Selected

Original Text
Mahmud Muhammad Abduh

Available Translations

37 Aş-Şāffāt ٱلصَّافَّات

< Previous   182 Āyah   Those who set the Ranks      Next >  

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.

37:1 وَٱلصَّـٰٓفَّـٰتِ صَفًّا
37:1 (Waxaan ku dhaartay) malaa'igta safan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:2 فَٱلزَّٰجِرَٰتِ زَجْرًا
37:2 Iyo tan kaxaysa daruuraha. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:3 فَٱلتَّـٰلِيَـٰتِ ذِكْرًا
37:3 Iyo tan akhrida Quraanka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:4 إِنَّ إِلَـٰهَكُمْ لَوَٰحِدٌ
37:4 Ee ilaahiin waa mid (qudha). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:5 رَّبُّ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَرَبُّ ٱلْمَشَـٰرِقِ
37:5 Waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa udhaxeeya, iyo Eebaha qorrax ka soo bixidda. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:6 إِنَّا زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنْيَا بِزِينَةٍ ٱلْكَوَاكِبِ
37:6 Annagaa ku qurxinay Samada dhaw quraxda xidiga ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:7 وَحِفْظًا مِّن كُلِّ شَيْطَـٰنٍ مَّارِدٍ
37:7 Iyo ka dhowrid shaydaan kastoo madax adag. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:8 لَّا يَسَّمَّعُونَ إِلَى ٱلْمَلَإِ ٱلْأَعْلَىٰ وَيُقْذَفُونَ مِن كُلِّ جَانِبٍ
37:8 Mana dhagaystaan jameecada sare, (Malaa'igta) waxaana laga soo tuuraa dhan kasta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:9 دُحُورًا ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ وَاصِبٌ
37:9 Iyagoo la cryi oo cadaab joogta ah usugnaaday. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:10 إِلَّا مَنْ خَطِفَ ٱلْخَطْفَةَ فَأَتْبَعَهُۥ شِهَابٌ ثَاقِبٌ
37:10 Marka laga reebo mid mid dafa hadalka oo uu raaco danab ifi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:11 فَٱسْتَفْتِهِمْ أَهُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَم مَّنْ خَلَقْنَآ ۚ إِنَّا خَلَقْنَـٰهُم مِّن طِينٍ لَّازِبٍۭ
37:11 Waydii gaalada ma iyagaa ku daran abuuridda mise waxaan abuuray, annagaa ka abuurray dhoobo dhagta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:12 بَلْ عَجِبْتَ وَيَسْخَرُونَ
37:12 Waxaadse la yaabtay (beenintooda) iyaguna way jees jeesi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:13 وَإِذَا ذُكِّرُوا۟ لَا يَذْكُرُونَ
37:13 Marka la waaniyana ma waantooban. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:14 وَإِذَا رَأَوْا۟ ءَايَةً يَسْتَسْخِرُونَ
37:14 Hadday calaamo arkaana way ku jees jeesaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:15 وَقَالُوٓا۟ إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا سِحْرٌ مُّبِينٌ
37:15 Waxayna dhahaan kani waxaan sixir cad ahayn ma aha. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:16 أَءِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَـٰمًا أَءِنَّا لَمَبْعُوثُونَ
37:16 Waxayna dhahaan ma markaan dhimanno oon carro noqono iyo lafo yaa nala soo bixin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:17 أَوَءَابَآؤُنَا ٱلْأَوَّلُونَ
37:17 Ama aabayaalkannagii hore (iyagana malasoocelin). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:18 قُلْ نَعَمْ وَأَنتُمْ دَٰخِرُونَ
37:18 Waxaad dhahdaa haa waalaydin soo celin idinkoo waliba dullaysan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:19 فَإِنَّمَا هِىَ زَجْرَةٌ وَٰحِدَةٌ فَإِذَا هُمْ يَنظُرُونَ
37:19 Xaaladduna waa uun qaylo kaliya markaas, waxaa soo bixi dadkii oo wax eegi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:20 وَقَالُوا۟ يَـٰوَيْلَنَا هَـٰذَا يَوْمُ ٱلدِّينِ
37:20 Waxayna dhihi gaaladii halaagganaggee kan waa maalintii abaalmarinta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:21 هَـٰذَا يَوْمُ ٱلْفَصْلِ ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
37:21 Waxaana lagu dhihi kani waa maalintii kala bixinta ee aad beeninjirteen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:22 ۞ ٱحْشُرُوا۟ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ وَأَزْوَٰجَهُمْ وَمَا كَانُوا۟ يَعْبُدُونَ
37:22 Kulmiya kuwii daalimiinta ahaa iyo wixii la mid ahaa iyo waxay caabudijireen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:23 مِن دُونِ ٱللَّهِ فَٱهْدُوهُمْ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلْجَحِيمِ
37:23 Oo Eebe ka soo hadhay, tusiyana jidka Jaxiimo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:24 وَقِفُوهُمْ ۖ إِنَّهُم مَّسْـُٔولُونَ
37:24 Joojiyana waxbaa la waydiine. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:25 مَا لَكُمْ لَا تَنَاصَرُونَ
37:25 (Waxaana lagu dhihi) Maxaad leedihiin oydaan isugu gargaaraynin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:26 بَلْ هُمُ ٱلْيَوْمَ مُسْتَسْلِمُونَ
37:26 Saas ma aha ee maanta way isdhiibeen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:27 وَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَآءَلُونَ
37:27 Wuxuu qaabilay qaarkood qaarko kale iyago wax iswarsan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:28 قَالُوٓا۟ إِنَّكُمْ كُنتُمْ تَأْتُونَنَا عَنِ ٱلْيَمِينِ
37:28 Waxayna dhaheen kuwii waxraacay (raaciyadii) waxaa ahaydeen kuwo nooga yimaadda xaga midig (wanaaga). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:29 قَالُوا۟ بَل لَّمْ تَكُونُوا۟ مُؤْمِنِينَ
37:29 Waxay dhaheen madaxdii ma aha ee idinkaan mu'miniin ahayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:30 وَمَا كَانَ لَنَا عَلَيْكُم مِّن سُلْطَـٰنٍۭ ۖ بَلْ كُنتُمْ قَوْمًا طَـٰغِينَ
37:30 Wax xoog ah oon idin ku lahayn ma jirin waxaadse ahaydeen qoom xad gudbey. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:31 فَحَقَّ عَلَيْنَا قَوْلُ رَبِّنَآ ۖ إِنَّا لَذَآئِقُونَ
37:31 Markaasuu nagu waajibay (nagu rumoobey) hadalkii Eebe (ciqaab) waxaana dhadhaminaynaa (cadaabka). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:32 فَأَغْوَيْنَـٰكُمْ إِنَّا كُنَّا غَـٰوِينَ
37:32 Markaasaan idin dhuminay annaguna waan dhunsanayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:33 فَإِنَّهُمْ يَوْمَئِذٍ فِى ٱلْعَذَابِ مُشْتَرِكُونَ
37:33 Iyagu maalintaas cadaabkay wadaagi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:34 إِنَّا كَذَٰلِكَ نَفْعَلُ بِٱلْمُجْرِمِينَ
37:34 Annaguna saasaan kufalla dambiilayaasha. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:35 إِنَّهُمْ كَانُوٓا۟ إِذَا قِيلَ لَهُمْ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا ٱللَّهُ يَسْتَكْبِرُونَ
37:35 Waxayna ahaayeen marka lagu dhaho Eebe mooyee ilaah kale majiro kuwa iskibriya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:36 وَيَقُولُونَ أَئِنَّا لَتَارِكُوٓا۟ ءَالِهَتِنَا لِشَاعِرٍ مَّجْنُونٍۭ
37:36 Oo dhaha ma waxaan uga tagaynaa ilaahyadannada gabayaa waalan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:37 بَلْ جَآءَ بِٱلْحَقِّ وَصَدَّقَ ٱلْمُرْسَلِينَ
37:37 Saas ma ahaa ee wuxuu la yimid (Nabigu) xaq wuuna rumeeyey Rasuulladii (Eebe soodiray). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:38 إِنَّكُمْ لَذَآئِقُوا۟ ٱلْعَذَابِ ٱلْأَلِيمِ
37:38 Idinku (gaaloy) waxaaad dhadhamisaan cadaabka daran (wax xanuujiya). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:39 وَمَا تُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
37:39 Waxaan camalkiina ahayna laydinkama abaalmariyo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:40 إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلْمُخْلَصِينَ
37:40 Addoomada Eebe ee niyada san (xumaan ma arkaan). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:41 أُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ رِزْقٌ مَّعْلُومٌ
37:41 Waxayna mudan kuwaasi risqi layaqaanno (Janno). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:42 فَوَٰكِهُ ۖ وَهُم مُّكْرَمُونَ
37:42 Faakihadna way heli, iyagoo lagu sharti. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:43 فِى جَنَّـٰتِ ٱلنَّعِيمِ
37:43 Jannooyinka Naciima. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:44 عَلَىٰ سُرُرٍ مُّتَقَـٰبِلِينَ
37:44 Waxayna ku sugnaan sariiro iyagoo is qaabili. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:45 يُطَافُ عَلَيْهِم بِكَأْسٍ مِّن مَّعِينٍۭ
37:45 Waxaana lala kor socon weel laga soo buuxiyay il (Jaano). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:46 بَيْضَآءَ لَذَّةٍ لِّلشَّـٰرِبِينَ
37:46 Taasoo cad oo u macaan kuwa cabi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:47 لَا فِيهَا غَوْلٌ وَلَا هُمْ عَنْهَا يُنزَفُونَ
37:47 Mana laha caqli qaadid iyo waalli midna (Khamrada Jannada). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:48 وَعِندَهُمْ قَـٰصِرَٰتُ ٱلطَّرْفِ عِينٌ
37:48 Agtoodana waxaa ahaan haween dhoowsoon oo indha waaweyn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:49 كَأَنَّهُنَّ بَيْضٌ مَّكْنُونٌ
37:49 Ood moodo ukun la dhowray. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:50 فَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَآءَلُونَ
37:50 Wuxuuna qaabilay qaarkood qaarka kale (ehelo Jannaha) iyagoo wax iswaydiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:51 قَالَ قَآئِلٌ مِّنْهُمْ إِنِّى كَانَ لِى قَرِينٌ
37:51 Wuxuuna dhihi mid hadlay oo ka mid ah waxaan kulahaa (adduunkii) saaxiih. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:52 يَقُولُ أَءِنَّكَ لَمِنَ ٱلْمُصَدِّقِينَ
37:52 Dhihi jiray adigu mawaxaad ka mid tahay kuwa rumeeyay (soobixinta). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:53 أَءِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَـٰمًا أَءِنَّا لَمَدِينُونَ
37:53 Ma markaan dhimana oon carro noqono iyo lafo yaa nala abaalmarin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:54 قَالَ هَلْ أَنتُم مُّطَّلِعُونَ
37:54 Wuxuuna dhihi mayla dayeeysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:55 فَٱطَّلَعَ فَرَءَاهُ فِى سَوَآءِ ٱلْجَحِيمِ
37:55 Markaasu dayaa kuna arkaa jaxiima dhexdeeda. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:56 قَالَ تَٱللَّهِ إِن كِدتَّ لَتُرْدِينِ
37:56 Wuxuuna dhahaa Eebaan kudhaartayee waxaad udhaweyd inaad ihalaagto (idhumiso). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:57 وَلَوْلَا نِعْمَةُ رَبِّى لَكُنتُ مِنَ ٱلْمُحْضَرِينَ
37:57 Haddayna Nicmada Eebe jirinna waxaan ahaan lahaa kuwa lagu soo kulmiyay (naarta). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:58 أَفَمَا نَحْنُ بِمَيِّتِينَ
37:58 (Waxayna dhahaan ehelu jannuhu) miyeynaandhimaneynin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:59 إِلَّا مَوْتَتَنَا ٱلْأُولَىٰ وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ
37:59 Geerideenii hore mooyee laynama cadaabayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:60 إِنَّ هَـٰذَا لَهُوَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ
37:60 Taasina waa uun liibaanta wayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:61 لِمِثْلِ هَـٰذَا فَلْيَعْمَلِ ٱلْعَـٰمِلُونَ
37:61 Ee taasoo kale ha faleen kuwa camal fali. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:62 أَذَٰلِكَ خَيْرٌ نُّزُلًا أَمْ شَجَرَةُ ٱلزَّقُّومِ
37:62 Mataasaa marti qaad u fiican (Jannada) mise geedii zaquum (xumeyd). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:63 إِنَّا جَعَلْنَـٰهَا فِتْنَةً لِّلظَّـٰلِمِينَ
37:63 Annagaa uga yeelay fitno (imtixaan) daalimiinta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:64 إِنَّهَا شَجَرَةٌ تَخْرُجُ فِىٓ أَصْلِ ٱلْجَحِيمِ
37:64 Waana geed kasoobaxda gunta jaxiimo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:65 طَلْعُهَا كَأَنَّهُۥ رُءُوسُ ٱلشَّيَـٰطِينِ
37:65 Midhaheeduna waxaad moodaa madaxyo shaydaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:66 فَإِنَّهُمْ لَـَٔاكِلُونَ مِنْهَا فَمَالِـُٔونَ مِنْهَا ٱلْبُطُونَ
37:66 Iyaguna (ehelu naarku) waxbay ka cunaan, waxayne ka buuxiyaan caloosha. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:67 ثُمَّ إِنَّ لَهُمْ عَلَيْهَا لَشَوْبًا مِّنْ حَمِيمٍ
37:67 Waxayna kalooy mudan dheehid biyo kulayl daran. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:68 ثُمَّ إِنَّ مَرْجِعَهُمْ لَإِلَى ٱلْجَحِيمِ
37:68 Markaas waxay ku noqon jaxiimo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:69 إِنَّهُمْ أَلْفَوْا۟ ءَابَآءَهُمْ ضَآلِّينَ
37:69 Waxay heleen aabayaalkood oo baadi ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:70 فَهُمْ عَلَىٰٓ ءَاثَـٰرِهِمْ يُهْرَعُونَ
37:70 Iyaguna raadkoodii bay ku dag dagi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:71 وَلَقَدْ ضَلَّ قَبْلَهُمْ أَكْثَرُ ٱلْأَوَّلِينَ
37:71 Waxaa dhab ahaan u dhumay hortood badi kuwii hore. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:72 وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا فِيهِم مُّنذِرِينَ
37:72 Waxaana udiraydhexdooda udigayaal. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:73 فَٱنظُرْ كَيْفَ كَانَ عَـٰقِبَةُ ٱلْمُنذَرِينَ
37:73 Ee eeg siday noqotay cidhibtii kuwii loo digay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:74 إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلْمُخْلَصِينَ
37:74 Hasa yeeshee addoomadii Eebe ee niyada samaa (cadaab ma arkaan). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:75 وَلَقَدْ نَادَىٰنَا نُوحٌ فَلَنِعْمَ ٱلْمُجِيبُونَ
37:75 Waxaa dhabahaan noogudhawaaqay (beryey) Nabi nuux, Cid wax ajiibana (maqlana) annagaa u fiican. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:76 وَنَجَّيْنَـٰهُ وَأَهْلَهُۥ مِنَ ٱلْكَرْبِ ٱلْعَظِيمِ
37:76 Waxaana Ka korinay isaga iyo ehelkiisiiba shidadii waynayd (maanshayntii). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:77 وَجَعَلْنَا ذُرِّيَّتَهُۥ هُمُ ٱلْبَاقِينَ
37:77 Waxaana ka yeelay faraciisii kuwa soo hadhay uun. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:78 وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِى ٱلْـَٔاخِرِينَ
37:78 Waxaana ugu reebnay kuwo dambeeya (amaan ah). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:79 سَلَـٰمٌ عَلَىٰ نُوحٍ فِى ٱلْعَـٰلَمِينَ
37:79 NabadGalyo Nuux korkiisa adduunyada ha udhex ahaato. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:80 إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ
37:80 Saasaana ku abaal marinaa samafalayaalka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:81 إِنَّهُۥ مِنْ عِبَادِنَا ٱلْمُؤْمِنِينَ
37:81 Wuxuuna ka midyahay addomadannada rumeeyay (xaqa). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:82 ثُمَّ أَغْرَقْنَا ٱلْـَٔاخَرِينَ
37:82 Markaasaan maanshaynay kuwii kale, - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:83 ۞ وَإِنَّ مِن شِيعَتِهِۦ لَإِبْرَٰهِيمَ
37:83 Waxaa kamid ah gargaarayaashiisa (Jidkiisaqaaday) Nabi Ibrahim. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:84 إِذْ جَآءَ رَبَّهُۥ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ
37:84 Markuu ula yimid Eebihiis qalbi fayow (xaq rumeeyey). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:85 إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِۦ مَاذَا تَعْبُدُونَ
37:85 Markuu ku yidhi Aabihiis iyo qoomkiisii maxaad caabudaysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:86 أَئِفْكًا ءَالِهَةً دُونَ ٱللَّهِ تُرِيدُونَ
37:86 Ma been abuurasho yaad ilaahyo Eebe ka soo hadhay u dooranaysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:87 فَمَا ظَنُّكُم بِرَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
37:87 Maxaadse ka maleysaneysaan Eebaha Calaamka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:88 فَنَظَرَ نَظْرَةً فِى ٱلنُّجُومِ
37:88 Markaasuu eegay Nabi Ibraahim xiddigaha. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:89 فَقَالَ إِنِّى سَقِيمٌ
37:89 Wuxuuna yidhi waan bukaa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:90 فَتَوَلَّوْا۟ عَنْهُ مُدْبِرِينَ
37:90 Markaasay katageen kana jeedsadeen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:91 فَرَاغَ إِلَىٰٓ ءَالِهَتِهِمْ فَقَالَ أَلَا تَأْكُلُونَ
37:91 Markaasuu aaday Ilaahyaalkoodii (sanamyadii) wuxuuna ku yidhi miyeydaan (wax) cunayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:92 مَا لَكُمْ لَا تَنطِقُونَ
37:92 Maxaad leedihiin oydaan la hadlaynin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:93 فَرَاغَ عَلَيْهِمْ ضَرْبًۢا بِٱلْيَمِينِ
37:93 Markaasuu foorariyay midigta oo ku garaacay - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:94 فَأَقْبَلُوٓا۟ إِلَيْهِ يَزِفُّونَ
37:94 Wayna soo qaabileeen gaaladii xaggiisa iyagoo dag dagi. (markuu jajabiyay). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:95 قَالَ أَتَعْبُدُونَ مَا تَنْحِتُونَ
37:95 Wuxuuna ka yidhi ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (sameyseen). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:96 وَٱللَّهُ خَلَقَكُمْ وَمَا تَعْمَلُونَ
37:96 Eebaana idin abuuray idinka iyo waxaad camalfalaysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:97 قَالُوا۟ ٱبْنُوا۟ لَهُۥ بُنْيَـٰنًا فَأَلْقُوهُ فِى ٱلْجَحِيمِ
37:97 Waxayna dhaheen u dhisa meel (dab lagushido) kuna tuura Jaxiimo (dabka). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:98 فَأَرَادُوا۟ بِهِۦ كَيْدًا فَجَعَلْنَـٰهُمُ ٱلْأَسْفَلِينَ
37:98 Waxay la dooneen dhagar iyagaana ka yeellay kuwo hooseeya (laga adkaaday). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:99 وَقَالَ إِنِّى ذَاهِبٌ إِلَىٰ رَبِّى سَيَهْدِينِ
37:99 Wuxuu yidhi anigu waxaan aadi Eebahay (hijro) wuuna i toosin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:100 رَبِّ هَبْ لِى مِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ
37:100 Eebow wax iga sii kuwa suuban (ilmo). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:101 فَبَشَّرْنَـٰهُ بِغُلَـٰمٍ حَلِيمٍ
37:101 Waxaana ugu bishaaraynay wiil dabeeco. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:102 فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ ٱلسَّعْىَ قَالَ يَـٰبُنَىَّ إِنِّىٓ أَرَىٰ فِى ٱلْمَنَامِ أَنِّىٓ أَذْبَحُكَ فَٱنظُرْ مَاذَا تَرَىٰ ۚ قَالَ يَـٰٓأَبَتِ ٱفْعَلْ مَا تُؤْمَرُ ۖ سَتَجِدُنِىٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلصَّـٰبِرِينَ
37:102 Markuu ku gaadhay agtiisa socod wuxuu ku yidhi Nabi Ibraahim wiilayow waxaan ku arkay hurdada anoo ku gawrici ee eeg waxaad fali, wuxuuna yidhi aabow samee waxa lagu faray waxaad heli hadduu Eebe doono inaan kamidnoqdo kuwa samree. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:103 فَلَمَّآ أَسْلَمَا وَتَلَّهُۥ لِلْجَبِينِ
37:103 Markay hogaansameen oos u lagday wajiga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:104 وَنَـٰدَيْنَـٰهُ أَن يَـٰٓإِبْرَٰهِيمُ
37:104 Yaan udhawaaqnay Ibraahimow. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:105 قَدْ صَدَّقْتَ ٱلرُّءْيَآ ۚ إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ
37:105 Dhab ahaan baad ugu rumeysay riyadii, sasaana ku abaalmarinaa samafalayaasha. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:106 إِنَّ هَـٰذَا لَهُوَ ٱلْبَلَـٰٓؤُا۟ ٱلْمُبِينُ
37:106 Taasina waa imtixaan muuqda (oo weyn). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:107 وَفَدَيْنَـٰهُ بِذِبْحٍ عَظِيمٍ
37:107 Waxaana ku furanay loog weyn (wan). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:108 وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِى ٱلْـَٔاخِرِينَ
37:108 Waxaana ugaga tagnay (ugureebnay) kuwa dame. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:109 سَلَـٰمٌ عَلَىٰٓ إِبْرَٰهِيمَ
37:109 Nabadgalyo (salaan) Nabi Ibraahim korkiisa ha ahaato. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:110 كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ
37:110 Saasaana ku abaal marinaa samofalayaasha. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:111 إِنَّهُۥ مِنْ عِبَادِنَا ٱلْمُؤْمِنِينَ
37:111 Wuxuu ka mid ahaa addoomadanada mu'miniinta ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:112 وَبَشَّرْنَـٰهُ بِإِسْحَـٰقَ نَبِيًّا مِّنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ
37:112 Waxaan ugu bishaaraynay Isxaaq oo Nabi suuban ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:113 وَبَـٰرَكْنَا عَلَيْهِ وَعَلَىٰٓ إِسْحَـٰقَ ۚ وَمِن ذُرِّيَّتِهِمَا مُحْسِنٌ وَظَالِمٌ لِّنَفْسِهِۦ مُبِينٌ
37:113 Waana barakaynay Ibraahim iyo Isxaaqba, waxaana ka mid ah faracooda mid samagala iyo mid naftiisa si cad u dulmiya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:114 وَلَقَدْ مَنَنَّا عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَـٰرُونَ
37:114 Dhab ahaan yaan ugu mannaysanay (ugunicmeeynay) Nabi Muuse iyo NabiHaruun (Nabinimo). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:115 وَنَجَّيْنَـٰهُمَا وَقَوْمَهُمَا مِنَ ٱلْكَرْبِ ٱلْعَظِيمِ
37:115 Waana ka korinay iyaga iyo Qoomkooda dhibaatadii waynayd. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:116 وَنَصَرْنَـٰهُمْ فَكَانُوا۟ هُمُ ٱلْغَـٰلِبِينَ
37:116 Waana u gargaaray, waxayna noqdeen kuwo adkaaday (sareeyey). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:117 وَءَاتَيْنَـٰهُمَا ٱلْكِتَـٰبَ ٱلْمُسْتَبِينَ
37:117 waxaana siinay Kitaabkii caddaa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:118 وَهَدَيْنَـٰهُمَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلْمُسْتَقِيمَ
37:118 Waxaana ku hanuuninay Jidka toosan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:119 وَتَرَكْنَا عَلَيْهِمَا فِى ٱلْـَٔاخِرِينَ
37:119 Waxaana ugu dhaafnay dadka dambe, (amaan ah). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:120 سَلَـٰمٌ عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَـٰرُونَ
37:120 Nabadgalyo ha ahaato Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun korkooda. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:121 إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ
37:121 Saasaan ku abaalmarinaa kuwa wanaagga fala, - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:122 إِنَّهُمَا مِنْ عِبَادِنَا ٱلْمُؤْمِنِينَ
37:122 Waxayna ka midyihiin addoomadanada mu'miniinta ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:123 وَإِنَّ إِلْيَاسَ لَمِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ
37:123 Ilyaasna Wuxuu ka mid ahaa Rasuullada. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:124 إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِۦٓ أَلَا تَتَّقُونَ
37:124 Markuu ku yidhi qoomkiisii miyeydaan dhawsaneyn (Eebe kayaabayn). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:125 أَتَدْعُونَ بَعْلًا وَتَذَرُونَ أَحْسَنَ ٱلْخَـٰلِقِينَ
37:125 Mawaxaad baryeysaan Bacli (Sanam) ood ka tagaysaan Eebaha abuurka wanaajiya. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:126 ٱللَّهَ رَبَّكُمْ وَرَبَّ ءَابَآئِكُمُ ٱلْأَوَّلِينَ
37:126 Ee ah Eebihiina iyo Eebaha aabayaalkiinii hore. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:127 فَكَذَّبُوهُ فَإِنَّهُمْ لَمُحْضَرُونَ
37:127 Markaasay beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (Cadaab). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:128 إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلْمُخْلَصِينَ
37:128 Laakiin adoomada Eebe ee niyada san (waxay lakulmi khayr). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:129 وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِى ٱلْـَٔاخِرِينَ
37:129 Waxaana ugu reebnay dadka danbe (amaan ah). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:130 سَلَـٰمٌ عَلَىٰٓ إِلْ يَاسِينَ
37:130 Nabadgalyo ha ahaato Ilyaas korkiisa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:131 إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ
37:131 Saasaana ku abaalmarinaa kuwa sama fala. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:132 إِنَّهُۥ مِنْ عِبَادِنَا ٱلْمُؤْمِنِينَ
37:132 Wuxuuna ka midyahay adoomadanada mu'miniinta ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:133 وَإِنَّ لُوطًا لَّمِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ
37:133 Nabi luudhna wuxuu ka mid ahaa rasuulada (la diray). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:134 إِذْ نَجَّيْنَـٰهُ وَأَهْلَهُۥٓ أَجْمَعِينَ
37:134 Xus markaan korinay isaga iyo ehelkiisaba dhamaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:135 إِلَّا عَجُوزًا فِى ٱلْغَـٰبِرِينَ
37:135 marka laga reebo Cajuuso (haweeneydiisii) oo ku hadhay halaaga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:136 ثُمَّ دَمَّرْنَا ٱلْـَٔاخَرِينَ
37:136 Ka dibna waxaan halaagnay intii kale. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:137 وَإِنَّكُمْ لَتَمُرُّونَ عَلَيْهِم مُّصْبِحِينَ
37:137 Idinkuna (reer makaad) waxaad martaan dhulkoodii waabariga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:138 وَبِٱلَّيْلِ ۗ أَفَلَا تَعْقِلُونَ
37:138 Iyo Habeenkaba ee miyeydaan wax kasaynin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:139 وَإِنَّ يُونُسَ لَمِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ
37:139 Nabi Yuunusna wuxuu ka mid ahaa Rasuulladii (ladiray). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:140 إِذْ أَبَقَ إِلَى ٱلْفُلْكِ ٱلْمَشْحُونِ
37:140 Xus markuu kudhuuntay (kucaray) Doontii buuxday. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:141 فَسَاهَمَ فَكَانَ مِنَ ٱلْمُدْحَضِينَ
37:141 Oo uu qoriritay nodayna mid laga reeyey. (Baddana lagu tuuray). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:142 فَٱلْتَقَمَهُ ٱلْحُوتُ وَهُوَ مُلِيمٌ
37:142 Kalluunna liqay isagoo ladagaalay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:143 فَلَوْلَآ أَنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلْمُسَبِّحِينَ
37:143 Hadduusan noqonin kuwa Eebe u tasbiixsada (xusa). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:144 لَلَبِثَ فِى بَطْنِهِۦٓ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ
37:144 Wuxuu kanagaan lahaa calooshiisa tan iyo maalinta lasoo bixin dadka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:145 ۞ فَنَبَذْنَـٰهُ بِٱلْعَرَآءِ وَهُوَ سَقِيمٌ
37:145 Waxaana kutuuray banaan cidla ah isagoo buka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:146 وَأَنۢبَتْنَا عَلَيْهِ شَجَرَةً مِّن يَقْطِينٍ
37:146 Waxaana ka soo bixinay korkiisa Geedka yaqdhiinka ah (hadhayn darteed). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:147 وَأَرْسَلْنَـٰهُ إِلَىٰ مِا۟ئَةِ أَلْفٍ أَوْ يَزِيدُونَ
37:147 Waxaana u diray Boqolkun oo dad ah ama ka badan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:148 فَـَٔامَنُوا۟ فَمَتَّعْنَـٰهُمْ إِلَىٰ حِينٍ
37:148 Wayna rumeeyeen, waxaana uraaxaynay (sugnay) tan iyo mudo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:149 فَٱسْتَفْتِهِمْ أَلِرَبِّكَ ٱلْبَنَاتُ وَلَهُمُ ٱلْبَنُونَ
37:149 Waydii gaalada, in Eebahaa gabdho yeeshay iyaguna Wiilal. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:150 أَمْ خَلَقْنَا ٱلْمَلَـٰٓئِكَةَ إِنَـٰثًا وَهُمْ شَـٰهِدُونَ
37:150 Mise waxaan abuuray malaa'igta oo dhadig iyaguna ay Joogeen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:151 أَلَآ إِنَّهُم مِّنْ إِفْكِهِمْ لَيَقُولُونَ
37:151 Taasi waa been abuurshadoodii ay dhahayeen. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:152 وَلَدَ ٱللَّهُ وَإِنَّهُمْ لَكَـٰذِبُونَ
37:152 Eeba waa dhalay waana beenaalayaal. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:153 أَصْطَفَى ٱلْبَنَاتِ عَلَى ٱلْبَنِينَ
37:153 Ma wuxuu ka doortay gabdho wilasha. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:154 مَا لَكُمْ كَيْفَ تَحْكُمُونَ
37:154 Maxaa idiinku wacan ood sidaas u xukumaysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:155 أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
37:155 Miyeeydaan wax xusuusaneyn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:156 أَمْ لَكُمْ سُلْطَـٰنٌ مُّبِينٌ
37:156 Mise waxaa idiin sugnaatay xujo cad. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:157 فَأْتُوا۟ بِكِتَـٰبِكُمْ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ
37:157 Keena Kitaabkiina (cadayn) hadaad runlayaaltihiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:158 وَجَعَلُوا۟ بَيْنَهُۥ وَبَيْنَ ٱلْجِنَّةِ نَسَبًا ۚ وَلَقَدْ عَلِمَتِ ٱلْجِنَّةُ إِنَّهُمْ لَمُحْضَرُونَ
37:158 Waxay yeeleen gaaladu Eebe iyo Jinniga dhexdooda (qaraabo) nasab, Jinniguna dhabahaanbuu u ogyahay in gaalada lakeeni (qiyaamada). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:159 سُبْحَـٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ
37:159 Eebaa kanasahan (kadheer) waxay ku tilmaamayaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:160 إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلْمُخْلَصِينَ
37:160 Laakin adoomada Eebe ee niyada suubiyey (Waa ka fogyihiin xumaan). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:161 فَإِنَّكُمْ وَمَا تَعْبُدُونَ
37:161 Idinka iyo waxaad caabudaysaan (gaalooy). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:162 مَآ أَنتُمْ عَلَيْهِ بِفَـٰتِنِينَ
37:162 Waxaa ka fidmaysaan (dhumisaan) Eebe. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:163 إِلَّا مَنْ هُوَ صَالِ ٱلْجَحِيمِ
37:163 Marka laga reebo kuwagali jaxiimo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:164 وَمَا مِنَّآ إِلَّا لَهُۥ مَقَامٌ مَّعْلُومٌ
37:164 Ruuxkastoo nagamid ah (malaa'igta) wuxuuleeyahay meel lagu yaqaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:165 وَإِنَّا لَنَحْنُ ٱلصَّآفُّونَ
37:165 Waana safannahay (cibaado darteed). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:166 وَإِنَّا لَنَحْنُ ٱلْمُسَبِّحُونَ
37:166 Waana tasbiixsanaa (qadarinEebe). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:167 وَإِن كَانُوا۟ لَيَقُولُونَ
37:167 Waxayna ahaayeen gaaladu kuwii dhaha. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:168 لَوْ أَنَّ عِندَنَا ذِكْرًا مِّنَ ٱلْأَوَّلِينَ
37:168 Hadduu yahay agtanada xuskii (warkii) kuwii hore (Kitaab). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:169 لَكُنَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلْمُخْلَصِينَ
37:169 Waxaan noqonlahayn addoomaha Eebe ee suuban. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:170 فَكَفَرُوا۟ بِهِۦ ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ
37:170 Wayse ka gaaloobeen Kitaabkii (quraanka) wayna ogaandoonaan (waxa ku dhaca). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:171 وَلَقَدْ سَبَقَتْ كَلِمَتُنَا لِعِبَادِنَا ٱلْمُرْسَلِينَ
37:171 Dhab ahaanbuu ugu hormaray yaboohannagii adoomahan nagii aan diray (Rasuuladii). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:172 إِنَّهُمْ لَهُمُ ٱلْمَنصُورُونَ
37:172 In iyaga uun loo gargaari. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:173 وَإِنَّ جُندَنَا لَهُمُ ٱلْغَـٰلِبُونَ
37:173 Iyo in junuudanada (xaqa raacay) ay adkaan (Guuleysan), - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:174 فَتَوَلَّ عَنْهُمْ حَتَّىٰ حِينٍ
37:174 Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:175 وَأَبْصِرْهُمْ فَسَوْفَ يُبْصِرُونَ
37:175 Fiirina iyaguna wayfiirin doonaane (waxa kudhaca). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:176 أَفَبِعَذَابِنَا يَسْتَعْجِلُونَ
37:176 Macadaabkanagay (Gaaladu) dadajisan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:177 فَإِذَا نَزَلَ بِسَاحَتِهِمْ فَسَآءَ صَبَاحُ ٱلْمُنذَرِينَ
37:177 Markuu ku dago cadaabku ardaagooda waxaa xumaan subaxa kuwa loodigay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:178 وَتَوَلَّ عَنْهُمْ حَتَّىٰ حِينٍ
37:178 Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:179 وَأَبْصِرْ فَسَوْفَ يُبْصِرُونَ
37:179 Fiirina iyaguna wayfiirindoonaane (waxa kudhaca). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:180 سُبْحَـٰنَ رَبِّكَ رَبِّ ٱلْعِزَّةِ عَمَّا يَصِفُونَ
37:180 Waxaana kanasahan Eebahaaga sharafta leh waxay kutilmaarnaan gaaladu (oo xun). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:181 وَسَلَـٰمٌ عَلَى ٱلْمُرْسَلِينَ
37:181 Nabadgalyana ha ahaato Rasuuladii korkooda. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

37:182 وَٱلْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
37:182 Mahadna waxaa iskaleh Eebaha (Barbaariyaha) Caalamka ah. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)