Selected
Original Text
Mahmud Muhammad Abduh
Abdullah Yusuf Ali
Abdul Majid Daryabadi
Abul Ala Maududi
Ahmed Ali
Ahmed Raza Khan
A. J. Arberry
Ali Quli Qarai
Hasan al-Fatih Qaribullah and Ahmad Darwish
Mohammad Habib Shakir
Mohammed Marmaduke William Pickthall
Muhammad Sarwar
Muhammad Taqi-ud-Din al-Hilali and Muhammad Muhsin Khan
Safi-ur-Rahman al-Mubarakpuri
Saheeh International
Talal Itani
Transliteration
Wahiduddin Khan
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.
74:1
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْمُدَّثِّرُ
74:1
(Nabiga) Isadadayow. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:2
قُمْ فَأَنذِرْ
74:2
Istaag oo dig. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:3
وَرَبَّكَ فَكَبِّرْ
74:3
Eebahaana waynee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:4
وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ
74:4
Dharkaagana daahiri. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:5
وَٱلرُّجْزَ فَٱهْجُرْ
74:5
Xumuuntana ka hijroo (iyo Sanamyada). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:6
وَلَا تَمْنُن تَسْتَكْثِرُ
74:6
Hana ku mannaysan Adoo Badsan (waxaad Bixisay). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:7
وَلِرَبِّكَ فَٱصْبِرْ
74:7
Eebahaa Dartiisna u Samir. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:8
فَإِذَا نُقِرَ فِى ٱلنَّاقُورِ
74:8
Marka Suurka (yiaame) la Afuufo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:9
فَذَٰلِكَ يَوْمَئِذٍ يَوْمٌ عَسِيرٌ
74:9
Maalintaasu waa maalin ku Daran. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:10
عَلَى ٱلْكَـٰفِرِينَ غَيْرُ يَسِيرٍ
74:10
Gaalada oon u Fududayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:11
ذَرْنِى وَمَنْ خَلَقْتُ وَحِيدًا
74:11
Isukaanna daa Aniga iyo kaan Abuuray isaga oo kaligiisa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:12
وَجَعَلْتُ لَهُۥ مَالًا مَّمْدُودًا
74:12
Una yeelay Xoolo Badan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:13
وَبَنِينَ شُهُودًا
74:13
Iyo Wilaal Jooga oo «Darban». - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:14
وَمَهَّدتُّ لَهُۥ تَمْهِيدًا
74:14
Aan una waasiciyay Risqiga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:15
ثُمَّ يَطْمَعُ أَنْ أَزِيدَ
74:15
Oo haddana sii damci inaan u Badiyo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:16
كَلَّآ ۖ إِنَّهُۥ كَانَ لِـَٔايَـٰتِنَا عَنِيدًا
74:16
Saas ma aha, ee kaas wuxuu diiday Aayaadkannaga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:17
سَأُرْهِقُهُۥ صَعُودًا
74:17
Waxaana ku kalligi (Ku Dhibi) Cadaab daran. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:18
إِنَّهُۥ فَكَّرَ وَقَدَّرَ
74:18
Gaalkaasu wuu Fikiray waxbuuna Goostay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:19
فَقُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ
74:19
Waxaana loo Lacnaday Siduu wax u goostay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:20
ثُمَّ قُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ
74:20
Haddana waxaa loo Lacnaday siduu wax u goostay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:21
ثُمَّ نَظَرَ
74:21
Kadib wuxuu eebay (si uu Quraanka u wax yeeleeyo). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:22
ثُمَّ عَبَسَ وَبَسَرَ
74:22
Wuuna Waji Macbuusay oo Uruuriyay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:23
ثُمَّ أَدْبَرَ وَٱسْتَكْبَرَ
74:23
Markaasuu jeedsaday oo is Kibriyay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:24
فَقَالَ إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا سِحْرٌ يُؤْثَرُ
74:24
Isagoo Dhihi quraankani ma aha waxaan sixir la soo Guuriyay ahayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:25
إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا قَوْلُ ٱلْبَشَرِ
74:25
quraankani ma aha waxaan hadal Bashar ahayn. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:26
سَأُصْلِيهِ سَقَرَ
74:26
waxaannu galin kaas (Naarta) saqara. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:27
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا سَقَرُ
74:27
Ma taqaannaa Naarta Saqara. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:28
لَا تُبْقِى وَلَا تَذَرُ
74:28
Hilib iyo laf midna ma Reebto. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:29
لَوَّاحَةٌ لِّلْبَشَرِ
74:29
waxayna Doorisaa jidhka (oy Gubtaa). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:30
عَلَيْهَا تِسْعَةَ عَشَرَ
74:30
waxaana kor jooga (ka shaqeeya) sagaal iyo toban malag (ama saf). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:31
وَمَا جَعَلْنَآ أَصْحَـٰبَ ٱلنَّارِ إِلَّا مَلَـٰٓئِكَةً ۙ وَمَا جَعَلْنَا عِدَّتَهُمْ إِلَّا فِتْنَةً لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِيَسْتَيْقِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ وَيَزْدَادَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِيمَـٰنًا ۙ وَلَا يَرْتَابَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ وَٱلْمُؤْمِنُونَ ۙ وَلِيَقُولَ ٱلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِم مَّرَضٌ وَٱلْكَـٰفِرُونَ مَاذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِهَـٰذَا مَثَلًا ۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِى مَن يَشَآءُ ۚ وَمَا يَعْلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَ ۚ وَمَا هِىَ إِلَّا ذِكْرَىٰ لِلْبَشَرِ
74:31
Ugama Aannaan yeelin naarta kuwa ka shaqeeya malaa'ig, tirana uma aannaan yeelin inay Gaaladu ku fidnoobaan Mooyeen, iyo inay yaqiin sadaan kuwa Kitaabka la siiyay, iyo inay kordhistaan kuwii xaqa Rumeeyay Iimaan, ayna shakiyiinna kuwii Kitaab- ka la siiyay iyo Mu'miniintu, iyo inay Dhahaan kuwa Qalbiga ka buka iyo Gaaladu Eebe muxuu uga Jeedaa Tusaalahan, saasaa Eebe u dhumiyaa Ruuxuu Doono, una Hanuuniyaa Ruuxuu Doono, wax og junuuda Eebe oon isaga Ahaynna ma jiro, waxaan la soo Sheegayna ma aha waano Dadka Mooyee. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:32
كَلَّا وَٱلْقَمَرِ
74:32
Waxaa sugan dayaxa ku Dhaartaye. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:33
وَٱلَّيْلِ إِذْ أَدْبَرَ
74:33
Iyo Habeenku Markuu Jeedsado. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:34
وَٱلصُّبْحِ إِذَآ أَسْفَرَ
74:34
Iyo Subaxu markuu iftiimo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:35
إِنَّهَا لَإِحْدَى ٱلْكُبَرِ
74:35
Ee Naarta Saqara waa waxyaalaha waawayn Midkood (Balaayooyinka). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:36
نَذِيرًا لِّلْبَشَرِ
74:36
Waana Digniinta Dadka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:37
لِمَن شَآءَ مِنكُمْ أَن يَتَقَدَّمَ أَوْ يَتَأَخَّرَ
74:37
Ruuxii Doona inuu Hormaro, iyo Ruuxii Doona inuu dib dhaco, (waa Loodigay). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:38
كُلُّ نَفْسٍۭ بِمَا كَسَبَتْ رَهِينَةٌ
74:38
Naf walba waxay u xidhantahay waxay Camal fashay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:39
إِلَّآ أَصْحَـٰبَ ٱلْيَمِينِ
74:39
Hase yeeshee kuwa Midigta mari (Ehlu khayrka). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:40
فِى جَنَّـٰتٍ يَتَسَآءَلُونَ
74:40
Waxay gali Jannooyin, waxayna iswaydiin. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:41
عَنِ ٱلْمُجْرِمِينَ
74:41
Dambiilayaasha. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:42
مَا سَلَكَكُمْ فِى سَقَرَ
74:42
Iyagoo ku dhihi Maxaa idin Galiyay Naarta saqara. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:43
قَالُوا۟ لَمْ نَكُ مِنَ ٱلْمُصَلِّينَ
74:43
Waxayna ugu Jawabi ka mid ma'aannaan ahayn kuwa Tukada. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:44
وَلَمْ نَكُ نُطْعِمُ ٱلْمِسْكِينَ
74:44
Mana aannaan ahayn kuwa Quudiya Miskiinka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:45
وَكُنَّا نَخُوضُ مَعَ ٱلْخَآئِضِينَ
74:45
Waxaana ahayn kuwa la dhumbada kuwa xumaanta Dumban. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:46
وَكُنَّا نُكَذِّبُ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ
74:46
Waxaana ahayn kuwa beeniya Maalinta Abaalmarinta (Qiyaamada). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:47
حَتَّىٰٓ أَتَىٰنَا ٱلْيَقِينُ
74:47
Ilaa ay Dhabtu Nooga Timaado (Geeridu). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:48
فَمَا تَنفَعُهُمْ شَفَـٰعَةُ ٱلشَّـٰفِعِينَ
74:48
Ma anfacayso kuwaas Shafeecada kuwa Shafeeca. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:49
فَمَا لَهُمْ عَنِ ٱلتَّذْكِرَةِ مُعْرِضِينَ
74:49
Maxaase u sugnaaday iy waanada uga Jeedsadaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:50
كَأَنَّهُمْ حُمُرٌ مُّسْتَنفِرَةٌ
74:50
ood u moodaa Dameero Diday. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:51
فَرَّتْ مِن قَسْوَرَةٍۭ
74:51
oo ka Cararay libaax. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:52
بَلْ يُرِيدُ كُلُّ ٱمْرِئٍ مِّنْهُمْ أَن يُؤْتَىٰ صُحُفًا مُّنَشَّرَةً
74:52
Haddana wuxuu dooni midkasta oo ka mida warqado Qoran (kitaab). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:53
كَلَّا ۖ بَل لَّا يَخَافُونَ ٱلْـَٔاخِرَةَ
74:53
Saas ma aha Ee kama yaabayaan Aakhiro. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:54
كَلَّآ إِنَّهُۥ تَذْكِرَةٌ
74:54
Waxaa sugan in Quraanku waana yahay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:55
فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ
74:55
Ruuxii Doona yaana waantoobi. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)
74:56
وَمَا يَذْكُرُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ ۚ هُوَ أَهْلُ ٱلتَّقْوَىٰ وَأَهْلُ ٱلْمَغْفِرَةِ
74:56
Mana Waantoobayaan in Eebe Doona Mooyee, Eebana wuxuu mutaa in laga Dhawrsado, wuxuuna Ehel u yahay inii Dambi Dhaafo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)