanqaafka la koryeelay (cirka). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:6 وَٱلْبَحْرِ ٱلْمَسْجُورِ
52:6 Iyo Baddii la kululeeyay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:7 إِنَّ عَذَابَ رَبِّكَ لَوَٰقِعٌ
52:7 Ee caddibaadda Eebe waa wax dhici (sugan). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:8 مَّا لَهُۥ مِن دَافِعٍ
52:8 wax celinna ma jiro. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:9 يَوْمَ تَمُورُ ٱلسَّمَآءُ مَوْرًا
52:9 Waxay dhici caddibaaddaas Maalinta Samadu wareegi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:10 وَتَسِيرُ ٱلْجِبَالُ سَيْرًا
52:10 Buuruhuna socon. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:11 فَوَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
52:11 Halaagna waxaa iska leh maalintaas kuwa xaqa beeniyay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:12 ٱلَّذِينَ هُمْ فِى خَوْضٍ يَلْعَبُونَ
52:12 Ee ah kuwa tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:13 يَوْمَ يُدَعُّونَ إِلَىٰ نَارِ جَهَنَّمَ دَعًّا
52:13 Maalinta Naarta xoog loogu tuurina (waxa lagu dhihi). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:14 هَـٰذِهِ ٱلنَّارُ ٱلَّتِى كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ
52:14 Waatan Naartii aad beenin jirteen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:15 أَفَسِحْرٌ هَـٰذَآ أَمْ أَنتُمْ لَا تُبْصِرُونَ
52:15 Ma sixirbaa, mase waxbaydaan arkayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:16 ٱصْلَوْهَا فَٱصْبِرُوٓا۟ أَوْ لَا تَصْبِرُوا۟ سَوَآءٌ عَلَيْكُمْ ۖ إِنَّمَا تُجْزَوْنَ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
52:16 Gala, ama samra ama ha samrine, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaalmarin waxaad camal falayseen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:17 إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى جَنَّـٰتٍ وَنَعِيمٍ
52:17 Kuwa Eebe ka dhawrsaday waxay gali Jannooyin iyo Nicmo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:18 فَـٰكِهِينَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمْ رَبُّهُمْ وَوَقَىٰهُمْ رَبُّهُمْ عَذَابَ ٱلْجَحِيمِ
52:18 Iyaga oo ku raaxaysan waxa Eebe siiyay, Eebohoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda Jaxiiimo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:19 كُلُوا۟ وَٱشْرَبُوا۟ هَنِيٓـًٔۢا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
52:19 (Waxaana lagu dhihi) cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:20 مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ سُرُرٍ مَّصْفُوفَةٍ ۖ وَزَوَّجْنَـٰهُم بِحُورٍ عِينٍ
52:20 Idinkoo ku dangiiga Sariiro la safay, waxaanna (Eebe) u guurin Haween Janno (Xuuralcayn). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:21 وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَٱتَّبَعَتْهُمْ ذُرِّيَّتُهُم بِإِيمَـٰنٍ أَلْحَقْنَا بِهِمْ ذُرِّيَّتَهُمْ وَمَآ أَلَتْنَـٰهُم مِّنْ عَمَلِهِم مِّن شَىْءٍ ۚ كُلُّ ٱمْرِئٍۭ بِمَا كَسَبَ رَهِينٌ
52:21 Kuwa xaqa rumeeyay ee carurtooduna Iimaanka ka raacday waxaannu haleeshiin carruurtooda (Darajada iyo naxariista), camalkoodana waxba kama nusqaaminayno, Ruuxwalbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan «u xidhnaani». - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:22 وَأَمْدَدْنَـٰهُم بِفَـٰكِهَةٍ وَلَحْمٍ مِّمَّا يَشْتَهُونَ
52:22 waxaannu u badinnay faakiho iyo Hilib oo ah waxay jecelyihiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:23 يَتَنَـٰزَعُونَ فِيهَا كَأْسًا لَّا لَغْوٌ فِيهَا وَلَا تَأْثِيمٌ
52:23 Waxayna isku siin Jannada dhexdeeda (iyagoo sheekeysan) Weel (Macaan) kabuuxo, oon hadal xun iyo dambi midna lahayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:24 ۞ وَيَطُوفُ عَلَيْهِمْ غِلْمَانٌ لَّهُمْ كَأَنَّهُمْ لُؤْلُؤٌ مَّكْنُونٌ
52:24 Waxaana u adeegi wiilal aad moodo Jawhar la dhawray. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:25 وَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَآءَلُونَ
52:25 Qaarkood (ehlu-Jannaha) yaa qaarka kale qaabila iyagoo wax is waydiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:26 قَالُوٓا۟ إِنَّا كُنَّا قَبْلُ فِىٓ أَهْلِنَا مُشْفِقِينَ
52:26 Waxayna isu dheheen waxaan ahayn horay Adduunkii kuwo ehelkoodii dhexdiisa ku cabsada. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:27 فَمَنَّ ٱللَّهُ عَلَيْنَا وَوَقَىٰنَا عَذَابَ ٱلسَّمُومِ
52:27 Eebaase nagu mannaystay (dambi dhaaf), wuxuuna naga dhawray caddibaadda Samuumka (Jahannama). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:28 إِنَّا كُنَّا مِن قَبْلُ نَدْعُوهُ ۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْبَرُّ ٱلرَّحِيمُ
52:28 Waxaan ahayn horay kuwo barya Eebe, Ilaahayna waa Baarrii naxariista. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:29 فَذَكِّرْ فَمَآ أَنتَ بِنِعْمَتِ رَبِّكَ بِكَاهِنٍ وَلَا مَجْنُونٍ
52:29 Ee waani (Nabiyow dadka), nicmada darteed ma tihid wax sheege iyo waalane midnee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:30 أَمْ يَقُولُونَ شَاعِرٌ نَّتَرَبَّصُ بِهِۦ رَيْبَ ٱلْمَنُونِ
52:30 Mise waxay dhihi waa gabayaa ee aan la sugno Geerida. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:31 قُلْ تَرَبَّصُوا۟ فَإِنِّى مَعَكُم مِّنَ ٱلْمُتَرَبِّصِينَ
52:31 Waxaad dhahdaa suga anna waan idin la sugiye. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:32 أَمْ تَأْمُرُهُمْ أَحْلَـٰمُهُم بِهَـٰذَآ ۚ أَمْ هُمْ قَوْمٌ طَاغُونَ
52:32 Mise caqligooda (xun) yaa saas faray, ma aha ee waa Qoom xadgudbay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:33 أَمْ يَقُولُونَ تَقَوَّلَهُۥ ۚ بَل لَّا يُؤْمِنُونَ
52:33 Mise waxaydhihi isagaa abuurtay (Quraanka) waxba ma ayan rumeynin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:34 فَلْيَأْتُوا۟ بِحَدِيثٍ مِّثْلِهِۦٓ إِن كَانُوا۟ صَـٰدِقِينَ
52:34 Ha la yimaadeen hadal la mid ah hadday Run sheegi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:35 أَمْ خُلِقُوا۟ مِنْ غَيْرِ شَىْءٍ أَمْ هُمُ ٱلْخَـٰلِقُونَ
52:35 Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray (naftooda). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:36 أَمْ خَلَقُوا۟ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ ۚ بَل لَّا يُوقِنُونَ
52:36 Mise iyagaa Samaawaadka iyo Dhulka abuuray, saas ma aha ee wax ma ayan yaqiininin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:37 أَمْ عِندَهُمْ خَزَآئِنُ رَبِّكَ أَمْ هُمُ ٱلْمُصَۣيْطِرُونَ
52:37 Mise agtoodaa khayraadka Eebe yaallaa, Mise iyagaa xisaabin dadka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:38 أَمْ لَهُمْ سُلَّمٌ يَسْتَمِعُونَ فِيهِ ۖ فَلْيَأْتِ مُسْتَمِعُهُم بِسُلْطَـٰنٍ مُّبِينٍ
52:38 Mise waxay leeyihiin Sallaan ay wax ku Dhageeystaan, ha la yimaado kooda wax dhaagaystay xujo cad. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:39 أَمْ لَهُ ٱلْبَنَـٰتُ وَلَكُمُ ٱلْبَنُونَ
52:39 Mise Eebaa Gabdho u sugnaaday idinkana wiilal. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:40 أَمْ تَسْـَٔلُهُمْ أَجْرًا فَهُم مِّن مَّغْرَمٍ مُّثْقَلُونَ
52:40 Mise waxaad warsan Nabiyow ujuuro, oo markaas ku cuslaatay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:41 أَمْ عِندَهُمُ ٱلْغَيْبُ فَهُمْ يَكْتُبُونَ
52:41 Mise waxa maqanbaa agtooda ah oo ay qoraan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:42 أَمْ يُرِيدُونَ كَيْدًا ۖ فَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ هُمُ ٱلْمَكِيدُونَ
52:42 Mise Dhagar Bay Rabaan, kuwa gaaloobay iyagaa dhakran. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:43 أَمْ لَهُمْ إِلَـٰهٌ غَيْرُ ٱللَّهِ ۚ سُبْحَـٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يُشْرِكُونَ
52:43 Mise Ilaah Eebe ka soo hadlay leeyhiin, Eebaa ka fog waxay la wadaajiyeen «Ilaah-nimada». - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:44 وَإِن يَرَوْا۟ كِسْفًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ سَاقِطًا يَقُولُوا۟ سَحَابٌ مَّرْكُومٌ
52:44 Hadday arkaan goosin ka mid ah Samada oo soo dhacaysa waxay odhan waa Daruuro is dulsaaran (madax adayg dartiis). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:45 فَذَرْهُمْ حَتَّىٰ يُلَـٰقُوا۟ يَوْمَهُمُ ٱلَّذِى فِيهِ يُصْعَقُونَ
52:45 Ee iskaga tag Nabiyow intay kala kulmaan maalinta dhexdeeda lagu halaagi doono. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:46 يَوْمَ لَا يُغْنِى عَنْهُمْ كَيْدُهُمْ شَيْـًٔا وَلَا هُمْ يُنصَرُونَ
52:46 Maalinta ayan dhagartoodu wax u taraynin wax u gargaarana uusan jirin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:47 وَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ عَذَابًا دُونَ ذَٰلِكَ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ
52:47 Kuwa xad gudbay waxaa u sugnaaday caddibaad ka sokaysa (Qiyaamada), laakiin badankoodu ma oga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:48 وَٱصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ فَإِنَّكَ بِأَعْيُنِنَا ۖ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ حِينَ تَقُومُ
52:48 Ee ku samir xukunka Eebahaa (Nabiyow) annagaa ku ilaalinaynee, kuna; tasbiixso oo ku mahadi Eebahaa markaad kici. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

52:49 وَمِنَ ٱلَّيْلِ فَسَبِّحْهُ وَإِدْبَـٰرَ ٱلنُّجُومِ
52:49 Habeenka qaarkiisna tuko, iyo marka xiddiguhu jeedsadaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)