Selected

Original Text
Mahmud Muhammad Abduh

Available Translations

82 Al-'Infiţār ٱلْإِنْفِطَار

< Previous   19 Āyah   The Cleaving      Next >  

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.

82:1 إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنفَطَرَتْ
82:1 Markay Samadu Dildillaacdo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

82:2 وَإِذَا ٱلْكَوَاكِبُ ٱنتَثَرَتْ
82:2 Xiddiguhuna daataan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

82:3 وَإِذَا ٱلْبِحَارُ فُجِّرَتْ
82:3 Badahana laysku furo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

82:4 وَإِذَا ٱلْقُبُورُ بُعْثِرَتْ
82:4 Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

82:5 عَلِمَتْ نَفْسٌ مَّا قَدَّمَتْ وَأَخَّرَتْ
82:5 Waxay ogaan nafu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

82:6 يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْإِنسَـٰنُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ ٱلْكَرِيمِ
82:6 Dadow maxaa kugu kadiyay Eebahaaga sharafta leh. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

82:7 ٱلَّذِى خَلَقَكَ فَسَوَّىٰكَ فَعَدَلَكَ
82:7 Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

82:8 فِىٓ أَىِّ صُورَةٍ مَّا شَآءَ رَكَّبَكَ
82:8 Siduu doonana kuu sameeyey. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

82:9 كَلَّا بَلْ تُكَذِّبُونَ بِٱلدِّينِ
82:9 Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

82:10 وَإِنَّ عَلَيْكُمْ لَحَـٰفِظِينَ
82:10 Malaa'ig baana idin ilaalinaysa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

82:11 كِرَامًا كَـٰتِبِينَ
82:11 Oo sharaf leh waxna qori. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

82:12 يَعْلَمُونَ مَا تَفْعَلُونَ
82:12 Ogna waxaad falaysaan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

82:13 إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ لَفِى نَعِيمٍ
82:13 Kuwa wanaagsani waxay gali Naciima. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

82:14 وَإِنَّ ٱلْفُجَّارَ لَفِى جَحِيمٍ
82:14 Kuwa xun Xunna waxay gali Jaxiimo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

82:15 يَصْلَوْنَهَا يَوْمَ ٱلدِّينِ
82:15 Wayna ku guban Maalinta abaalmarinta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

82:16 وَمَا هُمْ عَنْهَا بِغَآئِبِينَ
82:16 Kamana maqnaadaan Naarta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

82:17 وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلدِّينِ
82:17 Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

82:18 ثُمَّ مَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلدِّينِ
82:18 Haddana ma taqaannaa Maalinta abaalmarinta. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

82:19 يَوْمَ لَا تَمْلِكُ نَفْسٌ لِّنَفْسٍ شَيْـًٔا ۖ وَٱلْأَمْرُ يَوْمَئِذٍ لِّلَّهِ
82:19 Waa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)