Selected

Original Text
Mahmud Muhammad Abduh

Available Translations

53 An-Najm ٱلنَّجْم

< Previous   62 Āyah   The Star      Next >  

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.

53:1 وَٱلنَّجْمِ إِذَا هَوَىٰ
53:1 Wuxuu ku dhaartay (Eebe) Xiddiggu markuu hoobto. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:2 مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمْ وَمَا غَوَىٰ
53:2 Ee saaxiibkiin (Nabigu) ma dhumin, xaqana kama leexan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:3 وَمَا يَنطِقُ عَنِ ٱلْهَوَىٰٓ
53:3 Kumana hadlo hawadiisa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:4 إِنْ هُوَ إِلَّا وَحْىٌ يُوحَىٰ
53:4 quraankuna waxaan waxyi Eebe ahayn ma aha. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:5 عَلَّمَهُۥ شَدِيدُ ٱلْقُوَىٰ
53:5 Waxaana wax baray (oo xagga Eebe ka soo gaadhsiiyay) ku xoog wayn, (Malaku Jibriil). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:6 ذُو مِرَّةٍ فَٱسْتَوَىٰ
53:6 Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuriddiisuna egtahay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:7 وَهُوَ بِٱلْأُفُقِ ٱلْأَعْلَىٰ
53:7 Wuxuu joogay jihadii sare (Jibriil). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:8 ثُمَّ دَنَا فَتَدَلَّىٰ
53:8 Kaddibna u soo dhawaaday kuna soo hoobtay (Nabiga). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:9 فَكَانَ قَابَ قَوْسَيْنِ أَوْ أَدْنَىٰ
53:9 Intuu uga jirsado Qaanso (xadhiggeed) ama ka dhaw. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:10 فَأَوْحَىٰٓ إِلَىٰ عَبْدِهِۦ مَآ أَوْحَىٰ
53:10 Wuxuuna Eebe waxyooday Addoonkiisa (Nabiga) wuxuu u waxyooday. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:11 مَا كَذَبَ ٱلْفُؤَادُ مَا رَأَىٰٓ
53:11 Qalbiguna Ma beeniyo wuxuu arkay (Nabigu). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:12 أَفَتُمَـٰرُونَهُۥ عَلَىٰ مَا يَرَىٰ
53:12 Ee ma idinkaa ka murmi «kana doodi» wuxuu arkay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:13 وَلَقَدْ رَءَاهُ نَزْلَةً أُخْرَىٰ
53:13 Dhabnimuu Nabigu u arkay Jibrill mar kale. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:14 عِندَ سِدْرَةِ ٱلْمُنتَهَىٰ
53:14 Sidratul-Muntaha agteeda. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:15 عِندَهَا جَنَّةُ ٱلْمَأْوَىٰٓ
53:15 Agteedana waxaa ah Jannatul-ma'waa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:16 إِذْ يَغْشَى ٱلسِّدْرَةَ مَا يَغْشَىٰ
53:16 (Wuxuu arkay) waqtiguu daboolayay Sidrada wax daboola. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:17 مَا زَاغَ ٱلْبَصَرُ وَمَا طَغَىٰ
53:17 Arragguna kama iilan wuxuu arkay (Nabigu) mana xadgudbin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:18 لَقَدْ رَأَىٰ مِنْ ءَايَـٰتِ رَبِّهِ ٱلْكُبْرَىٰٓ
53:18 Dhabnimo yuuna u arkay (Nabigu) Aayado Eebe oo waawayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:19 أَفَرَءَيْتُمُ ٱللَّـٰتَ وَٱلْعُزَّىٰ
53:19 Ka warrama (Sanamyada) Laata iyo Cuza. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:20 وَمَنَوٰةَ ٱلثَّالِثَةَ ٱلْأُخْرَىٰٓ
53:20 Iya Manaatadii saddexaad ee kale. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:21 أَلَكُمُ ٱلذَّكَرُ وَلَهُ ٱلْأُنثَىٰ
53:21 Idinku ma waxaad leedihiin Lab Eebana Dhaddigga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:22 تِلْكَ إِذًا قِسْمَةٌ ضِيزَىٰٓ
53:22 Taasi waa qayb dulan ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:23 إِنْ هِىَ إِلَّآ أَسْمَآءٌ سَمَّيْتُمُوهَآ أَنتُمْ وَءَابَآؤُكُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بِهَا مِن سُلْطَـٰنٍ ۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَمَا تَهْوَى ٱلْأَنفُسُ ۖ وَلَقَدْ جَآءَهُم مِّن رَّبِّهِمُ ٱلْهُدَىٰٓ
53:23 Sanammaduna magacyo aad magacowdeen idinka iyo Aabayawgiin mooyeen wax kale ma aha, wax xuja ahna Eebe uma soo dajinin, waxaan mala ahaynna ma raacayaan iyo waxa naftoodu doonto, xagga Eebana waxaa uga yimid hanuun. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:24 أَمْ لِلْإِنسَـٰنِ مَا تَمَنَّىٰ
53:24 Mise dadka waxaa u sugnaaday waxay yididiishaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:25 فَلِلَّهِ ٱلْـَٔاخِرَةُ وَٱلْأُولَىٰ
53:25 Aakhiro iyo Adduunba Eebaa iska leh. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:26 ۞ وَكَم مِّن مَّلَكٍ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ لَا تُغْنِى شَفَـٰعَتُهُمْ شَيْـًٔا إِلَّا مِنۢ بَعْدِ أَن يَأْذَنَ ٱللَّهُ لِمَن يَشَآءُ وَيَرْضَىٰٓ
53:26 Badanaa Malag Samada ku sugan oon shafeecadiisu waxba anfacaynin in Eebe idmo mooyee, Cidduu la doono oo ka raalli noqdo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:27 إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ لَيُسَمُّونَ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةَ تَسْمِيَةَ ٱلْأُنثَىٰ
53:27 Kuwa aan rumaynin Aakhiro waxay Malaa'igta ku magacaabi magac dhaddig. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:28 وَمَا لَهُم بِهِۦ مِنْ عِلْمٍ ۖ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ ۖ وَإِنَّ ٱلظَّنَّ لَا يُغْنِى مِنَ ٱلْحَقِّ شَيْـًٔا
53:28 Wax cilmi ahna uma laha, ee waxay raaci mala uun, malana xaqa wax kama taro. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:29 فَأَعْرِضْ عَن مَّن تَوَلَّىٰ عَن ذِكْرِنَا وَلَمْ يُرِدْ إِلَّا ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا
53:29 Ee iskaga jeedso (nabiyow) Ruux ka tagay xukayga (Quraanka) oon doonin waxaan nolosha Adduunka ahayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:30 ذَٰلِكَ مَبْلَغُهُم مِّنَ ٱلْعِلْمِ ۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ ٱهْتَدَىٰ
53:30 Kaasina waa garaadkooda aqooneed intuu gaadhay, Eebana waa ogyahay cidda ka dhuntay jidkiisa, waana ogyahay cidda hanuunsan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:31 وَلِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ لِيَجْزِىَ ٱلَّذِينَ أَسَـٰٓـُٔوا۟ بِمَا عَمِلُوا۟ وَيَجْزِىَ ٱلَّذِينَ أَحْسَنُوا۟ بِٱلْحُسْنَى
53:31 Samaawaadka iyo Dhulka waxa ku sugan Eebaa iska leh, si uu uga abaalmariyo kuwa xumaanta falay camalkoodii, ugana abaalmariyo kuwii wanaagga falay wanaag. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:32 ٱلَّذِينَ يَجْتَنِبُونَ كَبَـٰٓئِرَ ٱلْإِثْمِ وَٱلْفَوَٰحِشَ إِلَّا ٱللَّمَمَ ۚ إِنَّ رَبَّكَ وَٰسِعُ ٱلْمَغْفِرَةِ ۚ هُوَ أَعْلَمُ بِكُمْ إِذْ أَنشَأَكُم مِّنَ ٱلْأَرْضِ وَإِذْ أَنتُمْ أَجِنَّةٌ فِى بُطُونِ أُمَّهَـٰتِكُمْ ۖ فَلَا تُزَكُّوٓا۟ أَنفُسَكُمْ ۖ هُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ ٱتَّقَىٰٓ
53:32 Waana kuwa ka fogaada dambiga waawayn iyo xumaanta, wax yaryar mooyeen, Eebana waa waasac dambidhaafkiisu, wuuna idin ogyahay markuu idinka abuuray Dhulka iyo markaad ku asturantihiin uurka hooyadiin, ee Naftiinna ha ammaanina Eebaa og cidda dhawrsashada badane. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:33 أَفَرَءَيْتَ ٱلَّذِى تَوَلَّىٰ
53:33 Ka warrama midka xaqa ka jeedsaday. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:34 وَأَعْطَىٰ قَلِيلًا وَأَكْدَىٰٓ
53:34 Oo wax ar bixiyay inta kalana reebtay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:35 أَعِندَهُۥ عِلْمُ ٱلْغَيْبِ فَهُوَ يَرَىٰٓ
53:35 Ma agtiisaa cilmiga maqan yaallaa oo wuu arkaa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:36 أَمْ لَمْ يُنَبَّأْ بِمَا فِى صُحُفِ مُوسَىٰ
53:36 Miyaan looga warramin (dadka) wixii ku yiillay Kitaabkii (Nabi Muuse). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:37 وَإِبْرَٰهِيمَ ٱلَّذِى وَفَّىٰٓ
53:37 Iyo kii (Nabi Ibraahimkii) ee oofiyay (wixii lafaray). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:38 أَلَّا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ
53:38 Inaan nafna dambi naf kale qaadaynin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:39 وَأَن لَّيْسَ لِلْإِنسَـٰنِ إِلَّا مَا سَعَىٰ
53:39 Ruuxna wuxuusan camalfalin heleeynin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:40 وَأَنَّ سَعْيَهُۥ سَوْفَ يُرَىٰ
53:40 Camalkiisana la arki doono. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:41 ثُمَّ يُجْزَىٰهُ ٱلْجَزَآءَ ٱلْأَوْفَىٰ
53:41 Ka dibna looga abaalmarin doono si buuxda. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:42 وَأَنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلْمُنتَهَىٰ
53:42 Eebaa xaggiisana loo ahaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:43 وَأَنَّهُۥ هُوَ أَضْحَكَ وَأَبْكَىٰ
53:43 Eebe waakan wax ka qosliya kana oohiya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:44 وَأَنَّهُۥ هُوَ أَمَاتَ وَأَحْيَا
53:44 Isagaana wax dila waxna nooleeya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:45 وَأَنَّهُۥ خَلَقَ ٱلزَّوْجَيْنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلْأُنثَىٰ
53:45 Isagaana abuuray labada nooc ee ah lab iyo dhaddigba. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:46 مِن نُّطْفَةٍ إِذَا تُمْنَىٰ
53:46 Kana ahaysiiyay dhibic soo baxday. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:47 وَأَنَّ عَلَيْهِ ٱلنَّشْأَةَ ٱلْأُخْرَىٰ
53:47 Isagaana ahaysiin soo celinta kale. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:48 وَأَنَّهُۥ هُوَ أَغْنَىٰ وَأَقْنَىٰ
53:48 Eebe isagaa wax Hodmiya isagaana wax faqiiriya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:49 وَأَنَّهُۥ هُوَ رَبُّ ٱلشِّعْرَىٰ
53:49 Waana Eebaha xiddigga Shicra. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:50 وَأَنَّهُۥٓ أَهْلَكَ عَادًا ٱلْأُولَىٰ
53:50 Eebe isagaa halaagay Caadkii hore. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:51 وَثَمُودَا۟ فَمَآ أَبْقَىٰ
53:51 Iyo Thamuudba waxna kama reebin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:52 وَقَوْمَ نُوحٍ مِّن قَبْلُ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ هُمْ أَظْلَمَ وَأَطْغَىٰ
53:52 (Nabi Nuux) Qoomkiisiina horuu (uhalaagay), waxayna ahaayeen kuwa dulmi badan oo xadgudub badan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:53 وَٱلْمُؤْتَفِكَةَ أَهْوَىٰ
53:53 Qoomkii (Nabi Luudhna) wuu riday (Eebe). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:54 فَغَشَّىٰهَا مَا غَشَّىٰ
53:54 Wuxuuna ka daboolay wuxuu ku daboolay (oo caddibaad ah). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:55 فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكَ تَتَمَارَىٰ
53:55 Teebaadse nicmooyinka Eebe shakinaysaan (kana doodaysaan) dadow. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:56 هَـٰذَا نَذِيرٌ مِّنَ ٱلنُّذُرِ ٱلْأُولَىٰٓ
53:56 Kan (Nabiga iyo Quraankuba) waa dige ka mid ah digayaashii hore. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:57 أَزِفَتِ ٱلْـَٔازِفَةُ
53:57 Wayna dhawaatay Saacaddii Qiyaame. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:58 لَيْسَ لَهَا مِن دُونِ ٱللَّهِ كَاشِفَةٌ
53:58 Wax Eebe ka soo hadhay oo ogna ma jiro (markay dhici). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:59 أَفَمِنْ هَـٰذَا ٱلْحَدِيثِ تَعْجَبُونَ
53:59 Ma quraankanaad la yaabantihiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:60 وَتَضْحَكُونَ وَلَا تَبْكُونَ
53:60 Ood qoslaysaan (idinkoo beenin) oydaanna ooyeynin (cabsi darteed). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:61 وَأَنتُمْ سَـٰمِدُونَ
53:61 Idinkoo waliba hilmaansan (islana wayn). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

53:62 فَٱسْجُدُوا۟ لِلَّهِ وَٱعْبُدُوا۟ ۩
53:62 Ee dadow Eebe u sujuuda caabudana. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)