Selected

Original Text
Mahmud Muhammad Abduh

Available Translations

89 Al-Fajr ٱلْفَجْر

< Previous   30 Āyah   The Dawn      Next >  

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
In the name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.

89:1 وَٱلْفَجْرِ
89:1 Eebe wuxuu ku dhaartay Waabariga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:2 وَلَيَالٍ عَشْرٍ
89:2 Iyo Habenanada Tobanka ah (Arrafo). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:3 وَٱلشَّفْعِ وَٱلْوَتْرِ
89:3 Iyo Tirada siman iyo tan is dheer. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:4 وَٱلَّيْلِ إِذَا يَسْرِ
89:4 Iyo Habeenku markuu tagayu. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:5 هَلْ فِى ذَٰلِكَ قَسَمٌ لِّذِى حِجْرٍ
89:5 Miyayna arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto Qof caqli leh. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:6 أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِعَادٍ
89:6 Ma ku soo Gaadhay sida Eebahaa ku falay Caad. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:7 إِرَمَ ذَاتِ ٱلْعِمَادِ
89:7 Ee ahaa Irama xooggana lahaa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:8 ٱلَّتِى لَمْ يُخْلَقْ مِثْلُهَا فِى ٱلْبِلَـٰدِ
89:8 Wax la mid ahna aan iugu abuurin dhulka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:9 وَثَمُودَ ٱلَّذِينَ جَابُوا۟ ٱلصَّخْرَ بِٱلْوَادِ
89:9 Iyo Thamuud-kii ahaa dhagaxa kuwa ku jarjara Waadiga. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:10 وَفِرْعَوْنَ ذِى ٱلْأَوْتَادِ
89:10 lyo Fircoonkii dhakawyada lahaa. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:11 ٱلَّذِينَ طَغَوْا۟ فِى ٱلْبِلَـٰدِ
89:11 kuwiina ahaa ku xadgudbay dhulka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:12 فَأَكْثَرُوا۟ فِيهَا ٱلْفَسَادَ
89:12 12 Kuna badiyay dhexdiisa fassaadka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:13 فَصَبَّ عَلَيْهِمْ رَبُّكَ سَوْطَ عَذَابٍ
89:13 Markaasaana Eeba ku shubay Caddibaad daran. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:14 إِنَّ رَبَّكَ لَبِٱلْمِرْصَادِ
89:14 Maxaayeelay Eebe waa u darbanyahay (abaalmarinta). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:15 فَأَمَّا ٱلْإِنسَـٰنُ إِذَا مَا ٱبْتَلَىٰهُ رَبُّهُۥ فَأَكْرَمَهُۥ وَنَعَّمَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّىٓ أَكْرَمَنِ
89:15 Marks Eebe Dadka imtixaano xoolana ugu nicmeeyo wuxuu dhihi (kan xun) waa lai sharrifay (isagoo faani). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:16 وَأَمَّآ إِذَا مَا ٱبْتَلَىٰهُ فَقَدَرَ عَلَيْهِ رِزْقَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّىٓ أَهَـٰنَنِ
89:16 Haddiise Eebe imtixaano oo Xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Eebaa i dulleeyay. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:17 كَلَّا ۖ بَل لَّا تُكْرِمُونَ ٱلْيَتِيمَ
89:17 Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn Agoonka. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:18 وَلَا تَحَـٰٓضُّونَ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ
89:18 Mana fartaan in masaakiinta wax la siiyo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:19 وَتَأْكُلُونَ ٱلتُّرَاثَ أَكْلًا لَّمًّا
89:19 Waxaadna aad u cuntaan dhaxal xaq darro. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:20 وَتُحِبُّونَ ٱلْمَالَ حُبًّا جَمًّا
89:20 Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:21 كَلَّآ إِذَا دُكَّتِ ٱلْأَرْضُ دَكًّا دَكًّا
89:21 Saas ma aha ee marka dhulka la burburiyo. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:22 وَجَآءَ رَبُّكَ وَٱلْمَلَكُ صَفًّا صَفًّا
89:22 Eebe iyo Malaguna la yimaaddo amarkiisa Malaa'igtoo safan. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:23 وَجِا۟ىٓءَ يَوْمَئِذٍۭ بِجَهَنَّمَ ۚ يَوْمَئِذٍ يَتَذَكَّرُ ٱلْإِنسَـٰنُ وَأَنَّىٰ لَهُ ٱلذِّكْرَىٰ
89:23 Naarta Jahannamana Maalintaas la keeno, Dadku waxay xusuusan waxay faleen, Maxayse xusuusi tari. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:24 يَقُولُ يَـٰلَيْتَنِى قَدَّمْتُ لِحَيَاتِى
89:24 Waxay dhihi shallaytee maan wanaag hormarsado. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:25 فَيَوْمَئِذٍ لَّا يُعَذِّبُ عَذَابَهُۥٓ أَحَدٌ
89:25 Malintaas sida Eebe wax ruux u Cadaabi ma jiro. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:26 وَلَا يُوثِقُ وَثَاقَهُۥٓ أَحَدٌ
89:26 Wax sida Eebe wax u xidhina ma jiro. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:27 يَـٰٓأَيَّتُهَا ٱلنَّفْسُ ٱلْمُطْمَئِنَّةُ
89:27 Naftase xaqa rumaysay ee Xasillooneey. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:28 ٱرْجِعِىٓ إِلَىٰ رَبِّكِ رَاضِيَةً مَّرْضِيَّةً
89:28 U noqo Eebaha adoo raalli ah lagana raalli noqday. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:29 فَٱدْخُلِى فِى عِبَـٰدِى
89:29 dhexgalna Addoomadayda (wanaagsan). - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)

89:30 وَٱدْخُلِى جَنَّتِى
89:30 Galna Jannadayda. - Mahmud Muhammad Abduh (Somali)